Hargeysa(ANN) Guddida Ilaalinta Anshaxa Doorashada Madaxtooyadda Somaliland, ayaa soo saaray qoraal ay ku canbaaraynayaan baahinta iyo fidinta natiijooyin aan rasmi ahayn oo saxaafadu baahiso, isla markaana ka warbixiyay mudadii ay socdeen isu soo baxyada taageerayaasha xisbiyada iyo sidoo kale maalintii ay dalka ka socotay codbixinta doorashada iyo waxyaabihii ay arkeen.

 

 

 

 

Qoraalkaa  oo galabta ka soo baxay Gudida anshaxa iyo habsami u socodka doorashada oo uu ku saxeexanyahay Gudoomiyaha Guddidaa  Axmed Maxamed  Cadaad, wuxuu isagoo dhamaystiran u qornaa sidan;-: 
“Guddiga Ilaalinta Anshaxa iyo Habsami-u-Socodka Doorashooyinka madaxwaynaha iyagoo fulinaya hawlihii loo igmaday waxaay si aad u dhaw ula socdeen,  ama si qoto dheer ula socdeen  banaanbaxyadii ololaha doorashada iyagoo ugu baaqaya  dhaman cida ku xadgudubta  heshiiska anshaxexa ee ay saxeedeen sedexda xisbi qaran (Code of Conduct).Si ay u hirgaliyaan heshiiska isla markana ugu cadeeyeen dadwaynaha guud ahaan cidii ku kacday dhaqdhaq sharci daro ah ee ay ku kaceen axsaabtii ololaynaysay, sidoo kale waxay ilaaliyeen habkii doorashooyinku u socdeen ee ka dhacay casimada iyo gobalada dalka oo ay la joogeen wakiladayadu si xilkas ah na  u guteen hawshoodii. 
Maanta guddigu waxay qimaysay xaaladii doorashada kadambaysay waxayna go’amisay qodabadan soo socda. 
Guddiga Ilaalinta Anshaxa iyo Habsami-u-Socodka Doorashooyinka Qaranka waxay: 

  • U hambalyaynaysaa dhamaan dadwaynaha reer Somaliland sidii nabadgalyada iyo kala dambayanta ahayd ee sida xoogana uga qayb qateen doorashada iyagoo iska dhaga mariyay khatartii ay ku hayeen xagjirka ka soo horjeed dimuqradiyada.  

 

  • U mahadnaqaysaa dhamaan cidkasta oo si firfircoon uga gacan gaystay in ay guulaysato doorashadu gaar ahaan hawlwadeenadii guddiga doorashooyinka qaranka, golaha guurtida Somaliland,  goobjoogayasha caalamiga ,goobjoogayasha wadaniga ah  iyo guddiga dhexdhexadinta khilafaadka.

 

  • Sidiirran ugu bandhigayaan mahadnaqooda dhamaan culaamuddiinka Somaliland kuwaas oo ku dhiriigalinayey dadwaynaha reer Somaliland in ay codeeyaa oo aan dheg jalaq loo siin hadalada aan saxa ahayn isla markana ku abuuraysa khalkhal iyo  doodo aan sax ahayn oo khalkhal galinaya doorashada oo inagaga timid dibada iyadoo culimadu si firfircoon u caawinayay codbixiyayashii  ay ku adkaatay in ay si habsami ah u raacan nidamkii codbixinta malintii codbixinta.

 

  • Umahad cilinayaan ciidamada amniga ee sida hawlokarnimada leh u sugay amniga ee ilaalinayay kala dambaynta intii ay socotay doorashadu.

 

  • Marlabaad ku celinaynaa kalsoonida buuxda ee aan ku qabno guddiga dorashooyinka qaranka ee  ku guulaystay habaynta doorasho sax ah oo lagu kalsoonan karo imikana u soo saaraya natiijadii oo ku salaysan qaab ku dhisan aqoon iyo dhexdhexadnimo.

 

  • Soo dhawaynaysaa warbixintii ay soo saareen gobjoogayaashii calimiga iyo kuwa maxaliga ah kuwaasoo qabtay shaqo lagu mahadinayo kadib markii ay caddeeyeen  in ay doorashadu ahayd  mid ku dhacday si xor ah oo xalaal ah.

 

  • Cambaaraynaysaa oo dhaleecaynaysaa cidkastoo wareejinaysa hadalada kutidhi kuteenka ah iyo mala awaalka natiijooyinka doorashada sida ay uga digtay guddiga doorashada qaranku gaar ahaan waxaanu kula talinaynaa bahda saxaafada in ay ilaaliso oo raacdo talooyinka guddiga doorashooyinka qaranka oo aan laga hor dhicin ku dhawaaqidda natiijada ee guddiga doorashooyinka qaranka.

 

  • Ka codsanaynaa guud ahaan dadweynaha  reer Somaliland in ay si dulqaad ku jiro u sugaan natiijooyinka doorashooyinka ee ka soo bixi doona guddiga doorashada qaranka. waxan kaloo ka codsanaynaa dadwaynaha in aanay wax xaflad ah ku qaban wadooyinka si looga fogaado anshax xumo iyo  isku dhac iman kara. 

 

  • Ka rajaynaynaa xisbiyada qaranka in ay ku xakameeyan taagerayashooda wax kastoo awoododa ah si ay uga hor tagaan waxkastoo kicinkara cadhada axsaabta ay kala siyaasada yihiin ama ay tartameen.

 

  • Si qalbi furan u soo dhawaynaa in ay si rasmi ah u caddeeyaan sedexda musharax ee madaxtooyada in ay aqbalaan natiijooyinka doorashada si kastoo ay ahaataba  taaso muujin doonta waddanimadooda.”

 

 

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 

Araweelonews Hargeysa Office                  

E-mail; Info@araweelonews.com/ jaamac132@gmail.com shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *