Gudoomiyaha Xisbiga UCID Oo Talooyin Iyo Tilmaamo Ka Bixiyay Siyaasada Xukuumadda  Madaxweyne Siilaanyo Ee Arrimaha DebedaHargeysa(Araweelo News Network) Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID, Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa dhaliilay siyaasada Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ee

 

arrimaha debeda, isla markaana wuxuu taa bedelkeeda bixiyay talooyin ku waajahan  sidii loo abuuri lahaa qorshe lagu waajaho siyaasada arrimaha debeda oo qeexan, kaas  oo uu sheegay in uu suurta gal ka dhigi karo in Somaliland dunida aqoonsi buuxa ka hesho.

Gudoomiyaha UCID, Faysal Cali Waraabe, wuxuu isagoo tilmaamaya dhaliisha xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ee siyaasada arrimaha debeda yidhi, “Ma jirto siyaasad cad oo qeexan oo aynu ku waajihi karo aduunka, waxaynu ku jiraa dhufays, mar walba waxa laynoola yimaado qorshe, waxa loo baahan yahay inaynu dhufayska ka baxno oo qorshe cad yeelanyo, maaha inaynu dhufays galo ee waa inaynu inagu wax weerarnaa.”

Gudoomiyaha UCID, waxa uu hadalkaa kaga dhawaaqay  mar uu ka qaybgalay munaasibad balaadhan oo uu wasiirka cusub ee arrimaha debeda Dr. Maxamed Biixi Yoonis xilka kula wareegayay, taas oo ka dhacday maanta hoolka dhismaha Hay’adda shaqaalaha ee magaalada Hargeysa.

Gudoomiye Faysal, wuxuu sheegay in “Siyaasada arrimaha debeda Somaliland  dal ahaan uu gacanta ku hayo Madaxweynuhu, balse aanu jirin qorshe qoran oo meel yaalaa, wuxuuna sidoo kale dhaliilay qaab dhismeedka Wasaaradda arrimaha debeda oo uu sheegay in loo baahan yahay in la baladhiyo oo la dhiso, isagoo xusay in Wasaaradda arrimiha debeda oo ahmiyad weyn u leh qaranka  aanay dhisnayn, isla markaana loo baahanyahay in la dhiso waaxihii wasaaradda oo uu sheegay inay hada xafiiska wasiirka oo keliya yihiin.

Sidoo kalena loo baahanyahay in Ururada caalamiga ah, kuwa gobolka sida IGAD, kuwa dawliga ah sida Jaamacadda carabta, Ururka Islaamka, Midawga Yurub iyo qaramada midoobay aynu mid walba qorshe ula tagno ee aan qorshe xamar lagu soo sameeyay oo dawlada Somalia loo sameeyay oo ah mid aan jirin,  laakiin aqoonsi haysata aan qorshe loo sameeyay laynoola iman ayuu yidhi. Faysal Cali Waraabe.

“Waad aragtaan wasaaradda arrimaha debeda xafiiska wasiirka oo keliya, shaqaaluhu waa dad yar, sidoo kale miisaaniyadda wasaaradda arrimaha debedu maaha mid ku filan hawsha iyo baaxada loo baahnaa, markaa waxaan xukuumadda usoo jeedinaynaa in la keeno qorshe siyaasadeed oo cad, wasiirka cusubna waan soo dhowaynaynaa waxaana hor taal hawl weyn, waxaanse leeyahay yaan adiga iyo madaxweynaha isbaaro laydin kala dhex dhigan” ayuu yiudhi Eng. Faysal, wuxuuna u rajeeyay wasiirka cusub in uu ku guulaysto xilka qaranka ee loo magcaabay oo ay garab istaagayaan mucaarad ahaan.

info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *