DirirHargeysa(Araweelo News Network) Gudoomiyaha Baanka dhexe ee Somaliland Cabdi Dirir Cabdi ayaa isbedel ku sameeyay qaar ka mid ah Saraakiisha maamulka Laamaha Baanka qaarkood.

Ma jiro rasmi ah oo masuuliyiinta Baanku kasoo saareen saraakiisha laysku bedelay, balse Sida shebekadda wararka Arraweelo.com ka heshay ila wareedyo xog ogaal u ah Baanka dhexe ee Somaliland, waxa  laysku bedelay maanta  Maamulihii Laanta Burco Mr. Xasan Kharash ayaa loo bedelay  Laanta Berbera, iyadoo Maamulihii Laanta Berbera Maxamed Cabdi Ibraahim loo bedelay LaantaBurco.

Cabdi Ibraahin oo Maamule ka ahaa Laanta Dumubuluq ayaa la geeyay Laanta Labaad ee Baanka dhexe ee Hargeysa,  halka Maamulihii Laanta Labaad  ee Baanka dhexe ee Somaliland la geeyay Laanta Dunbuluq.

Gudoomiyaha Baanka Dhexe ee Somaliland Cabdi Dirir Cabdi ayaa laga soo xigtay inuu isbedelka ku sababeeyay oo keliya amar kaga yimi qasriga Madaxtooyada, balse aanu ahayn qorshe isaga u yaalay, balse waxa jira warar la xidhiidhinaya talaabada uu qaaday Gudoomiyaha Baanka dhexe marka laga yimaado faragelinta Madaxtooyada  khilaaf u dhexeeya Madaxda Baanka Dhexe ee Somaliland oo soo jiitamayay mudooyinkii u danbeeyay.

Dhinaca kale Isku bedelaka ayaa kusoo beegmay, iyadoo uu Agaasimhii Baanka Dhexe C/llaahi Xasan safar ugu maqanyahay dalka Malaysia. Sidoo kale waxa uu isku bedelka afartaa sarkaal kusoo beegmay, iyadoo maalmihii u danbeeyay Wargeyska Maalinlaha ah ee Hubaal baahinayay fadeexado maamul xumo iyo khilaaf u dhexeeya Masuuliyiinta sare ee Baanka dhexe ee Somaliland.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *