Dubai (ANN)Wasiirka macdanta iyo biyaha Somaliland Md. Xuseen Cabdi Ducaale, ayaa ka xogwaray socdaal oo muddooyinkii u dambeeyey ku joogay dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta iyo kulamo kala duwan oo uu la yeeshay masuuliyiin ka tirsan Imaaraadka, iyada oo la sheegay in dalka Imaaraadku

 

martiqaad u fidiyey madaxweyne Siilaanyo.

Wasiirka macdanta iyo biyaha oo 27 jsnusry 2011 magaaladda Dubai kulan kula yeeshay jaaliyada reer Somaliland ee ku dhaqan wadanka Imaaraatka Carabta, ayaa ka hadlay hawlihii uga qabsoomay intii u safarka ku joogay wadanka Imaaraadka, wuxuu warbixin kooban ka bixiyey wixii uga qabsoomay safarkiisii.

Md. Xuseen Cabdi Ducaale, ayaa sida lagu baahiyey shabakada wararka ee Ramaasnews, wuxuu sheegay in uu kulamo la yeeshay Shuyuukh iyo masuuliyiin badan oo ka tirsan Dawladda Isutaga Imaaraadka Carabta oo ay ka mid ahaayeen hay’adaha gargaarka sida: Bisha Cas ee Imaaraatka iyo Hay’adda Skeikh Khalifa ee Samafalka iyo kuwo kaleba.

Waxa uu wasiirku u sharxay masuuliyaanta Imaaraatka abaaraha iyo biyo la’aanta ka taagan Somaliland, isaga oo adeegsanaya warbixino cilmiyeysan oo qeexaya xaalada abaaraha.

Waxaa kale oo uu usoo bandhigay wasiirku masuuliintaas fursadaha ganacsiga iyo maalgashiga ee ka jira soomaaliland.

Xukuumada Imaaraadku waxa ay ka aqbashay wasiirka, in loo fidiyo marti qaad rasmi ah Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo, iyada oo sida la filayo wasiirka macdanta iyo biyuhu dalka dib ugu soo laaban doono maalinta Isniinta.

Booqashadan wasiirka ayaa ahayd mid ay Jaaliyada Reer Somaliland aad ugu diirsatay, marka la eego guulaha ka soo hoyday socdaalkiisa, iyada oo ay u arkaan guulweyn oo u soo hoyatay Somaliland. Marka la eego maqaamka sare ee lagu qaabilay wasiirka, taas oo muujinaysa sida ay dawlada Imaaraadku u danaynayso arimaha Somaliland iyo xidhiidh dhex mara labada wadan ee walaalaha ah.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *