Waagii baryaaba waaya leh waa maah maah  Soomaaliyeed oo soo jirreen ah , taasoo ka turjumaysa isbadalka waayaha aduunka.

Waxaa la baal maray oo la ilaabey ayaamihii foosha xumaa waa markii uu wadanka ka tallinaayay nidaamkii gacan ku dhiigla ha ahaa ee Siyaad Barre, wakhtigaas oo bulshada reer Soomaaliland ka dhiidhiyeen, geesna isaga rideen heeryadii taliskii horarka ahaa, Waa wax ilaahay lagu mahadiyo inay samaystaan nidaam iyo dawlad ay udhan yihiin iyagoo buuxiyay wixii looga baahnaa.
Hadaba si taasi loo xoojiyo oo aanay faraheena uga siiban waxay ubaahantay in heegan loo ahaado u hiillinta ciida hooyo, iyadoo waddaniyadu tahay heerka usareeya ee muwaadinkastaa ku naaloonaayo, aan si kooban u tafno  wadaniyadee.

Waddaniyadu waa dareen ay ku dheehantahay dal jacayl,dad jacayl iyo udaacad noqosho Dalkaaga iyo dadkaagaba , adigoo rumaysan kuna kalsoon in aad ku taagan tahay wadadii saxda ahayd, ayna tahay wixii ugu fiicnaa ood ku dhaqaaqi lahayd xiligaas. Hadaba sifooyinkaas iyo qaar kale qofkii laga helaa waxay u dalacsiinaysaa inuu ku sifoobayo inuu yahay qof Waddani ah.

Wadaniga ayaa isagu rumaysan inuu dhalasho ahaan kasoo jeedo deegaantan awawyadii iyo isaga  ilaahay ku dul abuuray,sidaasi si lamida ayuu u rumaysanyahay inuu isagu ka mudan yahay qofkasta oo shisheeye ah, una hurayaa naf iyo maalba isaga oo aan u dul qaadanayn foolxumo kasta oo wadankiisa lagu hayo.

In dhawaale waxaa magaalooyinka waawayn ee Somaliland ku soo badanaayay Oramada oo ah dad hu’iyo hantiba ka araddan,islamar ahaantaana fool xumo wayn ku haya billicda magaalooyinka gaar ahaan caasimada, hadii aan wax idiinka iftiimiyo qawmiyada Oramadu  waa qoomiyada ugu badan uguna deegaanka  balaadhan dalka Itoobiya islamar ahaantaana waxay goboladoodu xadla leeyihiin dhamaan gobolada kale ee Itoobiya gobolka Tigreega mooyaane,waxay ka tiro badanyihiin dhamaan qowmiyadaha kale ee ku nool Itoobiya.

Dadka tiradaa iyo baaxadaa leh ayaa maalin walba iyagoo koox koox ah ka soo gudbaaya xuduuda iyaga oo xambaarsan caruuro,aanay dhaqaale iyo daryeel uhaynin, waxaa u dheer darxumada iyo diifta kamuuqata oogadooda ,caafimaad darro saamaysay intooda badan, waxaad arkaysaa qaarkood oo ku saxaroonaaya wadada badhtankeeda, halka kuwa kale ay horfadhiyaan goobaha laga cunteeyo iyaga oo qaarkamida luguhu barareen halka kuwo kale   nabaro aad kanaxaysaa  dushooda ku yaalaan,duqsiga ku istaaga iyaga ayaa  cuntadana ku istaagaya.waxay hor ,wadhanyihiin faras-magaalaha iyagoo dhismayaasha quruxda badan ay hortooda buuxaan iyagoo caruurtooda ku mijo saaraya, duqsiga saarrana aad moodo shini malab samaynaysa.

Waxaa taaba sii dheer masaajidadii oo lagu cibaadaysankari la’yahay iyada oo afarta jiho ee masjidku qaylo iyo baryo aan xad lahayni kabaxayaan, qaarkood mudo ayay wadanka joogeen iyagoo af Somaliga si fiican ugu hadlaaya,ma aha dad la odhan karo waa muslim oo cibaado shaqaba kuma laha ,lamana odhankaro waa dad wadanka wax ku soo kordhinaya oo dhaqaale iyo aqoon midna ma hayaan.

Dadka noocaas ahi wadankeena kuma joogaan sifo sharciya haday tahay magan galyo siyaasadeed, maaha dad ka soo baro kacay dagaalo wadankooda ka socda oo qaxootinimo u jooga wadankeena, ma aha dalxiisayaal, madhicin in dunida qof iska soo galo wadan aanu sharci u haysan, hadii ay taasi dhacdo waxaa loo aqoon sanayaa dambiile meel kaga dhacay shuruucda uyaala arimaha socdaalka , maku haysaa maankaaga tirada dadkeenu intay tahay hadii aan buunbuunino   ma gaadhno 4 millyan gudo iyo dibadba, halka qoomiyada Oradmada oo kaliyii  tahay 35 millyan, maxaad umalaynaysaa saamayn intee leeg ayay inagu yeelanaysaa  30 sano kadib.

Maanta inankii Oramada ahaa ee Hargaysa ku dhashay 1991kii waa labaatan jir af Soomaaliga kaa yaqaan, mana jirto astaan aad kaga duwantay oo aad muwaadin ugu sheegan kartaa, qaarkood qabiilooyin layaqaano ayaabay sheegtaan.

Akhriste ma’anaa dadkeenii  Oromo mooday!

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *