Iddaacada Shabeele1Hargeysa(Araweelo News network)Ciidamada Dawlada Somalia ayaa gebi ahaanba la wareegay maanta, kuwaas oo xoog ku galay xarunta Radio Shabeelle ee

 

Muqdisho kadibna hawada ka saaray, iyagoo weriyayaashi iyo hawlwadeenadii xabsiga u taxaabay.

Dowlada ayaa sheegtay inay doonayso dhismaha Iddaacadu deganayd  oo ay dowladda leedahay, waxayna tallaabadan ku tilmaamantay mid ka danbaysay kadib markii ay Maanta ayay ku dhamaatay shan maalmood oo ay dowladda u qabatay  inay dhismaha kaga baxaan maamulka Iddaacadda Shabeelle.

Bale Maxamed Amiin oo ka mid ah madaxda Radio Shabeelle ayaa  u sheegay  BBCda , in ciidamada ay shaqaalihii idaacada baabuur ku qaadeen oo la geeyay saldhiga, isla markaana shanta maalmood ee loo qabtay ay aad u yarayd oo aan lagu rari karin qalabka hay’adda warbaahinta ee Iddaacadda Shabeelle.

Sidoo kale wuxuu ku dooday in ay si sharci ah ay ku degenaayeen dhismaha, kadib markii ay heshiis la galeen dowladdii hore ee Soomaaliya ee Shiikh Shariif, isla markaana ay kaga baxday dhismaha ku dhawaad afartan iyo shan kun oo dollar.

info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *