Hargeysa(ANN)Gudoomiyaha Xilka laga qaaday ee Xisbiga UCID, Faysal Cali Waraabe oo laga waabiyay saka xarunta xisbigaasi ku leeyahay Magaalada Hargeysa. Kadib markii uu damcay

inuu xoog ku galo, iyadoo ciidamada Boolisku ka hor isaageen inuu xoog ku galo, iyadoo ciidamada Boolisku ka hor isaageen.kadib markii koox dad ah oo la socotay damceen inay khasab ku geliyaan xarunta xisbigaa ee laga mamnuucay labada garab ee khilaafka weyni ka dhexeeye. dad goob joog ah ayaa shebekada Araweelonews u xaqiijiyay inay Booliska iyo kooxda uu watay Gudoomiyaha ay sheegeen inay xilka ka qadeen hogaanka xisbigu ee Faysal Cali Waraabe oo ay dadkaasi doonayeen inuu khasab ku galo, balse ay Boolisku is hortaageen. kadibna ay isku dhacaeen Booliska iyo kooxdaa, iyadoo ay Boolisku Rasaas cirka u rideen markii shiid lagu weeraray.
Kooxdaa ayaa xidhtay wadada hor marta xarunta xisbigaa ee  laamiga  shacabka oo ay dhagxaan dhigeen, taas oo ay cabaar xanibeen . laakiin ay Boolisku ka kexeeyeen. dadkaa ayaa markii danbe tegey Koonfurta magaalada ee wadada Madaarka tagta ee Star, iyagoo halkaa ku gubay Taayiro, isla markaana jidkaa laamiga ah dhigay Dhagxaan, balse ciidanka Booliska ayaa kala kexeeyay dadkaa maanta duhurkii xili danbe.
Faysal Cali Waraabe oo ah Higaamiyaha ay hore u sheegeen hogaanka Xisbigu inay xilkii ka qaadeen ayaa shir jariid ku qabtay gurigiisa markaa ka dib ka hadlay dhacdadaa ayaa sheegay in Ciidanka Boolisku ay doonayeen inay wax u dhimaan Nabadgelyada guud ee dalka, isla markaana waxa uu tilmaamay inay si badheedh ah Rasaas ugu fureen Boqolaal ka mida Taageerayaashiisa oo uu sheegay inay ka xumaadeen sida loola dhaqmay isaga.

Guddoomiyaha Xisbiga UCID waxa kale oo uu sheegay in Garabka ay iska soo horjeedaan la soo adeegsaday, isla markaana ay damacsan yihiin inay khal-khal geliyaan Amniga iyo Xasiloonida ka jirta dalka, Balse ma uu sheegin cida soo adeegsatay. Hase yeeshee waxa uu xusay  inay jiraan waxyaabo badan oo uu qarinayo, kuwaas oo aanu carabaabin waxa ay yihiin, balse waxa uu balan-qaaday inuu waxyaabahaa la sugayo  oo uu daaha kaga faydi doono kulan ay u balansan yihiin Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo).
Dhinaca kale Waxa jira warar sheegaya in xiligii ay socdeen rabashadahaasi ay ciidanka Boolisku xidhxidheen dhawr qof, balse ma jiraan warar xaqiijinaya arrimahaa.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *