Hargeysa(Araweelo News Network)Guddoomiyaha Baanka Dhexe ee Somaliland Cabdi Dirir Cabdi, ayaa  ka hadlaya qiimaha doolarka ee maalmihii

u danbeeyay samada isku shareeray, wuxuuna arrintaa ku macneeyay mid ay sabab u tahay lacagta Noodha S/land oo ku badatay suuqyada sarifka, taas oo ay xukuumaddu sabab u tahay, wuxuuna si jees-jees ah ugu jawaabay in aanay wax dhib ah ku ahayn.

Guddomiyaha Baanka oo manta warbaahinta qaarkood la hadlay, wuxuu isagoo arrintaa ka hadlaya yidhi, “Dollarku waxoogaa wuu yara kacay, laakiin kor u kacaasi waa mid iska caadi ah oo suuqii waxa soo galay mushaharkii oo waxaynu ku jirnaa bil socota horraanteed, marka mushaharka la qaataana lacagta Somaliland ayaa suuqa gasha oo waxay keentaa inuu dollarku kor u kaco, balse waxaan rajaynayaa in maalinta Sabtida uu dollarku hoos usoo dhaco. Aanaguna ka Baan ahaan arrintaa, waxaan u aragnaa mid iska caadi ah oo aan war war iyo baqdin na galinayn,” ayuu yidhi Guddoomiyaha Baanka Somaliland oo u muuqaday mid aan dank a lahayn dhibaatada arrintaa kor u kaca dolarku ku yeelatay nolosha bulshada danyarta ah.

Guddoomiyaha Baanka Somaliland, waxa kale oo uu sharaxaad kooban ka bixiyay xeerka Bangiyada ee dhowaan culimada Soaliland sida weyn uga qayliyeen, kaas oo ay masjidada ka habaareen xildhibaanka u codeeya, iyagoo sabab u dhigay mid jidaynaya ribada oo shareecada Islaamku xaaraantimaysay.

Hase yeeshee Guudoomiyaha Baanka Somaliland, wuxuu ugu  baaqay Golaha Wakiiladda Somaliland in ay meel mariyaan xeerkaa iyo xeerarka Bangiyada oo dhan, isagoo arrintaa ka hadlayana, wuxuu yidhi, “Horta xeerer waa la ansixiyey (xeerka bangiyada islaamiga ah), xeerkuna waxa uu sheegayaa sidii baananka reer galbeedku uga furan lahayeen waddanka Somaliland, wayna jiraan mudanayaal ka tirsan Golaha Wakiillada oo ka soo hor jeedaa xeerka, laakiin waxaan leeyahay xeerkan waxa uu anfacayaa sidii reer galbeedku  uga furan lahaayeen Somaliland bangiyo kala duwan, waanna arrin muhiim ah,”

Guddoomiyaha Baanka Somaliland Dirir, wuxuu sheegay inuu rajo weyn ka qabo in Golaha Wakiilladu ansixiyaan xeerka Bangiyada ganacsiga ah ee Somaliland, isagoo yidhi,  “Waxaannu rajo ka qabnaa inuu baarlamaanku arrinkaas ansixiyo. Waa arrin baahi weyn shacabka Somaliland u qabaan, waxaanan leeyahay sida ugu dhakhsaha badan u ansixiya si ay reer galbeedku bangiyo caalami ah dalka uga furtaan.” Ayuu yidhi Cabdi Dirir.

Araweelo News Network
Somaliland Office
info@araweelonews.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By Arraale M. Jama

Araweelo News Network is a Associated Online Agencies established and operated by Somali senior journalists Arraale M. Jama, Araweelo News Network is a one of the most popular Somali Media Online, created by the one of the senior Journalist and human rights activist Arraale Mohamoud Jama 2010. Araweelonews is an independent non-profit and is not affiliated with any political party or group. Its mission is to inform and to educate people of Somaliand and Somali community democracy, Human rights issue, Health $ Education and awareness. Editor-in-Chief, Arraale M. Jaama Freelance Journalist and Human Rights Activist. Contact E-mail; Info@araweelonews.com jaamac132@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *