Kuwait (ANN)Haweenay lagu magacaabo Salwa Mudiiri oo ah siyaasiyad hore isugu sharaxday in ay ka mid noqoto Baarlamaanka dalka Kuweyt ayaa xukuumada iyo Baarlamanka dalkaas u soo jeedisay in ay u ogolaadaan haweenka dalkaas in ay soo iibsan karaan rag ay guursadaan oo

 

ah rag muslimiin ah, oo qurux baddan,  isla markaana dabeecad wanaagsan oo masaakiin ah si ay u guursadaan.
Haweenaydaa ayaa arintaa ku tilmaantay in ay tahay xalka ugu haboon ee ay hablaha reer Kuweyt kaga bixi karaan dhibaatada rag la’aanta ah ee haysata. Miss Salwa waxa ay intaas raacisay in haddii la qaadan waayo fikradaas aanay haweenka reer Kuweyt ka bixi doonin guur la’aanta dhibaatada xun ku haysa. Sidaas darteedna waxay sheegtay in xukuumada Kuweyt looga baahan yahay in ay ogolaato fikrada ah in hablaha dalkaasi ay rag ka soo iibsadaan wadamada Muslimka ah ee dunida.
Miss Salwa iyada oo ka waramaysa qaabka ay haweenka Kuweytiyiinta ahi u soo iibsan karaan raga ay u baahan yihiin waxa ay tilmaantay in sida ay haweenku ragga u soo iibsanayaan tahay si la mid ah sidii waayadii hore adoomaha loo soo iibsan jirey oo ay sheegtay in diintu ogolayd. Waxaanay ku dooday in arintaasi yareyn doonto furiinka iyo qoys burburka faraha badan ee dalkaas ka jira iyo weliba rag la’aanta xun ee haysata hablaha wadankaas.
Haweenayda Salwa iyada oo ka hadlaysa sababaha keena furiinka iyo kala taga faraha badan ee had iyo jeer ka dhex dhaca ragga iyo haweenka reer Kuweyt waxa ay sheegtay in sababta ugu weyni tahay hablaha reer Kuweyt oo ah kuwo aad loo dallacsiiyey dhaqaale ahaan iyo aqoon ahaanba oo samadaa isla maraya, sidaas aawadeedna marka ay is guursadaan wiilasha reer Kuweyt ay taasi keento in markiiba la isku dhaco, oo khilaaf yimaado, maadaama ay gabdhahu yihiin kuwo aanay wax habrasho ahi ku jirin oo samada isla jooga. Waxaanay intaas raacisay in arimahaasina ay keenaan in la kala tago oo halkaas la isku furo.
Si arimahaas meesha looga saarono Miss Salwa waxa ay ku celisay in Baarlamanka iyo xukuumada Kuweyt looga baahan yahay in ay hablaha reer Kuweyt u ogoladaan in ay soo iibsadaan rag adoon ah oo guursada. Waxaanay intaa ku dartay in ragas adoonta ah hablaha reer Kuweyt hadii ay helaan ay u noqon doonaan qaar had iyo jeer ka danbeeya oo awaamiirtooda fuliya, isla markaana kool-koolliya.
Taasina waxa ay sheegtay in hablaha Kuweytiyiinta ah ay ka dhigi doonto kuwo ku noolaada nolol macaan oo raaxo leh, sidoo kalena waxa ay xustay in arintaasi meesha ka saari doonto wer werka iyo rajo xumada hablaha dalkaas wakhtigan ka haysta mustaqbalkooda dambe waxa uu noqonayo, iyo sidii ay rag iyo ubad ku heli lahaayeen. Ma aha dhibaatadan rag la’aanta ahi mid ay haweenka reer Kuweyt keli ku yihiin, balse waa dhibato ay la wadaagaan haweenka ku nool wadamada kala duwan ee carabta intooda badan, gaar ahaan dalalka Khaliijka carabta la isku yidhaahdo ee saliida qaniga ku ah oo dhan, kuwaas oo ay haweenku si weyn uga cabanayaan guur la’aanta.
Xidhasho Dawan
Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *