Hargeysa(ANN)Ciidamadda Booliska oo khaashanaya Cagafyada Dawlada Hoose ee  Hargeysa, ayaa saaka subaxnimadii hore galaalafay ganacsatada danyarta ah ee degnaa hareeraha wadada wadnaha magaalada Hargeysa. Kadib markii hawlgal balaadhan lag fuliyay suuqa wadada dheer ee

 

Laamiga ah  inta u dhaxaysa Saldhiga dhexe iyo agagaarka dhismaha dawladda Hoose.
Halkaas oo gebi ahaanba cagta la mariyay badeecadaha ganacsiga ee bagaashka iyo waxyaabaha kala duwan sida maqaaxiyaha iyo meheradaha yar yar ee ku teedsanaa wadada hareereheeda. Sidoo kale wajahadaha  meheradaha waaweyn ee berendayaasha oo laga sameeyay berendayaal ayaa dhulka lala simay, waxaana halkaa ka dhacay khilaaf gacan ka hadal ah oo dhexmaray dadkaa ganacsatada ah iyo ciidamada ku waaberiistay, iyadoo rasaas iyo dhagxaan laysugu jawaabay.

IMG_1447

Hawlgalkaa waxa ku geeriyooday Allah ha u naxriistee muwaadin Magaiisu ahaa Cabdi Axmed Aadan oo ahaa wiil dhalinyaro ah oo da’diisa lagu qiyaasay 30 jir,. Kadib markii tacshiiradaha ciidanka Boolisku ridayeen ka haleeleen caloosha,  isagoo ku geeriyooday Cusbitaalka magaalada Hargeysa.
Marxuumka  ayaa  sida ay shebekada Araweelonews u sheegeen qaar ka mid ah eheladiisu ka mid ahaa dhalinyarada bakhaarada u kala iibiya alaabta. Sidoo kale waxa dhaawac kasoo gaadhay hawlgalkaa muwaadin  lagu magcaabo Rashiir Waayeel oo dhaawaciisa la geeyay Cusbitaalka. Kadib markii raasasta ka dhacday goobtu ka haleeshay laabta. Ehelada Rashiid ayaa u sheegtay Araweelonews inuu dhaawaciisu fududyahay oo la dawaynayo.

Dhinaca kale  hawlgalkaa oo ay  hoggaaminayeen Wasiirka Arrimaha Gudaha Maxamed Nuur Caraalle (Duur) iyo Duqa caasimadda Hargeysa Eng. Xuseen Maxamuud Jiciir, waxa ka qeyb qaatay shaqaalaha dawladda Hoose ee Hargeysa iyo ciidanka birmadka ee Booliska, waxaanay dumiyeen sandaqadihii iyo miisaskii ku teedsanaa wadada Laamiga ah ee Wadnaha Magaalada Hargeysa, waxaana gebi ahaanba la xaadhay wixii   meherado yar yar ahaa ee cidhiidhiga ku hayay jidka illaa Saldhiga dhexe ee Hargeysa  iyo agagaarka dhismaha xarunta Dawladda  Hoose ee Hargeysa.
Inkasta oo mudadii hawlgalkaasi socday  ay  ka horyimaadeen  kooxo dhalinyaro ah oo  ka mid ahaa dadka ku ganacsada meheradaha hortooda oo ciidammadda Booliska ku soo weeraray mindiyo iyo dhagxaan,  ilsa markaana Taayiro ku gubeen  wadada, balse  saacado kadib ayaa lagu guulaystay in la baneeyo wadadaa. Kadib tacshiirado rasaas ah oo Ciidanku u adeegsadeen suuqaa. Iyadoo dhawr ka mid ah Booliska hawlgalkaa ka qaybqaatay dhaawacyo fududi soo gaadheen.
IMG_1443

Tallaabada hawlgalkaa ayaa saaka ilaa gelinkii hore sababtay in gebi ahaanba albaabada loo xidho meheradaha ku yaala suuqaa ee waaweyn ee ku jira dhismayaasha, kuwaas oo xidhnaa ilaa xili danbe sadexdii ah. Kadib markii ay saamayn ku yeelatay hawshaa lagu banaynayay wadada Laamiga oo la wada xidhay Meheradaha ganacsi ee waaweyn ee k.u teedsan
Dhinaca kale dadweynaha ku dhaqan magaaladda Hargeysa ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay hawlgalkaa, iyadoo ay qaarkood ku doodayeen in ka hor intaan hawlgalkaa la fulin ay ahayd in loo sameeyo dadkaa danyarta ah meel ay degaan, maadamaa ay duruufo dhaqaalle oo adag iyo shaqo la’aani ka taagantahay dalka, isla markaana dadka ganacsatada yar yar yihiin kuwo noloshooda la xarbiyaya. Hawlgalkaasina khasaare weyn gaadhsiiyay oo ay ku waayeel waxyaabihii ay nolol maalmeedkooda kula xaribiyayeen.
Laakiin qaar kale ayaa soo dhaweeyay hawlgalkaa, kuwaas oo sheegay inay dadkani cidhiidh ku hayeen wadada oo ay saxmad ka dhigeen, isla markaana ay ka dhege adaygeen digiino marar baddan loosoo jeediyay oo loogu sheegayay inay ka guuraan jidkaa oo ay baneeyaan wadada.  
Hase yeeshee dad kale ayaa hawlgalkaa ku tilmaamay mid khasaare ah oo lagu burburinayo ganacsatada yar yare e jeeblayaasha bagaashlayaasha ah, balse ay maalin ka dib kusoo laaban doonaan halkaa dadkaa laga bur-buriyay hantidooda, ama kuwo kale, taas  oo ay sheegeen inay sabab u tahay Dawlada Hoose oo musuq-maasuq iyo Laaluush uu kow ka yahay Maayarka Caasimada iyo masuuliyiinta kale ee Dawlada Hoose. Laakiin Maayarka Hargeysa Eng. Jiciir iyo Masuuliyiinta kale oo aanu isku daynay inaanu wax ka weydiino sababta keentay khasaaraha nafeed iyo ka maaliyadeed ee hawlgalkaa iyo maamulxumada  iyo Musuq-maasuqa dawladda Hoose lala xidhiidhiyo ayaanay noo suurta gelin inaanu helo.

IMG_1444

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *