http://arraweelo.com/wp-content/uploads/2013/04/bre1.gifHargeysa(Araweelo News Network) kulamo la doonayo in xal loogu helo fadeexad ka dhalatay gudida qaban-qaabada shirweynaha Kulmiye. Kadib markii qayb ka mid ah

 

gudidaa oo wadaada awooda badan iibsadeen shalay si lama filaan ah ugu shireen qol madaw oo guri ku yaala magaalada Hargeysa, kuwaas oo sheegay inay doorteen hogaan.

Hase yeeshee tallaabadaa waxa durbadiiba ka hadlay xubnaha gudida qaban-qaabada shirweynaha Kulmiye oo ku tilmaamay arrintaa mid aan laysla oggayn oo deg deg ah, isla markaana baalmarsan sharciga iyo xeerarka xisbiga.

Sidoo masuuliyiinta sare ee Xisbiga ayaa tallaabadaa ku tilmaamay mid aan loo baahnayn oo aanay hogaan ahaan waxba kala socon, isla markaana aanu qorshaha deg-dega ah ee aanay xubnaha gudida loo magcaabay qaban-qabada shirweynaha Kulmiye u dhamayn noqon Karin mid shaqaynaya, iyadoo sida ay sheegeen hogaanka xisbigu aan weli la dhamayn xeerkii ay ku shaqayn lahaayeen gudida qaban-qaabada, kaas oo ay xuseen in gacanta lagu hayay. Sidaa awgeed aanay garan Karin waxa ku kalafilay in qayb ka mid ah gudida la rabay inay soo xulaan ergooyinka shirweynaha qol madaw ugu shireen, iyagoo sheegaya in ay doorteen hogaan.

Dhinaca kale tallaabada ay qaadeen xubnaha gudida qaarkood ayaa la yaab ku noqotay rayal caamka bulshada iyo taageerayaasha xisbiga, kuwaas oo ku sifeeyay tallaabadaa mid muujinaysa sida aan xubnaha noocaa ah loogu aamini Karin qaban-qaabada shirweynaha xisbiga kulmiye, waxayna qaar ka mid ah bulshadu farta ku fiiiqayaan inta badan xubnaha qaban-qaabada oo ay ka mid yihiin ashkhaas ku caanbaxay laaluush iyo musuq-maasuq oo si weyn bulshadu u taqaan. Sidoo kalena waxa farata lagu fiiqayaa xubno ka mid ah kuwii bur-buriyay xisbul xaakimkii UDUB, kuwaas oo doonaya inay xisbiga Kulmiye mariyaan wadadii UDUB, iyagoo u dhega Nugul wadaadada awooda badan ee mayalka u haya xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, kuwaas oo hore u qorshaystay inay la wareegaan tallada iyo hogaanka xisbiga tallaabo kasta oo ay kula wareegi akaraan, isla markaana ka faa’idaysnaya awooda xilalka iyo dhaqaalaha ay gacanta ku hayaan.

Balse kulamada socda oo aan weli war ah laga soo saarin waxa si weyn isu soo taraya warar iyo xoggo la xidhiidha arrintaa oo sheegaya in gebi ahaanba la kala dirayo gudida qaban-qaabada ee dhowaan la magcaabay. Kadib fashilka iyo fadeexada ay sameeyeen xubnaha qaarkood, iyadoo uu Gudoomiyaha Xisbiga Muuse Biixi Cabdi oo soo magcaabay xubnahaa oo ka kooban 27 xubnood awood sharci u leeyahay inuu kala diro marka ay yimaadaan sabaabahan oo kale.
Wixii kasoo kordha kala soco shebekadda Araweelonews.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *