6Hargeysa(ANN)Ururka Haweenka Qaranka Somaliland ee loo soo gaabiyo NOW ayaa Shirweynihii Labaad ee la qabto intii Ururkaasi jiray oo la doonayay in hogaan cusub lagu doorto waxa hadheeyay sawaxan iyo buuq kadib markii haweenka ku

 

tartamayay isku maandhaafeen.

Shirka oo ay kasoo xaadireen in ka badan todobaatan haween ah oo ka kala yimi gobolada Somaliland, ayaa galabta ka qabsoomay magaalada Hargeysa, iyadoo ay hogaanka ururka ku tartamayeen Afar haween ah, kuwaas oo laba ka mid ah ay hayeen Gudoomiyihii hore Marwo Aniisa Nuur Cigaal iyo Gudoomiye xigeenkii hore Marwo Sitiin oo isku dhinac ah iyo laba haween ah oo kala ahaa Xaliimo Xaaji Cabdi Nuur iyo Sahra Cali  oo u tartamayay gudoomiye iyo gudoomiye xigeen.

Wasiir Ku-xigeenka wasaradda Caafimadka Marwo Nimco Xussen Qawdhan oo ay weheliyaan guddomiyaha ururka Xuquqal Insaanka iyo Xubno kale ayaa gudoominayay shirkaa, balse waxa ka dhashay buuq ka hor intii aan la bilaabin cod bixinta, iyadoo ay madasha debeda uga baxeen Laba  ka mid ah haweenka u tartamayay gudoomiyaha iyo ku xigeenka Ururka, kuwaas oo kala ah Marwo Xaliimo Xaaji Cabdi Nuur iyo Sahra Cali oo ka cadhooday madasha, isla markaana ka saaray hoolka ilaa labaataneeyo ka mid ahaa taageerayaashooda.

Balse shirka ayaa si deg deg ah ugu codooyey in dib loo doorto hogaankii hore ee Ururka Gudoomiye Marwo Aniisa Nuur Cigaal iyo Gudoomiye xigeenkii hore Marwo Sitiin, kuwaas oo helay codadka aqlabiyada ergooyinka fadhiyay madasha. kadib markii 53 haween ah ay codkooda siiyeen. sidaana waxa madasha kaga dhawaaqday Wasiir Nimco Xuseen oo sheegtay in hogaanka Ururka loo doortay Gudoomiye Aniisa Nuur Cigaal, halka Gudoomiye xigeena loo doortay Marwo sitiin, iyadoo aanay shir gudoonku sheegin cid ka aamustay iyo cid diiday midna ergooyinkii madasha ku hadhay marka laga reebo kooxda ka dareertay madasha cod bixinta ka hor.

Shirweynaha Haeenka NOW ayaa u muuqday mid amaanka goobta lagu qabtay si weyn loo adkeeyay, isla markaana muujinayay sida ay haweenka Somaliland u barteen inay wax dooran karaan keligood, iyadoo aan rag ku ku wehelin tartanka iyo ergooyinka xubnaha madasha fadhiyay oo dhamaantood ka kala yimi gobolada dalka, waana markii u horaysay ee sidan oo kale Ururka Haweenka Qaranka ee NOW u doortaan hogaan si furan madal loogu codeeyo oo ay kasoo qayb galaan ergooyin haween keliya ah oo isticmaalaya cod gacan taag ah.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *