Hargeysa(ANN)Goobaha codbixinta Doorashada ka socotay Somaliland, ayaa si rasmi ah u xidhmay xiligii loogu talo galay 6 maqribnimo, iyadoo  Doorashadu guud ahaan dalka oo dhan u dhacday si nabadgelyo ah.

. Marka laga reebo dhacdooyin yar yar oo meelo kala duwan ka dhacay oo sababay dhimasho iyo dhaawac soo gaadhay dhawr qof oo shicib iyo askar isugu jira.
Inkasta oo ay jireen deegaamada qaar iyo goobaha dib u dhac ku yimi bilawgii codbixinta iyo cabashooyin la xidhiidha goobo la sheegayay inay waraaqaha codbixintu ka go’een,iyadoo ay dadku magaalooyinka waaweyn xalay sii galeen safaf dhaadheer, kuwaas oo ka casi qabay inay waayaan fursad ay ku codeeyaan.
Balse waxa gebi ahaanba la xidhay waqtigii loogu talagay dhamaan gobolada dalka oo dhan, waxaana la bilaabay Tirinta Codadka, taas oo  ka bilaabantay dhamaan goobaha saaka laga dhiibtay codka.

Masuuliyiinta Ururada qaarkood ayaa cabashooyin ka muujiyay qaabka ay cod bxintu u socotay, iyagoo xukuumadda ku eedeeyay qaarkood inay doonayso inay xoog ku soo saarto xisbigeeda Kulmiye.

 

Dhinaca  kale waxa muuqday meelaha qaar maamulxumo iyo khibrad la’aan dadka maamulayay goobaha iyo sidoo kale agabka sida sanaaduuqda oo markiiba buuxsamay, kuwaas oo qaadi waayay waraaqaha codbixinta, isla markaana ay meelaha qaar ku adkaatay maamulayaasha goobtu sidii ay u xalin lahaayeen, balse goobaha qaar hawlwadeenada komishanku waxay adeegsadeen inay jawaano ku guraan waraaqaha codbixinta. kadib marii sanduuqa caaga ah ee loogu talogalay buuxsamay.  

Doorashadan oo aanay weli soo saarin natiijadeeda Komishanka doorashooyinku, waxa ku tartamaya laba xisbi oo hore u jiray iyo shan Urur siyaasadeed, kuwaas oo laga doonayo inay kasoo dhex baxaan sadexda xsibi qaran ee hogaamin doona siyaasada Somaliland tobanka sanadood ee soo socda. sidoo kale waxa ku tartamaya in ka badan 2000 oo qof oo u sharaxan golayaasha deegaanka dalka.

Goob joogayaal ka socda dhawr iyo toban dal oo aduunka ah ayaa dusha ka eegaya doorashada oo soo jiidatay indhaha caalamka, balse natiijadeeda lagu qiimayn doono Somaliland oo hore  beesha caalamka ugaga heshay ixtiraan doorashooyinkii golayaasha deegaanka ee sidan oo kale ay kusoo baxeen sadexda xisbi qaran 2002, isla markaana lagu doortay golayaasha deegaanka ee lagu bedelayo doorashadan.

sidoo kale doorashadii wakiilada ee 2005 iyo doorashadii Madaxtooyada ee 2010, ayaa si weyn ugu soo jeediyay indhaha caalamka Somaliland, kuwaas oo dhamaantood ay ka heshay Somaliland qadarin iyo ixtiraam aduunka, isla markaana ay tusaale ugu noqotay dhinaca dumuqraadiyada meelo badan oo dunada ah iyo dawlado waaweyn oo la aqoonsanyahay. 
Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *