Hargeysa(ANN)Guddoomiyaha Gollaha Wakiilada Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cabdiraxmaan Cirro) ayaa ku tilmaamay  Mooshinka dhowaan abuuray xiisada siyaasadeed ee  ay wateen qaar ka mid ah mudanayaasha golaha Wakiilladu in aanu shirguddoon ahaan

wax wer wer ah  iyo  cabsi toona ku hayn, wuxuuna xusay   inay xaq u leeyihiin inay Mooshin keenaan mudanayaashu.

Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi, waxa uu sidaa ka sheegay mar uu saxaafadda la hadlayay isagoo kasoo laabtay safar uu mudo kaga maqnaa dalka, wuxuuna  xusay  in aanu ogeyn wax kala qaybsanaan ah, balse haddii ay jirto kala qaybsanaan gollaha dhexdiisa ah  ay u hawl gelayaan sidii ay u midayn lahaayeen xildhibaanada golaha.

Guddoomiyaha Gollaha Wakiilladda  Cabdiraxmaan oo safar shaqo uu ku weheliyay Guddoomiye xigeenkiisa Koowaad ay  ku tageen dalka Austeria iyo wadamo kale oo Yurub ah, balse isagu muddo kaga dambeeyey, ayaa maanta kasoo degey madaarka diyaaraddaha ee Hargeysa, wuxuuna saxaafadda uga  xog-waramay waxyaabaha uga soo qabsoomay safarkooda shaqo, isagoo  xusay inay kulmayo la yeesheen baarlamaanada wadamada Austeria, Jarmalka iyo baarlamaanka adduunka, ujeedooyinkii ay u socdeena si wanaagsan ugu soo hirgaleen.

Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) waxa uu yidhi,  “Waxaanu marti-qaad ka helnay baarlamaanada dalalka Austria, jarmalka iyo baarmaanka aduunka, iyadda oo aanu la kulanay baarlamaanadaas, waxa aanu doonayey in aanu xoojino xidhiidhka aynu la leenahay baarlamanadaas, waana aanu ku guulaysaney arrintaa.”
Mar la waydiiyay sida uu u arko khilaafka xooga badan ee dhex yaala shir-guddoonka iyo qaar ka mid ah mudanayaasha Wakiilada, waxa uu sheegay in baarlamaanka Somaliland ee uu isagu guddoomiyaha ka yahay uu hadda midaysan yahay, balse haddii ay wax jiraan wax khilaaf ahi ay  u hawl-galayaan sidii loo dhamayn lahaa “Waxaanu nahay hal baarlamaan oo kaliya, ma jirto wax aan ogahay oo kala qaybsanaan ah, laakiin haddii ay jirto in wax la isku qabtay, baarlamaanka waanu midaynaynaa hadda, waana wax caadiya oo ka dhaca caalamka”Ugu dambayn, Guddoomiyaha golaha Wakiilada oo ay madaarka Hargeysa ku soo dhaweeyeen dadwayne tiro badan oo isagu jira xildhibaano, wasiiro iyo salaadiin tiro badan, ayaa waxa uu sheegay in mudanayaashu mooshin keeni karaan, laakiin loo baahan yahay in wax walba sharciga loo maro “Shir-gudoonka waa la badeli karaa, waxaana loo marayaa dariiq sharci ah, sida aanu hore sheegnay, anaga war-war naguma hayso xilka qaadistu.”ayuu yidhi Guddoomiyaha Gollaha Wakiiladda Somaliland.
Dhinaca kale ee soo noqoshada Guddoomiyaha ayaa kusoo beegantay xili la rumaysan yahay in kulamadii u danbeeyay ee ay Madaxweyne Siilaanyo iyo xubnaha mudanayaasha ee watay mooshinka muranka iyo sawaxanka abuuray kulamo soo noqnoqday yeesheen, iyadoo kulankii u danbeeyay Madaxweyne Siilaanyo la yeeshay Mudanayaasha todobaadkii maalmihii lasoo dhaafay. Balse ma jiraan warar kasoo baxay kulankaa oo sheegaya inay mudanayaasha mooshinka wax ka bedelka xeer hoosaadka golluhu ka tanaasuleen doonistoodii iyo in kale.

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *