Hargeysa(ANN)Mudaneyaasha Golaha Wakiilada Somaliland ayaa fadhigoodii maanta ansixiyay Xeerka furashada ururadda siyaasada iyo wax ka bedelka xeerka doorashooyinka, kaas oo dhinaca kalena ilaalinaya oo dabar u noqonaya axsaabta, balse ansixintiisa ay mudanayaasha qaarkood ka dareereen

madasha iyo dhaliilaya habka loo maamulay wax ka bedelka iyo kaabista xeerkaa oo mudanayaashu ka doodayeen mudooyinkii u danbeeyay.
Fadhigii Golaha Wakiilada Somailand  ee maanta waxa Gudoominiyay C/raxmaan Maxamed Cabdilaahi (C/raxmaan Cirro) waxa madashada ka soo xaadiray 49 Xildhibaan oo ka mid ah Golaha Wakiilada, waxa ogolaaday 29 Mudane, waxa diiday 15 Mudane, waxa ka aamusay 4 Xildhibaan Guddoomiyhuna muu codayn.sidaas ayaanu ku ansaxay xeerka furista ururada siyaasada iyo wax ka bedelka.
Hase yeeshee koox mudanayaal ah ayaa madasha ka dareeray, iyagoo ka biyo diiday qaabka wax ka bedelka xeerka furashada Ururada Siyaasada iyo doorashooyinka ee L/R 14 loo maamulay, waxaana muran ka dhashay qodobo ka mid ah xeerkaa oo lagu soo daray, kaas oo ay mudanayaasha qaarkood farta ku fiiqeen, balse marka laga reebo qodob si gaara u abuuray muran oo laga reebay ansixinta xeerkaa, kaas oo gudoomiyihu sheegay in hore looga saaray. Laakiin uu si khaldan usoo galay, isla markaana qodobkaa oo qoraal ahaan xeerka ugu qornaa laga reebo codaynta. Sidaana lagaga reebay qodobkaa oo sheegaya inay gidida fulinta ee xisbigu eryi karto gudoomiyaha xisbiga.  
Xeerkan waxa ku jira lacag deebaaji ah oo lagu xidhay inay bixiyaan ururada siyaasada ee dalka ka furmaya oo qadarkeedu yahay 20 kun oo dollar oo u dhiganta 150 Milyan oo shilinka Somaliland ah, Sidoo waxa ku jira xeerkaa qodobo tilmaamaya qaabka ururada siyaasadeed loo furan karo iyo qaabka lagu maamulayo. Sadexda xisbi qaran ayaa hore uga soo horjeedsaday furista ururada siyaasada hase yeeshee waxa soo dhaweeyay kooxo aan tiro badnayn oo ujeedooyin siyaasadeed oo kala duwan watay.
Xeerkan ayaa la filayaa in maalmaha soo socda loo gudbiyo Aqalka odayaasha Somaliland si ay iyaguna go’aan uga gaadhaan arrintan, iyadoo golaha guurtidu 2005 soo jeedin sidan oo kale ay u gudbiyeen golihii wakiilada ee xiligaa oo ahayd in la furo ururada siyaasada ay laaleen golaha guurtidu. Markii ay dood adag ka yeesheen, iyagoo ku tilmaamay soo jeedintaa mid aan waafaqsanayn dastuurka.
Dhinaca kale, Golaha Wakiilada Somaliland ayaa markii uu ansixiyay xeerkaa galay fasax dhan 6 todobaad.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *