New York (ANN)Hay’adda xuquuqa aadamaha ee Human Rights Watch ayaa war-bixin dheer ka qortay hawl-galada arxan darada ah ee ciidamada loo yaqaan  Liyuu booliska ee dawlada deegaanka Kililka Shanaad ee Somalida Ethiuopia  ka fuliyaan deegaanada ku teedsan xuduudka u

 

dhaxeeya Somaliland iyo Ethiopia dhowaan.
Human Rights Watch, oo war-bixinteedan ku eegaysa falalka dilka iyo dhaca ah ee ciidamada Liyuu boolisku u geystaan dadka reer guuraaga ah ee ku dhaqan deegaamada xuduudka,  waxayna  si gaar ah ugu qaadaa dhigtay hawl-galo dad badan ku dhinteen oo bishii saddexaad ee sanadkan ay ka fuliyeen ciidamada Liyuu boolisku saddex tuulo oo hoos tagga degmada Gaashaamo ee gudaha kililka shanaad ee Ehtiopia, weeraradaa oo ay ku laayeen dad badan oo reer guuraa ahaa.
Human Rights Watch oo soo xiganaysa ilo-wareedyo iyo goob-joogayaal qaarkood ku sugnaayeen deegaanada  oo ay ciidamadaaasi  hawl-gal ka ka sameeyeen, ayaa sheegtay in ciidamada Liyuu boolisku ay maalin  kaliya deegaanka loo yaqaano Raqda oo ka tirsan Gaashaamo ay ku dileen 9 qof oo deegaanka ahaa, ka dib markii dadka deegaanku ay ka dileen 7 askari, taas  oo keentay inay,  isla maalintaa  weerar kusoo qaadeen tuulada Raqda oo ay dadka ku laayaan, iyagga oo sidoo kalena afduubay 24 nin oo dadka deegaanka ahaa, iyadda oo war-bixintu sheegtay in ciidamadu,  isla maalintaa  ay bililiqaysteen Dukaamadii iyo guryihii halkaa ku yaalay.
Ku xigeenka Madaxa hay’adda Human Rights Watch ee Afrika oo war-bixintu  soo xiganayso,  ayaa sheegay in dilka dhowr askari oo Liyuu boolis ahi  aanay noqonayn wax loo banaysto dilka dadka shacabka ah, isagoo yidhi,  “Dilka dhowr Liyuu boolis ahi sabab,  uma noqonayaan argagax galinta iyo ciqaabta ay ku hayaan shacabka”sidaa waxa yidhi ku xigeenka Madaxa Human Rights Watch ee Afrika Mr Leslie Lefkow oo war-bixintu soo xiganayso, wuxuuna  raaciyay  “Hawl-galada tacadiga ah ee Liyuu booliska Kililka Soomalidu waxay ina tusaysaa sida ay muhiimka u tahay in dawlada Ethiopia  (Federaalka) gacanta ku qabato ciidamadan bilaa sharciga ah”
Sidoo kale waxay warbixintu sheegtay in  deegaanka Gaashaamo bishii saddexaad ee sanadkan in 17-kii isla bishii saddexaad ciidamada Liyuu boolisku hawl-galay guryaha ku baadhayeen ka fuliyeen tuulada loo yaqaano Cadaada,  isla-markaana ay guri guri u baadheen, iyagga oo sidoo kalena xabada kor u ridayey intii ay hawl-galka ku jireen, markaa ka dibna uu halkaa  dagaal ka bilaabmay oo ay halkaasi ku dileen afar qof oo dadkii deegaanka ahaa, iyadda oo war-bixintu tibaaxday inay qaxeen dadkii halkaasi joogay, isla galabnimadii maalintaasna  ay dib ugu soo laabteen Cadaadada, iyadda oo la aasayo dadkii ay hore u laayeen ay haddana afar qof dileen, ka dib markii ay afar rag ah kala soo baxeen guryahooda, mid ka mid ahna ay gurigiisa hortiisa madaxa kaga toogteen sida ay sheegayso gabadh ay walaalo ahaayeen  ninka dilkiisa dagaalku ka dhacay “Waxay qabteen Walaalkay, waxayna la tageen dibada oo ay Madaxa kaga toogteen”ayay tidhi haweenaydaasi oo hay’adda Human Rights Watch u warantay.
War-bixinta HRW oo aad u dheerayd, ayaa waxa mid mid ah loogu soo qaaday falalka naxariis darada ah ee ciidamada Liyuu boolisku ku hayaan ama u geysteen shacabka deegaanada hoos tagga Gaashaamo, iyadda oo war-bixintu sheegtay inay jiraan dad rakaab ahaa in wakhti habeenimo ah mar kaliya ciidamada Liyuu boolisku wada toogteen inta ay gaadhigii ka soo dejiyeen.
War-bixintu sidoo kale, waxay faahfaahisay ciidamada Liyuu booliska wakhtigii la aas-aasay, cida aasaastay iyo waliba cida Maalgalisa, waxayna sheegtay in ciidamada Liyuu booliska la aas-aasay sanadkii 2007-dii oo ay bateen dagaalada ciidamada dawladu kula jireen jabhadda ONLF, waxayna war-bixintu sheegtay in ciidamada Liyuu boolisku ay aad caan ugu noqdeen dagaalada sanadkii 2008-da, iyagga oo bay war-bixintu tidhi u shaqeeya uuna hogaamin jirayna wakhtigaasi Madaxwaynaha kililka Somalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar oo loo yaqaano Cabdi Illey, oo wakhtigaasi ahaa Madaxa nabadgalyada ee Kililka.
War-bixintu waxay sheegtay in aanay cadayn sharciyada jiritaanka ciidamadan, laakiin bay tidhi Human Rights Watch waxay helaan Tababaro, dirays, hub iyo Mushahar uga yimaada dawlada Ethiopia oo loo soo mariyo masuuliyiinta gobolka.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office   
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *