Hargeysa(ANN)Guddida diwaangelinta ururada siyaasada iyo ansixinta axsaabta qaranka ayaa digniin u jeediyay ururada siyaasada ee waqtigan lagaga dhawaaqay Somaliland, waxayna sheegeen in aanay samayn karin Ururadu wax olole iyo dhaqdhaqaaq siyaasadeed ah ka hor inta ay ka

qaadanayaan ogolaanshaha ku meel-gaadhka ah ee ay bixinayso guddidoodu.
Sidoo kale waxay sharaxaad ka bixiyeen gudidu marxaladaha ay marayaan Ururada siyaasadu ee tartanka kaga qaybgeli karaan. Sidaana waxaa lagu sheegay shir jiraa’id oo Guddida diwaangelinta ururada siyaasada iyo ansixinta axsaabta qaranku ay maanta ku qabteen xaruntooda magaalada Hargeysa. Qoraal saxaafadeed shirkaa jaraa’id laga akhriyay ayaa  u dhignaaa sidan:-
“Hawlgalka geedi socodka furashada ururada waxay maraaysaa saddex marxaladood
1. Marxalada diiwangelinta
2. Maraxalda hawlgalka
3. Marxalada doorashada dawladaha hoose
Hadaba halkan waxan ku cadaynaynaa saddexda marxaladood mid walba hawsha la qabanayo .
1 . maraxalada diiwangelinta
Shuruudaha laga rabo cida rabta inay isku diiwangeliso urur siyasadeed
• Urur kasta oo doonayaa in loo diiwangeliyo urur siyaasaded waa in uu ku soo qortaa arki foomka loogu talo galay , kuna soo hagaajiyo gudida , kuna lifaaqnadaan caddaymaha iyo qoralada soo socda :-
Ø Goortii iyo goobtii uu ururku ku qabtay shirkuu asaaska ee ugu horeeyay .
Ø Liiska magacyada asaasayaasha ururka iyo habkii loo doortay .
Ø Qaabka dhismeedka ururada oo ay ku cadyahay magaca ururka oo dhan iyo habka uu u qormayo marka la soo gaabiyo iyo astaanta ururka .
Ø Caddayn bixin cashuurta diiwangelinta oo dhan 150,000,000 oo shilika Somaliland ah
Hadaba
B . cidda doonaysa inay isu diiwangeliso urur siyaasi ah waxa u bannaan inay qabsato shirkeedii asaaska mana samayn karto wax kale oo dhaqdhaqaaq iyo hawlgal siyaasadeed .
t . ururka qaata foomka diiwangelinta soona celiya iyaga oo soo buuxbuxiyay waxa u banan mudada lagu jiro diiwangelinta dhaqdhaqaaq iyo hawlgal xadidan , taas oo ah inay furan karaan xafiisyadooda gobolada iyo degmooyinka shirarkoodana waxay ku qabsan karaan xafiisyadooda gudohooda lamana ogola inay sameeyan olole siyaasadeed oo intaa ka baxsan .
j . waxay qadanayaan nuqul ka mid ah foomka ay soo buuxiyeen oo ay ku taalo saxeexa iyo shaambada gudida diiwangelinta , iyaga oo la socodsiinaya maamulada gobolada , degmooyinka iyo ciidanka nabadgeliyada .
Markay dhamaato marxaladan koobad ee diiwangelintu oo ka bilaabmaysay markay ku dhawaaqday gudida diiwagelinta furitaanka ururada oo ahayd 12/11/2011 kuna dhamaanaysay 12/1/2012 waxay gudidu qaadaysaa talaabooyinkan :-
b .inay dhamaatay xidhantayna mudadii diiwan gelintu .
t .waxay u fadhiisanaysaa qiimayna ku samaynayan ururadii ay siisay foomamka .
j .ciddii buuxisa shuruudaha laga rabo waxay siinaysaa ogolansho ku meel gaadh oo ururkaasi ku hawlgalo .
2 . marxalada hawlgalka
B .marxalda hawlgalku waa lix bilood oo ka bilaabmaysa malinta ogolanshaha la siiyay
T .waa in ururku u soo gudbiyaa gudida qabasha shirwaynaha ururka , meeshii uu ku qabtay , taariikhduu qabsoomay iyo wixii ugu waynaa ee ay qabteen , sida liiska magacayada xubnaha , golaha dhexe , gudida fulinta iyo magacyada hogaanka xisbiga .
J .caddayn in ururkaasi ku leeyahay laamo hawlgal ah lixda gobol uguna diiwangashan yihiin ugu yaraan kun qof (1000) gobol kasta, kuwaas oo haysta warqada aqoonsiga oo sharci ah.

X .inuu u soo gudbiyo gudida xeerkiisa iyo barnaamijkiisa siyaasiga ah
Kh .urur kasta waa inay ku caddahay xeerkiisa ku dhaqanka dimuqraadiyada , tallo wadaag iyo maamul wadaag .
D .urur kasta waa inay xeerkiisu waafaqsan yahay distoorka dalka iyo xeerarka dalka
R .urur kasta waa inuu xubin ka noqonkaro qof kasta oo somalilander ahi .
S .urur kasta waa inay xeerkiisa ku cadahay magaca ururka oo dhan , ujeedooyinka ururka , qaabdhismeedka ururka , xarunta dhexe ee ururka oo ku taala Somaliland gudeheeda , qaabka loo soo doortay ama lagu badali karo masuuliyiintiisa , shuruurdaha xubinta lagu noqon karo iyo sababta lagu waayi karo , iscasilaada xubinta ama masuulka iyo qodobo khuseeya sida xeer hoosadka ururka wax looga badali karo .
Sh .inay gudida u soo gudbiyaan meesha ay ka helaan ilohooda dhaqaale .
Markay dhamaato marxaladan labaad oo ah marxalada hawlgalka . waxay gudidu qaadaysaa talaabooyinkan :-
B .inay xidhan tahay wakhtigii hawlgalku .
T .waxay u fadhiisanayasaa qiiimaynta ururadii ay siisay ogolanshaha ku meel gaadhka .
J. ururada buuxiyay shuruurdihii looga baahnaa waxay gudidu siinaysaa ogolansho ay ku galaan tartanka doorashooyinka Dawlahada Hoose .
Gudidu waxay mar danbe go,aamo ka soo saari doontaa marxalada saddexad oo ah doorashooyinka Dawladaha a Hoose iyo shururudaha laga rabo saddexda xisbi qaran ee hada jira .Gaba gabo
Hadaba si loo ilaalilyo xasiloonida dalka loogana fogaado khalkhal gelinta waxay gudida diiwan gelintu ka codsanysaa wasarada arimaha gudaha inay ku ilaaliso ururada siyaasada inay ku dhaqmaan una hogaansamaan go,aamadan waana inay gaadhsiisa maamulada gobolada , degmooyinka iyo ciidanka nabad gelyada.” Ayaa lagu yidhi qoraalkaa kasoo baxay Gudida diiwaangelinta Ururada iyo ansixinta axsaabta qaranka.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *