Hargeysa(ANN)Guddida dhowaan Komishanka qaranka ee doorashadu u magcaabeen ilaalinta anshaxa iyo hab-dhaqanka habsami u socodka doorashada golayaasha

 

deegaanka Somaliland, ayaa soo saaray warbixin  digniino xanbaarsan oo tilmaamay inay masuuliyiin ka tirsan hay’addaha xukuumadda Somaliland si badheedha uga qayb qaateen ololaha, kuwaas oo ay digniino u jeediyeen.
sidoo kale gudidu waxay timaamaeen oo farta ku fiiqeen dhacdooyin ka dhacay gobolada iyo degmooyinka dalka mudadii uu bilaabmay ololaha asxaabta iyo ururada ee weli socdaa.  sidaana waxa lagu sheegay War-saxaafadeedkan oo uu u saxeexan yahay Guddoomiyaha guddidaa  Axmed Maxamed Caddaad,oo u dhignaa sidan:-

“Guddida ilaalinta anshaxa iyo hab-dhaqanka habsami u socodka doorashada isaga oo guddanaya waajibaadka uu u xilsaaran yahay waxa uu isha ku hayey uu sii dhow ula socday anshaxa iyo habsami u socodka doorashada golayaasha deegaanka oo haatan toban maalmood socday.
Guddidu waxay mar walba xil gudashadeeda u cuskanaysaa kuna hagaysaa dhinacyada tartanka ku lug leh ku dhaqanka xeerka hab-dhaqanka xisbiyadda/ururada siyaasada ee doorashada golayaasha deegaanka (Cord of condect for Polatical parties or Association), kaasi oo ay si wada jir ah ugu heshiiyeen, una saxeexeen dhammaan xisbiyadda/ururada siyaasada doorashada u taagan, mudada ololaha doorashadu socday waxa xubnaha guddigani ee ku kalal sugan xarunta iyo goboladu u kuu galayeen hab-sami u socodka lololaha.Sidoo kale waxa soo gaadhayey cabashooyin ka imanayey dhinacyo kala duwan, cabashooyinkaasi oo hubinaynay sida ay wax uga jiraan.

Sidaa awgeed waxay guddida halkan ku soo bandhigayaan dhacdooyinkii ugu waaweynaa iyo xad-gudubyadii sharci ee mudadaasi dhacay, kuwaas  oo si aan mugdi lahayn ugu gabood-falayey anshaxa guud iyo  hab-dhaqanka doorashada ee ku qeexan xeerka doorashooyinka (xeer Lr.20-2.2005), xeerka hab-dhaqanka xisbiyadda/ururada siyaasada iyo wareegtadii Madaxwaynaha JSL ku ayiday hab-sami u socodka doorashada, waxayna kala yihiin sidan:-

1. Waxa Warbaahinta laga wada daawaday Guddoomiyayaasha Gobolada Selel, Awdal, Gabiley, Hawd, Oodweyne, Saraar, Sool iyo Sanaag oo si qaawan uga dhex muuqda ololaha doorashada, iyaggoo ka hadlaya fagaarayaasha isla markaana gaadiid iyo hantidii umadda ka dhaxaysay u addeegsanaya olollaha.

2. Waxa saxaafada lagu soo daabacay hadalo uu ku tiraabay Guddoomiyaha Saaxil oo uu ku sheegayo inaanu cidna uga gabanayn u ololaynta xisbigiisa, taasi oo macnaheedu noqonayo inaanu u hogaansamayn sharciga dalka u dejisan ee ahayd inuu isagu noqdo kan ugu horeeya ee ilaaliya.

3. iyadda oo aanu sharcigu diidayn guddoomiyaha degmada (Mayor) ee sharaxani uu shakhsi ahaan uga qayb-qaato ololaha doorashada, haddana waxa marag ma doon ah in Maayarada degmooyinka Saylac, Boorama, Baligubadle, Salaxlay, Caynaba iyo Ceerigaabo ay gaadiidka umadda ee ay wataan ay u isticmaaleen u ololayn xisbi/urur.

4. Waxa warbaahintu soo tabisay masuuliyiin xukuumadda ka tirsan oo si badheedh ah ugu milmay, una ambo-baxay ololaha doorashada, kuwaasi oo ay ka mid yihiin: Maareeyaha hay’adda Waddooyinka (SRA) iyo agaasimaha maamulka hay’adda la dagaalanka Aids-ka (Solnac).

5. waxa tiraba dhowr jeer degmooyinka qaarkood ka dhacay xayiraado iyo xadhig lagula kacay xubno musharixiin ah, inkasta oo oo wada-hadal debadeed xoriyadoodii la soo celiyay.

6. si loo majaro habaabiyo bulshada, waxa mid ka mid ah jidadka Magaaladda Hargeysa lagu soo bandhigay boodh aad u weyn oo lagu daabacay sawirada iyo Lambarada 25 Musharax oo ka tartamaya degmada Hargeysa, kana kooban dhammaan xisbiyadda/ururada siyaasada ee tartamaya haba kala badnaadaane.

7. Waxa ka dhacday musharax aan ka mid ahayn musharixiinta u tartamaya golaha deegaanka degmada Hargeysa uu xarun olole ka furtay Hargeysa, taas  oo abuurtay iska horkeen taageerayaal iyo amni daro.

Haddaba guddida ilaalinta anshaxa iyo hab-dhaqanka doorashadu waxay si adag u farayaan Guddoomiyayaasha gobolada Salal, Gabiley, Awdal, Hawd, Saaxil, Oodweyne, Saraar, Sool iyo Sanaag iyo sidoo kale Maareeyaha hay’adda waddooyinka iyo agaasimaha maamulka hay’adda Aids-ka inay ka waantoobaan ka qayb-galka iyo ku milmida ololaha doorashada kuna ekaadaan masuuliyadaha ay qaranka u hayaan, iyagga oo si dhex-dhexaadnimo ah u gudanaya, maayaradda Magaalooyinka Boorama, Gabiley, Baligubadle, Salaxlay, Burco, Caynaba iyo Ceerigaabo looga digayaa isticmaalka hantida iyo gaadiidka umadda xiliyadda ololaha lagu guddo jira.

Hogaamiyayaasha xisbiyadda/ururada siyaasada, musharixiinta iyo taageerayaashooda waa inay dhowraan anshaxa, nabadgalyada guud iyo nidaamka, kana dheeraadaan wax abuuri kara sawaxan iyo iska hor imaad, nabadgalyo daro iyo anshax xumo. Hay’addaha amniga waxa ka reebban inay xayiraan ama xidhaan musharax, iyagga oo aan wadan waaran maxkamadeed ama aanu gacmaha kula jirin dambi culus oo ciqaabtiisu gaadhayso saddex sanadood oo xadhiga ah. Shirkadaha iyo xayeysiiyada waxa looga digayaa inay daabacaan iyo inay soo bandhigaan muuqaalo ama qoraalo shaki iyo muran galin kara hab-sami u socodka doorashada.

Cidii ka dhaga-adeygta fulinta arimaha aan soo xusnay iyo guud ahaan shuruucda doorashada darajo kasta ha lahaadee waxa loo aqoonsanayaa qof carqaladaynaya hanaan socodka doorashada, kuna gabood-falay sharciga dalka, sidaa darted waxa laga qaadi doonaan tallaabo sharci oo ku haboon.” ayaa lagu yidhi qoraalka gudida anshaxa doorashada iyo ololaha golayaasha deegaanka Somaliland.

Samo Talis News Hargeysa Somaliland
E-mail jaamac132@gmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *