Hargeysa(ANN)Gaboodka ay ku bahoobeen ururrada haweenka Somaliland ee NAGAAD, ayaa si weyn u soo dhaweeyey saamiga ay ka heleen Golaha wasiiradda cusub ee Madaxweyne Siilaanyo soo dhisay oo uu ku daray saddex dumar ah. Gaboodku waxay Madaxweynaha ku ammaaneen tirada wasiiradda uu ka siiyey haweenka, iyagoo sheegay inay raali ku yihiin, isla markaana waxay rajo ka muujiyeen in agaasimayaasha iyo hay’adaha kale ee dawladda uu ku soo dari doono xubno haween ah oo cusub.  Sidaana waxa lagu shaaciyay

qoraal ka soo baxay Gaboodka  NAGAAD oo ay ku saxeexan tahay Ku-simaha Agaasimaha Fullinta ee dalladaasi Marwo Kinsi Xuseen Qowdhan, ayaa isagoo dhammaystiran waxa uu u qornaa sidan;  “Gabboodka ururrada haweenka ee NAGAAD oo ay ku bahoobeen 46 urur haween oo ku baahsan gobollada dalka JSL, Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Madaxweyne-ku-xigeenka Mudane Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici).
Ku dhawaaqista golaha xukuumadda ee qaranka, kaasoo ay ku jiraan saddex wasiir oo haween ah, ahna markii ugu horreysay ee ay dumarku xubno intaa le’eg ka mid noqdaan xukuumadda, waxaannu ku rajoweynahay raggu guriga ayey ku yaqaaneene inay iminkana shaada qaranka ku baran doonaan.
Gabboodka haweenka Nagaad oo ah kan ugu weyn dallad haween dalkeena, waxaanay madaxweynaha u caddaynayaan inay raali ka noqdeen tallaabada ugu horreysa ee dhismaha xukuumadda ee Madaxweynuhu qaaday, rajowyna ku qabaan inay masuuliyiinta qaybaha hadhsan ee xukuumadda, sida agaasimayaasha iyo guddiyada madaxbannaana ka heli doonaan saamigooda.
Mudane Madaxweyne iyo madaxweyne-ku-xigeen waxaad ka baydheen arrintii ahayd, “inaan haweenka wax loo siin sida loogu ballanqaado marka doorashooyinka.”
Gabogabadii, gabboodka Nagaad waxay madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa u ballanqaadayaan inay hiil iyo hooba la garab-joogsanayaan, si buuxdana ula shaqaynayaan.”

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Hargeysa Office  
E-mail; Info@araweelonews.com/ jaamac132@gmail.com/ shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *