Hargeysa(ANN) Wasiirkii hore ee Wershedaha Somaliland Maxamed Saleebaan Weyne ayaa sheegay in taliskii uu ka tirsanaa ahaa koox casaabad ah oo ay Mujtamaca ka dhigeen mid faasid ah oo xaaraan quute ah, kuwaas oo sida uu xusay  ahaa  kuwo aan  dalka iyo dadka midna u naxayn oo

 

dhir iyo dhagax aan midna dhaafayn, isla markaana madaxa iskaga duubay Madaxweyihii hore Daahir Rayaale oo uu sheegay inuu ahaa hogaamiye nabad jecel oo wanaagsan.
Maxamed Saleebaan Weyne, waxa kale oo uu  ka hadlay arragtidiisa xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ee xiligan, mawqifkiisa siyaasadeed ee ururada dalka lagaga dhawaaqay oo uu sheegay inay kuwii Ummada hantideeda dhacay lacagtii dib ugu soo celinayaan iyagoo magacyo Ururo la baxay oo qaarkood boogo leeyihiin.
Sidoo kale waxa uu sheegay inaanu jirin xiligan Xisbi la yidhaahdo UDUB, isagoo dhinaca kalena ka hadlay  waxa ka jira iskaashi isbahaysi oo dhexmara xisbiga UCID iyo UDHIS iyo arrimo kale.
Maxamed Saleebaan Weyne, waxa uu sheegay in dad aannu magacaabin oo xilligii halganka mujaahidiintii SNM xiniinyaha ka qaniini jiray ay iminka faafinayaan borobogaando ah in Madaxweyne Siilaanyo uu Somaliland dib ugu celinayo Soomaaliya, wuxuuna  sidaa ku sheegay Waraysi  khaas ah oo uu siiyay Isniintii 29, Nov 2001, Tafaftiraha  shebekada wararka ee Araweelonews, Carraale Maxamuud Jaamac wuxuuna isagoo ka hadlaya arragtidiisa xukuumadda waqtigan ee Madaxweyne Siilaanyo iyo xukuumaddii uu ka tirsanaa faraqa u shexeeya yidhi,

“Waxaan Jecelahay in aan caddeeyo dawlad ayaan ka mid ahaa oo aan wasiir ka ahaa, dawladaasi waxa haysatay madaxweyne wanaagsan oo nin nabadgelyo ah, qof ahaantiisa iyo masuuliyadiisa madaxweynenimo midna muu ahayn qof rabshad, dhiig iyo burbur jecel muu ahayn Daahir Rayaale, Hasa ahaatee waxayaga kale oo dhami waxaanu ahayn casaabad aan dalkan u dhalan dadkana ka dhalan oo qoorta iskaga duubay dalka, dadka iyo madaxweynihiiba, waxaanu ahayn casaabad aan geed iyo dhagax toona reebayn oo dadkana u naxayn hilbana ugu ool.
Runtii aniga oo da’daa jooga oo wasiir ka ahaa golaha dawladda, ayaa waxa ii muuqday dalkaygii oo laba farood dhexdood ka dhacaya, warwar baddan ayaa I hayey, maanta se sidii doorashadu u dhacday (26 Jun 2010), ee dawladda cusub talada dalka u qabsatay wax warwar ah oo aan dalka ka qabaa haba yaraatee ma jirto, madaxweynaha maanta dalka ka talinayaana waa nin aan ku kalsoonahay inuu dalka amaan ka dhigayo. Waayo inuu burburiyo kama baqayo, inuu Xamar tagana kama baqayo, inuu qadiyadda Somaliland iibiyana kama baqayo, sababta oo ah Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) hadduu Somaliland Xamar gaynayo ama Soomaaliya gaynayo maalintii doorashadda (doorashadii madaxtooyadda ee 2003) 80 ka cod lagaga helay ayuu Xamar tegi lahaa, sidaas darteed anigu ma iibsan karayo Siilaanyo Xamar buu ku socdaa.
Ta labaad ee aanan iibsan karayn waxa weeye qolooyin kayagii xinniinyo-qaniinada ahaa ee markii Siilaanyo isaga oo 35 jir ah intuu dalka ka baxay ee uu xaaskiisii, ubadkiisii iyo shaqadiisiiba ka dhaqaaqay ee duurka galay sidii dalka loo xorayn lahaa, kuwayagii dadka xinniinyaha ka qaniini jiray ee iyaga oo SNM u aanaynaya raggaa  intay joonyado ku guraan badda ku tuuri jiray ayaa maanta ku leh Siilaanyo Xamar buu tagayaa, taasi waa wax dambi ah oo aaan la qaadan karin,” ayuu yidhi Maxamed Saleebaan Weyne.

Wasiirkii hore ee warshadaha Somaliland waxa uu sheegay inay jiraan waxyaabo baddan oo ka khaldan dawladda cusub, isla markaana wax baddan oo dawladdii Rayaale xumaysay oo la haggaajiyeyna ay jiraan, isaga oo arrintaas ka hadlayeyna waxa uu yidhi; “Way jiraan dhalliilo kuwayagiiba qaar ka xun yihiin oo dawladda cusubi leedahay, xaga dhaqaallaha marka la eego, sababta oo ah annagu waxaanu ahayn tuug oo wixii aanu dalka wax ugu qaban lahayn ayaanu dadka ku laaluushi jirnay oo faraqi jirnay, markaa dawladda cusubi wixiina way maamushay oo dhaqaalihii way ururisay, laakiin dadku busaarad bay dareemayaan, hadaad maqasho rag qaylinaya oo leh waa la gaajoonayaa waa dadkii aanu xaaraanta barnay, waxaanu abuurnay mushtamac faasid ah oo booli quutayaal ah, kuwan qaylinayaa waa kuwii aanu xaaraanta barnay oo lacagtii laga xidhay, wixii aanu barnay ayeyna doonayaan, laakiin waxay ahayd in lacagahan la ururiyey in wax lagu qabto oo ay dalka ka muuqato, balse arrintaasi maanta ma muuqato oo dadkii way qaylinayaan, markaa dhaliishaasi way jirtaa, kuwo kale oo badana way jiraan.
Marka wax cusubyihiin jaanis baa la siiyaa, runtiina dawladda cusub fursad baa la siiyey oo cid ka garawsanaysa maantaa fursad lanama siin ma jirto, sidaa awgeed waa in wixii cadna caddaan loo sheegaa, wixii madawna madaw loo sheegaa.”

Wasiirkii hore ee warshadaha Md. Maxamed Saleebaan Weyne oo la weydiiyey aragtidiisa la xidhiidha furashadda ururrada, maadaama xukuumadii Rayaale ee uu ka midka ahaa ka soo horjeeday in ururo cusub la furo, waxa uu ku jawaabay “Dawladayadii hore wax ay ogolaydba may jirin, wax walba waanu kasoo horjeednay, waxaanu odhan jirnay madaxweynaha iyo madaxweyne-ku-xigeenka waxa beddelaya kuwo la soo doortay, doorasho inay dhacdana maanu doonayn, markaa wax walba waanu ka soo horjeednay, sababta oo ah waxanu ahayn casabad dalka qoorta iskaga martay, hasayeeshee furitaanka ururradu waa sharci, waana arrin wanaagsan sharciga iyo Dastuurka, laakiin waxa meesha ka soo baxday anigu dagaalyahan ma ihiye sheeko cajiib ah, laakiin dadkii dibadaha ka dagaalamay baan ahaaye, waxaanu maqli jirnay SNM niman shaadhad cadcad baa ka ag dagaalama oo 20 innan oo aan soo quraacan ayaa xero dhan oo laba kun oo ciidankii Faqashtu ku jirto oo taangiyo iyo dubaabadu haysta inay weerar ku qaadaan waxay haystaanba ka qaadan jiray, markaa waxa la odhan jiray waxa SNM ka ag dagaalama niman awliyo ah oo waxaba layn jiray, kuwiina weli shaqadii bay hayaan. Waxan uga jeedaa awliyo Illaahay ayaa dadkan u dagaal gashay oo dulmigii wax ka ridaysay, awliyadii baa imika shaqaysa oo kooxdayadii   hore ee xoolihii ummadda dhacay ee wixii ummadda xaday ayey awliyadaasi sanaaduuqdii naga fureen, dabadeedna waanagan xisbiyada furanayna ee dadka casuumayna oo lacagtii aanu sanaaduuqda ku urursanay ayaa ummaddii lahayn dib loogu soo celinayaa.
Wixii xukuumadayadii ka mid ahaa, kuwii naga horreeyey iyo kuwa hadda joogaba ha ahaadaane kuwii ummaddan dhacay ayey Awliyo Illaahay lacagtii ka soo qaadaysaa oo ummaddii lahayd dib ugu celinaysaa, marka la eego mabda’iyan furista ururradu way fiican tahay oo waa hab dimuqraadi ah, laakiin waxan ka baqayaa inay inagu noqdaan wado furan oo ay innagu soo baxaan xisbiyo gobol kaliya ku kooban, xaafad, shuuciyad, xagjir, waxanan leeyahay  halkaas markay joogaan hala joojiyo haddii kale waxay noqonaysaa inay sidii Salaadiinta nin walba geed inta uu fadhiisto oo caano isku shubo uu yidhaahdo urur baan ahayn, aniguna u malayn maayo in ururradan imika samaystay intooda baddan aanay iskaba bixin karin lacagta deebaajiga ah ee lagu xidhay, balse waxa fiican in il gaar ah lagu eego arrimaha ururrada cusub ee furmay.”
Md. Maxamed Saleebaan weyne oo la weydiiyey aragtidiisa la xidhiidha diwaangelinta la laalay iyo saamaynta ka dhalan karta, waxa uu ku jawaabay; “Diwaangelinta la laalay waxa ay ahayd wax lagu heshiiyey oo beesha caalamka, mucaaridka iyo komishanku isku raaceen oo la yidhi, doorashadana aynu ku dhaafno, wixii dambena diiwaangelin hala sameeyo, heshiiskaas ayaa jira, laakiin markaad dhinaca kale ka eegto diiwaangelintii baa la tuuray waxay noqonaysaa in madaxweynaha maanta joogaa aanu sharci ahayn oo doorashadiisii xaaraan bay noqonaysaa, taasna imika laguma doodi karo oo waxa ka horreeyey qodob lagu heshiiyey oo ahaa in diiwaangelinta la laalo, ninkii doonaya inuu xumaan iyo qalaanqal sameyo wuu ku doodi karaa, laakiin waxa uu qabsanayaa laan ka samaysan xuub caaro oo la soo go’aysa.”
Mar la weydiiyey Maxamed Saleebaan Weyne mabda’aan cidda uu hadda taageersan yahay wasiiradda ay isku xukuumadda ahaayeen ee ururrada cusub ku dhawaaqay iyo inuu weli ka tirsan yahay xisbiga UDUB, waxa uu yidhi; “Horta anigu wasiir baan ahaaye UDUB maan ahayn oo maan gelin, mana dooran, wasiir qudha ayaan ahaa inkasta oo mushaharkayga laga jari jiray lacagta qaadhaanka ah ee UDUB, imikana waxaan leeyahay wax UDUB la yidhaahdo ma jiro, UDUB-na waxa uu ahaa salaam nin doonayey inuu meel ku fuulo, salaankiina way la soo dhacday oo dhulka ayey ku dhacday, wayna burburtay, sidaa darteed xisbi UDUB la yidhaahdo oo maanta jirtaa ma jirto, sababta oo ah gole dhexe ma laha, gudi fulineed, malaha, guddoomiyihii iyo xoghayihii guudna way maqan yihiin, cidda khaldan tahay ee garan waayey doorkii ay lahaayeena waxa weeyaan xildhibaannada golaha wakiillada iyo golayaasha deegaanka ee lagu soo doortay UDUB, ciddii xisbigaa yeelan lahayd ee hoggaamin lahayd ee xisbi qaran ka dhigi lahaa kuwaas ayey ahaayeen, nimanka badhaabadhaa leh ee TV-yada soo fadhiistaa xaq iyo xuquuq midna kuma laha UDUB, waxayna la mid yihiin nin cod qudha siiyey xildhibaannada la soo doortay.”
Wasiirkii hore ee warshadaha oo la weydiiyey halka hadda siyaasadiisu ku jihaysan tahay, waxa uu yidhi; “Haaa!! siyaasadaydu waxay ku jihaysan tahay ururka la yidhaahdo UDHIS, waxaan qabaa raggii dalkan u hiiliyey ee magaalo jooga ahaa, ama ciyaalo iskuulka ahaa ama reer miyiga ahaa ee dhallinyarada ahaa, raggii ababiyey ee wadaniyada ku barbaariyey ee u jabhadeeyey inay dalka ka dhiciyaan cadawgii haystay, wadaniyadaas raggii ku abuuray ayaa ururkan UDHIS leh oo hoggaaminaya, maantana waxan qabaa in dhallinyarada reer Somaliland ee sharciyadu u hiilisay ururkoodu yahay kan oo ay wadaninimo iyo siyaasad kaga qaybqaadan karaan, ururrada ama xisbiyada kale way ku gabraaranayaan dhallinyarada, laakiin cidda aan qabo inuu dhallinyarada si xaqiiq ah u ababinayo waa UDHIS..
Ragga maanta ururrada furtay ee saaxiibkay Ismaaciil yare ka mid yahay waxaan u sheegayaa oo aan leeyahay waxa la yidhi , “Haldhaagu waa bahal qurux baddan oo marka uu baalashiisa kala bixiyo ayuu hoos isku eegaa, wuxuuna isku arkaa nabar lugta kaga yaal, markaasuu baalashiisa dib isugu celiyaa isaga oo murugaysan, markaa Saaxiibkay Ismaaciil Yare waxaan leeyahay markaad is kala bixiso ee aad baalasha la kala baxdo waxad eegtaa boogtii Dhoqoshay ee kugu taal ee sidee ayaad  ummadda madaxweyne uga dooni.”
Maxamed Saleebaan weyne oo la weydiiyey waxa uu kala socdo heshiiska isgaashaan buuraysi ee la sheegayo inuu dhexmari doono UCID iyo UDHIS, waxa uu kun jawaabay “Maaha in wax la iska mala awaalo, maalintii sheekadan la soo qaadayna waan fadhiyey, Mujaahid Xasan Ciise Jaamac ayaa soo jeediyey in UCID iyo UDHIS midoobaan, waxayna ahayd figrad qof ka timi, wax la isla ogaa oo laga wadahadlayna may ahayn, wax wakhtigan hadalkeedu furan yahayna maaha, ta kale xisbiga UCID waa xisbi jira, waxa lagu murmaa beedka iyo digaagada kee dunida u soo horreeyey, waxa hadaba su’aasha la isweydiinayaa tahay ma UCID baa UDHIS ku beeray, mise UDHIS baa UCID ku beeray Illaahay kama dhigee, haddii ay noqonayso in UDHIS ku biiro UCID waa suurtogal, laakiin haddii UCID ku biirto UDHIS waa in la soo baabiyo UCID ilayn waa xisbi hadda jiree.” Ayuu yidhi Maxamed Saleebaan Weyne.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *