Afhayeenka Komishanka qaranka

 

 

 

Hargeysa (ANN)- Guddiga Doorashooyinka Somaliland ayaa si rasmiya ugu dhawaaqay  maalinta ololaha doorashada Madaxtooyada Xisbiyadu bilaabayaan iyo qorshaha mudada loo asteeyay.

Kaas oo lagu soo koobay 21 maalmood  oo keliya.  ka dib markii wax ka beddel iyo kaabis lagu sameeyay xeerka doorashooyinka oo labada Gole Baarlamaan ansixiyeen dhowaan ee  Madaxweynuhu ku soo saaray Digreeto.

 

 

Afhayeenka Guddiga doorashooyinka Qaranka Somaliland Maxamed Axmed Xirsi (Geelle), oo maanta barqadii shirjaarid ku qabtay Hotelka Imperil ee  Magaalada Hargeysa ayaa sheegay in hawshii qaadashada kaadhka cusub ee codaynta doorashada iyo jinsiyaddu meel fiican marayso, wuxuuna xusay  inay soo gebagaboobi doonto maalinta isniinta toddobaadkan muddadii tobanka (10) maalmood ahayd ee dib looga bilaabay goobaha heer Degmo ee Dalka. ka  dib markii ay hore u dhammaadeen toddoba cisho oo qaadashada kaadhadhka diiwaangelintu dalka ka socotay.isla markaana lasoo xeraynayay  kuwii hore.

“Hawlihii qaadashada kaadhadhku si fiican bay u socdaan, weli waxaynu ku guda jirnaa 10-kii cisho ee dheeraadka ahaa oo Isniinta toddobaadkan ku eg ama ku dhammaanaya. Waxaynu gallay markaa marxaladdii doorashada madaxtooyada oo aannu u muddaynay inay qabsoonto 26-ka bisha June. Sidaa daraadeed, inaannu shaacinno maalintii ololaha doorashada madaxtooyada ay bilaabayeen Xisbiyada siyaasaddu oo aannaan hore u shaacin. XeerkU waxa uu dhigayay in ololuhu bil socdo. Hase ahaatee, wax ka beddal dhawaan lagu sameeyey waxa lagu soo koobay muddo saddex toddobaad ah 21 maalmood, taasoo ay labada Gole ee Guurtida iyo Wakiilladu ansixiyeen, Madaxweynaha Jamhuriyadda Somaliland-na digreeto ku soo saaray ayaa dhaqan-gal ah.” Sidaa ayuu yidhi Afhayeenka Guddiga doorashooyinku Maxamed Axmed Xirsi.

“Markaa waxaannu maanta idiinku yeedhnay inaannu idiin sheegno maalinta ololuhu bilaabmi doono iyo sida ay Xisbiyadu maalmaha u kala qaadanayaan. Dabcan Xisbi waliba toddoba cisho ayuu leeyahay ololaha, laakiin si isweydaar ah ayay u kala qaadanayaan. Ololuhu waxa uu rasmi ahaan u bilaabmayaa 3-da Bisha Juun oo ku beegan maalin Khamiis ah, waxa uu soconayaa illaa 23-ka Juun oo ah maalin Arbaco ah oo la soo gebagabayn doono. Sharciguna waxa uu dhigayaa 23 cisho ka hor maalinta doorashada in ololuhu bilaabmo, oona xidhmo 48-saacadood ka hor saacadda codayntu bilaabmayso. Hadda maalinta koobaad ee ololuhu bilaabmo ee 3-da Juun waxa ugu horreynaya Xisbiga UDUB, 4-Ta Juun waxa ololaha bilaabaya Xisbiga KULMIYE, 5-ta Juunna Xisbiga UCID ayaa leh, sidaas ayaanay isugu xigayaan 21-ka cisho.” ayuu yidhi Afhayeenka Komishanka doorashooyinka Mr Geelle.

Afhayeenka Guddiga doorashooyinka Somaliland Maxamed Xirsi Geelle, wuxuu  ka codsaday taageerayaasha iyo Masuuliyiinta saddexda Xisbi, inay ilaaliyaan xeerka anshaxa Axsaabta ee ay hore u wada saxeexeen Xisbiyada iyo Komishanka doorashooyinku.isagoo yidhi, “ waa inaan  Xisbina Xisbiga kale dhibaato iyo faragelin u gaysan maalinta uu ololaha leeyahay. waxa dhacday in taageerayaal Xisbi ay Xafiisyo Xisbi kale weerareen oo dhagax-tuureen. ama arbushaan. Sidaa awgeed  waxaanu ka codsanaynaa taageerayaasha Xisbiyadu inay anshaxa ilaaliyaan, haddii ay dhacdo in taageere xisbi Xisbi kale dhibaateeyo waxa laga qaadi doonaa tallaabo sharciga waafaqsan, waxaana lagala xisaabtami doonaa Xisbiga ay taageerayaashaas, ama taageerahaasi ka mid yihiin,”

Mar la weydiiyay haddiiba ay jiraan dad kaadh iyo wax ka badan qaatay, waxa laga yeelayo ee Komishanka uga qorshaysan. Waxa uu sheegay inay sameeyeen nidaam aan cid ka gudbi kartaa jirin maalinta doorashada oo qof waliba hal mar wax ka badan aanu codayn Karin. Wuxuuna  dadweynaha ka codsaday in la soo sheego qofka sita hal kaadh wax ka badan. si sharciga loo horgeeyo.maadaama uu doonayo inuu khiyaamo wax ku doorto qofka kaadh wax ka badan qaatay.

 

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 

Araweelonews Hargeysa Office  

E-mail; Info@araweelonews.com 

 

Afhayeenka Komishanka qaranka

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *