images/stories/muuqaalka deeganka galgala.jpg   Puntland(ANN)Wararkii u dambeeyay ee  naga soo gaadhay Magaaladda Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ayaa Sheegaya dagaalkii saaka ku dhexmaray Ciidamada maamul goboleedka  Puntland iyo Ciidamada ka Amar qaata  Sheekh Maxamed Siciid Atam ee ka dhacay Duleedka Magaaladda Boosaaso in lagu dilay 5 Askari oo katirsan Ciidamada  Maamulka Puntland ee weerary deegaanka Galgala. Dagaal Saaka Arooryadii hore ku dhexmaray Ciidamada

 MaamulkaPuntland iyo Ciidamo ka Amar qaata Sheekh Maxamed Siciid Attam duleedka Magaaladda Boosaaso gaar ahaan deeganada Laag iyo Karin ayaa waxaa ku dhintay Shan Askari  inkastoo  warar kale oo hada soo dhacay sheegayaan inay dhimashada Askartu intaa ka badan tahay,  balse hada inta la geeyay Magaaladda Boosaaso waa Shan Askari iyo dhaawac gaadhaya 15 Askari. Sidaana waxa shebekada wararka ee araweelonews u xaqiijiyay dad kala duwan oo ku sugan deegaankaa.
Ciidamada Puntland Waxaa dagaalka Saaka Si wada jira u qaaday Ciidamada PIS-ta iyo kuwa Daraawiishta oo aad loo hubeeyay, isla markaana sita qalab isgaadhsiin casri ah oo ay kula  xidhiidhayaan sirdoonka Maraykanka oo qayb ka ah duulaanka, waxayna dagaal Xoogan oo aan loo kala hadhin ku qaadeen Deeganada Laag iyo Karin,  kuwaas oo qiyaastii Magaaladda Boosaso Koonfur Barri kaga beegan  40 KM ilaayo hadana lama garanayo Khasaaraha dhabta ah ee soo gaadhay dadka deegaanka.
Sidoo kale Ciidamada Ka Amar qaata Sheekh Maxamed Siciid Atam ayaan  la garanayn Khasaaraha dhabta ah ee kasoo gaadhay daagalkii Saaka Lagu Soo qaaday ee ka dhacay Duleedka Magaaladda Boosaaso Sababo jiro awgood iyo deeganka oo u badan Buuro oo aan Xaqiiqdii la ogaan karin dhibaatada soo gaadhay inta ay leegtahay.
Dadka ka Faalooda Arimaha deegaanka iyo colaada halkaa ka aloosan ayaa ku tilmaama Sheekh Maxamed Siciid Atam Kacdoonka uu ka wado Deeganada Puntland  inay yihiin  mid ka dhashay Arimo qabiil,  amaba Salka ku haya oo aanay  Arimaha Diinta iyo xidhiidhka ay Maamulka Puntland ku xidhiidhiyaan kooxaha Alqaacida aanay  marnaba ahayn kuwo uu ku Dagaalamayo. Inkasta oo ay  dad badani rumaysan yihiin inuu Sheekh Maxamed Siciid Attam Aaminsanyahay Fikir Diimeed oo ah inuu Deeganada Puntland Shareecada Islaamka kusoo rago hadii u gacanta ku qabto.
Dhinaca kale Madaxweynaha maamul goboleedka  Puntland C/raxmaan Maxamed Maxamuud “Faroole” ayaa kawarbixiyey isaga oo kusugan Magaalada Garoowe ee xarunta Puntland dagaalka  xooggan ee  maanta ku dhexmaray Buuraleyda Galgala ee Gobolka Bari Ciidamadamadiisa  iyo Kooxo hubaysan oo uu Hogaamiyo Sheekh Maxamed Siciid Attam.
Mr. Faroole  waxa uu tilmaamay in dagaalku ahaa mid aad u xooggan uuna bilowday kadib markii ay kooxaha dagaalka kala soo horjeeda ay saaka aroortii dagaal gaadmo ah ku qaadeen fadhiisin ay Ciidamada Dawladdu ku lahaayeen Deegaanka Karin oo 40-km dhanka koonfureed kaga beegan Magaalada Boosaaso, halkaas oo  ku taala waddada Laamiga ah ee isku xidha Boosaaso iyo Gaalkacyo.

“Waxaan dadka reer Puntland, Soomaalida nabadda jecel iyo caalamkaba u sheegayaa in Kooxaha Arga-gixisada caalamiga ah ay duulaan kusoo qaadeen Puntland, waxayna weerar kusoo qaadeen meel u dhow Bossaso oo lagu magcaabo Karin, dagaalkaasina waxa uu dhaliyey dagaal balaadhan”, ayuu yidhi Madaxweynaha Puntland.

Balse  waxa uu sheegay inay guullo la taaban karo ka gaadheen dagaalka maanta ciidamadiisu, kuwaas oo sida uu sheegay gacanta ku dhigay  qaar kamid ah saraakiishii hogaaminaysay kooxaha uu ku tilmaamay arag-gixisada ee ay  dagaalka isakaga hor yimaadeen, sidoo kale Faroole  waxa uu tilmamay in ay dagaalka ku laayeen Ciidamada Puntland qaar badan oo kamid ah kooxihii dagaalka kula jiray.

“Dagaalkaasi waxay ka gaadheen Ciidamada Puntland guullo la taaban karo ,waana la caabiyey kooxihii dagaalka soo qaaday, waana laga sifeeyey goobihii ay soo weerareen, dhimasho badana waa loo gaystay, madaxna waa laga qabtay , haddaan wax idiinka sheego madaxda la qabtay waxaa kamid ah nin layidhaahdo Jaamac Ismaaciil Ducaale, waa nin kamid ah arga-gixisada caalamiga ah hadda ka horna waxa uu dagaal kusoo qaaday isaga iyo koox ajnabi ah oo uu watto Degmada Baargaal ee Gobolka Bari”, ayuu yidhi.
Sidoo kale Madaxweynaaha maamul goboleedka Puntland C/raxmaan Faroole waxa uu baaqyo kala duwan usoo jeediyey dadweynaha reer Puntland iyo Beesha Caalamka, wuxuuna  ku cel celiyey in dagaalka maanta bilowday aanu  ahayn mid ku kooban Puntland ee uu yahay mid laga leeyahay u jeeddo fog, sidaa darteedna loobaahan yahay in la’iska difaaco.

“Waxaan ugu yeedhayaa dadka reer Puntland, shacab iyo Ciidan, Rag iyo Dumar, miyi iyo magaalaba meel kasta oo ay joogaan in ay ka qayb qaataan difaaca dalkooda, waayo waxa duulaanka lagu yahay waa iyaga naftooda iyo malakooda, waxaan beesha caalamka ugu yeedhayaa gaar ahaan Waddamada deriska la ah Soomaaliya in dagaalkani aanu ahayn mid ku kooban Puntland oo keli ah ee uu yahay mid iyagana saamayn ku yeelan doona haddii aan laga hortagin”, ayuu hadalkiisa kusoo gaba gabeeyey  C/raxmaan Maxamed Maxamuud Faroole.

Dhinaca kale wararkii ugu dambeeyey ee kasoo baxay  deegaanada uu dagaalku ka dhacay ayaa sheegaya in xilligan uu dagaalku si teel teel ah uga socdo goobo aad uga fog  kuwii  uu saaka ka bilowday.

Sikastaba ha ahaatee  ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dhinaca kooxaha dagaalka la galay Ciidamada Puntland ee lagu tilmamay in katirsan yihiin Xarakadda Al shabaab ilaa iyo iminkana lama oga meesha ay ku dabayn doonto xaaladda dagaalkan cusub.

Dhinaca kale Ciidamada ammaanka ee Magaalada Bossaso ayaa maanta  gacanta kusoo dhigay nin waddada dhinaceedu ku aasay miinada nooca remote-ka laga hago,.  sida ay sheegayaan wararka ka aanu ka helay saraakiisha amaanka ee maamulka Puntland ninkaa ayaa waxa uu isku deyey in uu baxsado hase yeeshee waxaa la sheegay in ay qabashadiisa gacan ka gaysteen shacabka Bossaso.

Ninkan oo wattay miino aad u xoog badan ayaa waxaa lagu qabtay waddo kamid ah Waddooyinka ugu isticmaalka badan Magaalada Bossasso,  halkaa sida ay wararku sheegayaan  uu xiligaa qorshaynayay   in uu miino ku aaso, balse ay dadku xaafadu arkeen kadibna ay ku wargeliyeen ciidanka amaanka oo gacanta ku dhigay.

Sidoo kale Ciidamada ammaanka ee Magaalada Bossaso ayaa maant gacanta kusoo dhigay nin kale oo fuliyey qarax saaka lala eegtay Ciidamada ammaanka ee Magaalada Bossaso, kaas  barqanimadii gacanta Lagu  dhigay. Kadib markii uu bam gacmeed ku tuuray Gaadhi  ay Wateen Ciidamada Booliska, balse  bamkaa ayaan  gaysan wax khasaare ah. Kadibna Ciidamada oo  shacabka ayaa ku guulaystay inay  ninkaa gacanta ku dhigaan,  isaga oo dhaawac ah.  Warar kale oo la xidhiidha qabashada Ninkaa  ayaa sheegaya  in dhaawaca uu kasoo gaadhay bamka uu ku tuuray gaadhiga Ciidanka,  waxaana ninkaa loo dhaadhiciyey jeelka weyn ee Magaalada Bossaso.

Saraakiisha ammaanka Bossaso aan kala xiriirnay sida laga yeelaayo raggan lagu qabtay walxaha qarxa ayaa waxa ay noo sheegeen in sida ugu dhaqsaha badan loo horgayn doono maxkamad laguna qaadi doono waxa uu ka qabo sharcigu.

Talaabadan  ayaa noqotay mid ay siweyn usoo dhoweeyeen dadka rayidka iyo saraakiisha Booliska waxayna, Saraakiisha Boolisku  ugu baaqeen  dadka rayidka ah inay ciidamada kala shaqeeyaan sugitaanka ammaanka guud ee Magaalada Bossaso.
Dagaalkan Saaka ka dhacay Duleedka Magaaladda Boosaaso ayaa imanaya dhowr Cisho kadib Marii Madaxweyne Faroole hanjabaad Kulul Warbaahinta  u mariyay Sheekh Maxamed Siciid Isagoo Sheegay in ay Cagta marin doonaan oo ay soo Afjari doonan malayshiyada ku sugan halkaa ee Maxamed Attam uu hogaamiyo, kuwaas oo iyaguna dhinacooda maalmihii u danbeeyay isku urursanayay deegaanka Beeralayda ah ee Buuraleyda Galgala. Waxaana dhicisoobay gebi ahaanba isku dayo iyo baaqyo la doonayay in lagu joojiyo abaabulka dagaalka oo maalmihii u danbeeyay ka socday debeda iyo gudaha puntland.

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Hargeysa Office  
E-mail; Info@araweelonews.com/ jaamac132@gmail.com/ shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *