Gudoomiyaha UCID Oo Madaxweyne Siilaanyo Ku Tilmaamay Hogaamiye Fashilmay Iyo Madaxtooyadda Oo Ka Gubatay Dhaliilaha FaysalHargeysa(Araweelo News Network)Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID Eng.Faysal Cali Waraabe,ayaa daboolka ka qaaday inay kal-soonida kala noqonayaan

 

Madaxweyne Axmed Siilaanyo aan laga wada tashan caqabadaha dalka horyaala,waxaanu si adag u sheegay in mudaharaadyo ay ku baaqi doonaan haddii wada tashiga loo soo noqon waayo.

Waxa uu gudoomiye Faysal uu sheegay in madaxweyne Siilaanyo uu ku fashilmay hoggaamintii dalka,musuqna uu ka gaadhay heer aad u xun,isla markaasna tiradii ugu badnayd ee uu shaqaalaysiiyo shaqaale dawladeedna uu ka dhigay beeshiisa,lagana tagay saami qaybsigii beelaha ee dhanka awoodaha dalka.

Waxa uu gudoomiye Faysal Cali uu u soo jeediyey madaxweyne Siilaanyo eedo la xidhiidha inuu ka soo hor jeedo in dalku uu ka tashado caqabadaha jira,isaga oo soo bandhigay sida uu madaxweynii hore ee Somaliland Daahir Rayaale ugu heelanaa dhanka wada tashiga.

Waxa uu arimahan iyo kuwo aad u badan oo xaasaasi ah kaga hadlay gudoomiye FaysalCali Waraabe waraysi gaar ah oo uu siiyay wargeyska Geeska Afrika iyo shabkada wararka ee Hadhwanaagnnews.

Ugu horayntii gudooomiye Faysal Cali oo ka jawaabayay su’aal dulucdeedu ahayd sida uu u arko hogaaminta madaxweyne Siilaanyo,waxa uu yidhi  “Runta hadaad doonaysaan Siilaanyo waa uu fashilmay sidii uu hogaankii SNM-ba ugu fashilmay ee haddii aan laga soo gaadhin sagaashankii la kala tagi lahaa maantana waa uu fashilmay,saddexdaas sanadoodana waxa uu meesha u fadhiyay xishood laga xishooday oo lays lahaa odaygu yaanu fashilmin,dadkii meesha keenay oo reerkiisa u badnaa ayaa lagaga xishoonayay oo lays lahaa yaan reer ahaan loo arkin in loo eryanaayo,dalkana labada sanno  ee soo socda hadaynu sidaas ku eegano ma wadi karo,anaga oo aan Siilaanyo iyo cid kale toona necbayn marka lagu eego muraayada qaranimo,wadaninimada iyo lexe jeclada intaas in ka badan dawladani ma socon karto.” Eng.Faysal oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi  “Mar haddaanay golayaashii inoo shaqaynayn ee ay isku milmeen,mucaaradkii shaqaynayn,oo aynu arkayno dawlada Siilaanyo dadka ay ka koobantahay in aanay masuuuliyadaas qaadi karayn ,mar haddii aynu ognahay kooxdan dalka xukunta ee lagu sheekaysto ee aan sida caamka ah uun loo soo sheegin.waxa la sameeyay madal  aanu ka shaqaynay in la sameeyo oo aanu isugu nimi 18 –kii Jun,waxaanu isugu nimi rag aan labaatan sano is arag oo waxaanu ka tashanay dalku halka uu maraayo,waxaanan isla garanay laba arimood,  oo kala ah in dalku meel halis ah maraayo  iyo in talo loo baahan yahay,ilaa hadana waxaanu ka baryaynaa in la wada tashado(Xukuumada).hadda halkan waxa taala warqad waxa soo qoray 17/8/2009-kii madaxweynii hore Daahir Rayaale waxaana ku qornaa ( Mudane gudoomiyaha xisbiga Kulmiye  Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo,mudane Faysal Cali Waraabe gudoomiyaha xisbiga UCID. “Waxa uu yidhi” marka hore iga gudooma salaan sharaf leh isku sheegi mayno xaalada dalkeenu maanta halka ay marayso,sidaas daraadeed waxa waajib ah in danta dalka laga horaysiiyo wax kasta,waxaan si xushamad leh idiinka codsanayaa in aynu isugu nimaadno kulan wada tashi xarunta madaxweynaha,maalinta Arbacada saacada 11:30-ka), war qadaas uu soo qoray madaxweye Rayaale inta uu noo soo diray telefoon ayuu yidhi waxaanu doonaynaa in aynu wada tashano kibir intaanu ka qabnay waxaanu ku nidhi qoraal ku keen,qoraalkii baanu ku keenay,waxay maalintii laga tashnaayay mudo kordhintii Guurtida oo sidaas ayaa loo wada tashan jiray, maanta qof mudakar ah  oo reer Somaliland ah kadinka kama gali karo iska daaya xisbiyo mucaarad ah iyo waxaase oo qafisbaa lagu xidhay madaxweynahii.”

Gudoomiye Faysal waxa uu jawaabtan ku soo gunaanaday “Runtu  waxay tahay haddaynaan maanta talo isugu iman oo uu taladaas diido Siilaanyo anagu la hadli mayno ciyaalkan uu meesha ku soo rurursadaye inaan kala noqon doono aqoonsiga aanu aqoonsanahay inuu madaxweynaha Somaliland yahay.waa lay doortay oo 49-ayaa I doortay waanu u ogolaanay si kasta ha ku yimaadeene,laakiin maanta haddii cod loo qaado 15% cod kuma haysto,markaad gobalada eegto gobal kaliyaata oo uu maanta Siilaanyo cod ku haystaa ma jirto,beeshii uu ka soo jeeday oo aan waligood kala bix bixin ayaa maanta arkay sida ay wax u socdaan oo ka soo hor jeeda.”

Gudoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID Faysal Cali isaga oo ka jawaabayay su’aal nuxurkeedu ahaa bal arimaha lagaga hadlaayo shirka ay ku baaqayaan waxa uu yidhi “Kow waxa lagaga hadlayaa in dastuurkeena la furo, dastuurkeenu waa qabyo ninba sida uu jecelyahay ayuu u macnaystaa imika halkay ku taalaa guurtidu haysku kordhiso,halkay ku taalaa guurtidu golayaasha haw kordhiso,halkay ku taalaa xubinta guurtida ah haddii ay dhimato inaankiisu ha badalo ama xaaskiisu 84 ee hadii ay masiibo tumaado madaxweynaa waa loo kordhin karaa ayaa lagu daynayaa,waxaas oo dhan ayaa laga doodayaa,guurtida laftigeeda ayaa laga doodayaa,waxa laga doodayaa wakiiladeena oo 82-ka xubnood ee galay shuruudoodu waxay ahayd in doorkaas uun lagu galo oo xildhibaanada danbe ay ku soo baxaan cod oo ilaa Saylac iyo Laascaanood iyo inta u dhaxaysaa ay sinaato oo magaalada dadka badani uun ay ka kuraas badato magaalooytinka kale,wakhtigii hore Awdal gadhka ayaanu qabanay oo waanu ku qasabnay 13 kursi,Saaxil 10-ka kursi waanu ku qasabnay,waxa laga tashanayaa saami qaybsigii oo Borama waxbaa lagu soo heshiiyay oo ah in xubanaha waaweyn ee dawlada la qaybsado in wasiirada la qabsado,maanta iska daa beelahii darafyada ee kuwii dhaxe ayaa is boobay, beesha madaxweynahu imika intay haysato iyo inta ay beesha aan ka soo jeedaa ay haysataa 80% ayay ku soo laban laaban taa, intii uu Siilaanyo joogay inta uu beeshiisa shaqaale u qoray iyo inta uu Somaliland oo dhan u qoray inta uu beeshiisa u qoray ayaa badan. Waxa uu ku gaadhay Siilaanyo musuq maasuq  inan uu adeer u yahay oo aan waligii waxba dhisin oo aan majarafad haysan  inta uu uga yeedhay Dubai ayuu ku yidhi waxaan kuu dhiibayaa madaarkan Hargeysee intuu 10 milayan oo dolar oo Kuwayt ay baxisay uu u dhiibay isaga oo aan majarafad sidan,qalabkan uu haysto maantana waa lacagtii madaarka lagu dhisaayay indha adkaantiisana markaasuu hadana maalintii dhawayd siiyay Shahaado, afweyne kumuu dhacin waxaas oo kale.madaxweyne Siilaanyo dalkan ku qaatay mashruuc inuu burburiyo anigu waan is hor taagayaa,beeshayda ayaan ka diiday oo waxii aan aabahay ka diiday ka yeeli maayo  inan yar oo jaahil ah iyo ciyaal kale oo la soo ururiyay inay dalkan bur buriyaan.”

Ugu danbantii gudoomiye Faysal Cali Waraabe isaga oo ka hadlaayay aragtidooda doorashooyinka soo socda waxa uu yidhi “Dawladii sharciga ilaalin lahayd ayaa musuq maasuq ku kacday waxa la gaadhay heer la soo daabacday waraaqahii doorashada,khadadkii uu doorashdii deegaanka ku soo baxay Kulmiye waa tii uu ku soo baxay Siilaanyo,doorasho danbe oo aanu ka aaminayno in Siilaanyo dawladiisaasi ay qabsato waa xaaraan,waligeed la ogalaan maayo  dadkii baarlamaankii,xisbiyadii iyo wax kasta oo aynu samaysanay waa ay naceen hayadahii oo dhan ayuu inaga baabiyay,maaha in dawladu ay dadka lacagta ka gurato oo ay tidhaahdo nabad galyda ilaaliya,waxa loo baahan yahay horumar,maalintii aynu dooranay ayuu yidhi todaba qof inta uu magacaabay ila soo taliya,maxaa lagala soo taliyaa? 21 sanadood ayaad mucaarad ahayde  maxaad kursiga ku doonaysay,maalintaas ayaad arkaysay in aanu barnaamijba wadan, maantana dalkii waa is dhex yaac oo waa bilaa darawal.haddii uu wada tashigaas uu ogalaan waayo oo arimaha  ina horyaala laga wada haddli waayo waxaanu samaynaynaa mudaharaadyo, waanan kicinaynaa dadka oo waxaanu leenahay halaga gaadho dalka intaanu Siilaanyo Fashilin.” Ayuu yidhi Eng. Faysal Cali waraabe oo Waraysi siiyay wargeyska geeska Afrika.

Dhinaca kale Madaxtooyadda ayaa si weyn uga gubatay dhawaaqa iyo dhaliilaha Faysal Cali Waraabe, waxaana jawaab ka bixiyay Afhayeenka madaxtooyaddu oo ku eedeeyay Guddoomiye Faysal inuu guusha u yaqaano guul-darro, waxaanu yidhi “Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Faysal CalI Waraabe isaga oo madaxweynaha wax ka sheegaya waxa uu yidhi waxa uu ku fashilmay hoggaamintii SNM, waxa uu ku fashilmay ayuu yidhi hogaaminta Somaliland, Guusha ayuu fashilaada u yaqaana Faysal. Madaweynaha Jamhuuriyada Somaliland waa la ogaa oo SNM waxa uu soo hogaamiyey mudadii ugu adkayd iyo wakhtigii ugu adkaa ayuu SNM soo hogaamiyey Guushii SNM ka dhalatay waa guushii qarankan Somaliland uu maanta ku taagan yahay. waa guul uu hormoodka ahaa habeen iyo maalin waa guul uu mudadii uu hogaaminaayey SNM ku hogaamiyey, Wakhtigii ugu dheeraa ayuu SNM soo hogaaminaayey, wakhtigii hawl-galada ugu badan ay qaaday ayuu SNM soo hogaaminaayey, maanta inuu yidhaahdo Faysal Cali Waraabe hogaamintii ayuu ku fashilmay Madaxweyne Silaanyo waa nasiib darro.”

 

“Ummaddu aad ayey u dul-qaad badan tahay in uu Faysal Cali Waraabe, ummaddan dhex joogo oo ay u dul-qaadato oo ay weliba qadaf iyo meelka dhac uu ula yimaado aad ayey ummaddani ugu dul-qaad badan tahay kuwii guusha u keenay qarankan kuwa guusha ku hogaaminaayey qarankan markuu ku nisbaynaayo kuwo fashilmay waa la yaab,”ayuu yidhi Afhayeenka Madaxtooyadda.

Faysal waa la ogaa oo xisbi ayuu sameeyey la yidhaah UCID oo doorashooyin ayuu u soo galay dalka oo laba jeer ayuu tartanka ka qayb-galay, mar walba sida u caadada ahayd Faysal Cali Waraabe xaga danbe ayuu ku hadhi jiray intaan lagu dhawaaqin natiijada mar walba waxa uu isku deyi jiray in labada xisbi kolba kii uu is yidhaahdo wuu guulaystay inta uu u tago in uu yidhaahdo aan ku markhaati furee ii celi lacagtii igaga baxday Ololaha.”

 

“Markhaati furku arrin u caado ah weeye illaa UFFO oo uu surin walba, Dariiq walba la taagnaa taasi ceebtiisa maaha waa arrin uu caan ku yahay, waa arrin uu ogyahay.Maanta marka uu leeyahay madaxweynaha iyo SNM tii ayaa lagu fashilmay isagu wuu jeclaa inay SNM fashilanto waayo? Isagu Colkii kale ayuu ahaa, qofkasta oo aan SNM rabitaankeeda iyo horu socodkeeda doonaynina waxa uu ahaa mid ka soo horjeeday wixii ummaddani ay ku burburtay wixii ummaddani ay isku xoraysay wixii ummaddani lagu hogaaminaayey ee maanta milgaha iyo sharafta ummadda keenay,”ayuu yidhi Afhayeenka madaxtooyaddu.

info@araweelonews.com

jaamac132@gmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *