Muqdisho(ANN) Wasiirka Wasaaradda gaashaandhiga dawladda taagta daran ee  ku meel-gaadhka ah ee Soomaliya Xuseen Carab Ciise oo ka hadlay ka qayb-galka Somaliland ee shirka London, isagoo  ku  tilmaamay inuu aad ugu farxay, isla markaana amaanay waxyaabaha Somaliland

qabsatay 21-ka sanno ee ay jirtay.
Wasiirka gaashaandhiga Soomaliya oo ka mid ah shaqsiyaad fara ku tiris ah oo  reer Somaliland ah, balse aaminsan mabda’a Soomali weyn ayaa xusay inuu shakhsiyan meel kasta oo uu joogo ka sheego horumarka Somaliland “Runtii aad ayaan ugu faraxsanahay in Somaliland shirkii London timaado, waayo Somaliland waxay samaysay wax Mucjiso u dhow” ayuu yidhi Xuseen Carab Ciise, waxaanu intaa ku daray “Waxay samaysay horumar dhaqaale, nabadgalyo iyo dimuqraadiyadeed, waana wax aan ka jirin meelo badan oo kale, waliba anigu cid kasta oo adduunka ah waan u sheegaa Somaliland waxa ay qabsatay, waxayna horumarka Somaliland gaadhay u dheer inay soo dhaweeyaan walaalahooda Soomaliyeed ee meelaha kale ka yimaada”
Wasiirka gaashaandhiga dawlada ku meel-gaadhka ah ee Soomaliya Mr Xuseen Carab Ciise oo shabakada wararka ee Togaherer.com oo wareysatay waydiisay inay London wada hadalo ku yeesheen madaxdii Somaliland uga qayb-gashay shirka London ayaa ku jawaabay “Waxay ahaayeen dad wada-hadalada u furfuran, wax badana ka qayb-galkooda shirka wuu ka bedalay oo miisaan weyn ayay ku soo kordhisay Somaliland shirka” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray in loo baahan in gu’itaanka Somaliland uu ka yimaado Soomali “Somaliland gu’ideeda waa inay Soomali ka timaado, aniguna waxaan ahay masuul TFG-da ugu jira Somaliland oo u fadhiya” ayuu yidhi.

Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *