Hargeysa(ANN)Guddoomiyaha Xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa ka hadlay aragtidiisa ku wajahan isgaadhsiinta Kaybalka badda Hoostiisa la marinayo ee dhawaan Madaxweynaha Somaliland u ogolaaday Shirkada SOM CABLE.

 
 
Eng. Faysal oo  maanta wax laga weydiiyay arrintaa waxa uu yidhi “Anagu wakhtigan maanta ee xukuumaddu cusub tahay waxaanu goosanay imika inaanu siino wakhti ay isku hagaajiyaan oo aanu eegno.laakiin mowqifkayaga ku saabsan kootada loo xidhay Kaybalkaasi waa tii aanu War-saxaafadeedka ka soo saarnay. Midna waan kuu shegayaaye’e marna ogolaan mayno in wadankayagu uu hoos yimaado wadan kale anagoo bad leh kana ogolaan mayno inay dawlado kale faraha nala soo galaan. Waxa hadda noo muuqata inay dawladi nagu dhex jirto.iyadoo la noo soo raacay dad baayac mushtar ah. Anagu waanu caddaynay arrintaasi kaybalka inaanaan wadan kale hoos galayn”
 
“Way caddahay in dawlado nagu dhex jiraan doorashadayadii ka qeyb galeen waana aanu sheegi doonaa wakhtiga dadku bislaado, Somaliland ma noqonayso wadan, wadan kale uu haggo,”ayuu yidhi Md. Faysal Cali Waraabe, oo saaka u waramayay Laanta Afsoomaaliga ah ee Idaacada VOA-da.
 
 
Guddoomiyuhu waxa uu ka waramay shirkii ay shalay la yeesheen Madaxweynaha Somaliland Madaxda xisbiyada, Shirgudoonka Goleyaasha Baarlamaanka iyo Komishanka doorashooyinka oo lagaga hadlayay sidii tallo qaran looga yeelan lahaa doorashooyinkii Goleyaasha deegaanka, Wakiilada iyo Guurtida oo isa soo wada gaadhay, waxaanu tilmaamay in aanay suurto gal ahayn in xiligan dalku mar kale galo doorasho, waxaanu xusay inay socoto dood la xidhiidha wixii arrintaasi laga yeeli lahaa.
 
Faysal Cali Waraabe wuxuu sheegay in dalka ay ku sii xoogaysatay arrinta beelaha waxaanu carabaabay in reeruhu ay bilaabeen inay wakhtigan beel beel u hadlaan, taas oo uu ku tilmaamay mid ka hor imanay dumuqraadiyadii la rabay inay korto.
By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office  
E-mail; Info@araweelonews.com
 jaamac132@gmail.com
 shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *