Hargeysa(Arraweelo.com) Golaha wakiiladda Somaliland ayaa ansixiyay xubno isugu jira wasiiro iyo wasiiro xigeeno dhowaan Madaxweyne Siilaanyo magcaabay.  Mudanayaasha golaha akiiladda oo yeeshay fadhi uu Shir-gudoominayay

Gudoomiyaha Golahaa C/raxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro) ayaa cod aqlabiyad ah ku meel mariyay ansixinta Wasiirrada wasaaradaha Arrimaha Dibada, Warfaafinta, Xidhiidhka Golayaasha, Boosaha iyo Isgaadhsiinta, Dib u dejinta,Wasiir ku xigeenada Ganacsiga,Qorshaynta, Gaashaandhiga iyo Wasiirul dawlaha Maaliyada.

 

51 Mudane ayaa kasoo xaadiray fadhiga waxayna cod gacan taag ah si gooni gooni ah ugu ansixiyeen masuuliyiintaa oo ay ugu kala codeeyeen Sidan:-

 

Wasiirka arrimaha Dibada Mudane Maxamed Biixi Yoonis waxaa Ogolaaday 50 Mudane Cid diiday iyo Cid ka aamustay ma jirin gudoomiyuhuna Muu Codayn.

 

Wasiirka Wasaarada Warfaafinta Mudane Cabdullaahi  Maxamed Daahir Cukuse waxaa Ogolaaday 45 Mudane waxaa diiday 2 Mudane halka ay 3 Xildhibaan ka aamuseen Gudoomiyuhuna aanu codayn.

 

Wasiirka Xidhiidhka Golayaasha Aadan Axmed Warsame waxaa Ogolaaday 48 Mudane hal xildhibaan ayaa diiday midna wuu ka aamusay gudoomiyuhuna Muu codayn.

 

Wasiirka Boosaha iyo Isgaadhsiinta Maxamed Jamaac abgaal waxaa Ogolaaday 49 Mudan,Hal Xidhibaan ayaa ka aamusay Gudoomiyuhuna Muu Codayn.

 

Wasiirka Dibu dejinta Mudane Axmed C.kariin waxaa ogolaaday 48 Mudane hal Xildhibaan ayaa ka aamusay midna wuu diiday Gudoomiyuhuna Muu Codayn.

 

Wasiirul dawlaha Madaxtooyada Maxamed Muuse Abees waxa ogolaaday 48 Mudane,cid diiday may jirin laba mudane ayaa ka aamusay.

 

Wasiir ku xigeenada Ganacsiga Mudane Bashiir Cabdi Xariir iyo Qorshaynta Qaranka waxaa ogolaaday 47 ,Mudane hal Mudane ayaa mid walba diiday laba kalena way ka aamuseen gudoomiyuhuna muu codayn.

 

Wasiir ku Xigeenka gaashaandhiga Cabdi Daahir Camuud waxaa ogolaaday 46 Xildhibaan waxaa diiday 3 Mudane waxaana ka aamusay hal Xildhibaan Gudoomiyuhuna muu codayn. Sidaana waxa lagu ansixiyay xubnaha masuuliyiinta ah oo Madaxweyne Siilaanyo magcaabay 25 July 2013. Kadib markii uu isbedel ku sameeyay xukuumaddiisa.

info@araweelonews.com
What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *