Kismaayo(ANN)Magaalada Kismaayo, ayaa saaka dadwaynuhu ku soo tooseen goobihii maamulka  oo haawanaya. kadib markii Xalay ay  Al-Shabab goobahaas banaysay. Warbaahinta taageerta al-Shabaab ayaa sheegtay in ciidamada xarakadu ay magaalada ugu baxeen waxa lagu

 

sheegay taatiko dagaal’.

Dadwaynaha magaalada, ayaa xaqiijiyay in xaruntii maamulka gobolka iyo saldhigyada ciidamada ay baneeyeen ciidamada al-Shabab.ka dib markii duqayn dhinaca badda iyo cirka laga waday maalmihii lasoo dhaafay.

Ciidamada Kenya oo ka mid noqday kuwa AMISOM, ayaa xalay dhinaca badda ciidamo ka soo galiyay magaalada Kismaayo. Waxayna  hadda ku sugan yihiin duleedka magaalada Kismaayo. sida ay sheegayaan dadka deegaanku.

Taliyaha guud ee ciidamada Soomaaliya ayaa sheegay in ciidamadu aanay ku degdegi doonin galitaanka magaalada Kismaayo, sababo la xidhiidha inaan khasaaruhu badan.
Dhinaca kale warar la xidhiidha ka bixitaanka al-shabaab ee Kismaayo ayaa sheegaya Hogaamiyaashii ku sugnaa halkaa  qaarkood la sheegay in Doonyo ka raaceen una tilaabeen dhinaca Dalka Yaman si ay hoosha halkaa uga sii wadaan dagaalada oo ay   Al-Qaacida Yamana ugu biiraan, kuwaas oo qaarkood wararku sheegayaan inay maalmihii lasoo dhaafay ka baxeen magaalada.
sidoo kale Warar kale oo aanu ka helay  ilo Xog ogaal ah ayaa sheegaya in Hogaamiyaasha Shabaab iyo Al-Qaacida intoodii badnayd  ee Kismaayo ka qaxay hada kusuganyihiin Magaalooyinka Jilib iyo Baraawe oo ka kala tirsan Gobolada Jubada Dhaxe iyo Sh/Hoose halkaasna ay hada gabaad kasii dhiganayaan inta laga soo weerarayo, halka qaar kalena ay wararku sheegayaan inay ku sugan yihiin Baraawe iyo Bakool, iyadoo kuwo kale oo ka tirsan kooxdaa wararku sheegayaan inay u guureen dhinaca Diinsoor iyo Gobolka Galgaduud.

Ciidamda Kenya ayaa ka soo talaabay  xadka Soomaaliya mudo hada lag joogo sanand. kadib markii  ay  16-kii bishii October sanadkii 2011.  usoo gudbeen xadka dhinaca koonfureed ee Somalia, iyagoo ku doodayay  in uu qorshahoodu yahay in ay tallaabo ka qaadaan xarakada al-Shabaab oo ay ku eedeynayeen  falal amaan darro ah oo ay ka geysteen gudaha dalka Kenya.

Ciidamada Kenya, oo dhowr bilood ka hor ku biiray AMISOM, oo ay weheliyaan ciidamo Soomaali ah ayaa totobaadyadii ugu dambeeyay culeys malatari oo bad iyo bariba leh ku hayay magaalada kismaayo, iyadoo duqayn dhinaca badda iyo cirka lagu sameeyay magaalada Kismaayo oo ahayd magaaladii ugu mihiimsanayd ee ay gacanta ku hayeen kooxda Al-shabaab mudo shan sanadood ah, kuwaas oo hore uga baxay Muqdisho.
Arrintan oo muujinay in la wiiqay awooda Al-shabaab, ayaa u muuqata in Al-shabaab sidii hore looga bartay ay Afarta bilood ee sanadka u danbeeya bilaabaan qaraxyo iyo dilal qorshaysan, kuwaas oo hada ka socda muqdisho mudooyinkii u danbeeyay,  balse ay yaraato in la helo ciidamo urursan oo meel loogu haggaago oo kooxda Al-shabaab ka tirsan.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *