Hargeysa(ANN)Laba qof oo dhalinyaro ah  ayaa caawa fiidkii ku geriyoodey xaafadda Cabaaye ee  woqooyiga magaalada Hargeysa, kadib markii  ay ku dhacday tacshiirad rasaas ah oo uu  riday Nin  dukaan ku haysta xaafaddaa. Sidaana waxa 

shebekada wararka ee Araweelonews u xaqiijiyay dad goob joog ahaa. 

Labadan ruux oo ahaa wiil magaciisu yahay Guuleed Muuse Xaaji Cali iyo Gabadh lagu magacaabay Hanna Muuse Xaaji Cumar, ayaa ku naf waayay rasaas ka dhacday qori uu riday  Nin  dukaan  ku haysta xaafadda Cabaye, kaas oo sida ay wararku sheegeen doonayay  inuu ku kala dareeriyo kooxo dhalinyaro ah oo ku dagaalamay meherada dukaanka ah horteeda, isla markaana qaarkood dukaanka ugu soo galeen iyagoo ka cararaya kuwii kale. Sidaana uu ku furay tacshiirad rasaas ah, taas oo madaxa ka  haleeshay  wiilka iyo gabadha ku geeriyoodey oo marayay meel u dhow oo wado ah.

Qaar ka mid ah ehlada dhallinyarada ku nafwaayay rasaasta  oo aanu kula kulanay cisbitaalka guud ee magaalada Hargeysa, ayaa dareen cadho ah   ka bixiyey geerida naxdinta leh ee ku timi ubadkooda, waxaana warar aanu ka helay saldhiga Booliska Dalloodho ay noo xaqiijiyeen in la soo xidhay Ninkii  riday rasaasta ay ku geeriyoodeen labada ruux.
By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office  
E-mail; Info@araweelonews.com
 jaamac132@gmail.com
 shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *