Hargeysa(ANN)Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa  jawaab adag ka bixiyay hadalo ka soo yeedhay xisbiyada mucaaridka ah ee UCID iyo UDUB. Sidoo kalena ka hadalay arrimaha deeqaha Somalia iyo caawimadii loo fidayay dadka dhibaataysan ee

 

Somalia iyo weliba deeqdii waxbarsho ee ardayda Somaliland dalka Turkiga.
Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo xalay saqdii dhexe  shir jaraa’id ku qabtay xarunta madaxtooyada waxa uu si kulul u weeraray Guddoomiyaha UCID oo uu sheegay inuu basaasay dhalinyaradii iyo aqoon yahanadii reer Somaliland ee badhtamihii sideetameeyadii taliskii Siyaad Barre xidhay.
Madaxweynuhu waxa kale oo uu difaacay eedo ay mucaaridku maalmihii la soo dhaafay u jeedinayeen wakiilka xoghayaha guud ee qaramada midoobay u qaabilsan Somaliland/Somalia Augustina Mahiga  oo ay xukuumadda ka dalbadeen in laga mamunuuco inuu yimaado dalka.
Md. Axmed Siilaanyo waxa kale oo uu ka hadlay kaalmadii Somaliland ay u dirtay dadka abaaruhu tabaaleeyeen ee wadanka Soomaaliya iyo  deeqdii waxbarasho ee dhawaan arday reer Somaliland ahi ka heleen dalka Turkiga.
Madaxweynaha oo ka hadlayay kaalmadii Somaliland ay u dirtay Soomaaliya waxa uu yidhi “Marka u horaysa dalka Somaliland waa dal muslim ah waa dal caalamka ka mid ah oo dhibaatooyinka iyo abaaraha ka dhacay dalka Soomaaliya ee caalamku u gurmaday inagoo og in abaartu ina saamaysay, haddana waxa waajib ah oo xil inaga saaran yahay in dadka muslimka ah dadka Soomaaliyeed ee walaalaheen ah ee dhibaatadu soo gaadhay  inaynu u gurmano oo aynu wax ka tarno waajib, xil iyo masuuliyad ina saaran buu ahaa. Ta aynu yeelay ee aynu caalamka kala mid ahayn ee aynu ILAAHAY-na ka baryayno inuu abaal iyo ajar inaga siiyo, inagana magac iyo sharafi inoogu jirto. Waxa ay ahayd mid aynu  ku faanayno, dadweynaheenuna uu ku mahadsan yahay intii gacan ka geysatay, intii qaaday iyo intii ka hawl gashayba.”
Madaxweyne Siilaanyo waxa uu jawaab ka bixiyay hadalo ka soo yeedhay Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed, waxaanu tilmaamay in kaalmaynta dadka abaaraysan ee Soomaaliya aanay waxba ka bedelayn mowqifkii qaranimada Somaliland isagoo arrintaasi ka hadlayayna  waxa uu yidhi “Waxaanu leenahay ninka shariif la yidhaahdana  walaalahayaga reer Koonfureed (Soomaaliyana) waxaanu leenahay walaalayaal haddii aanu soo gurmanay oo nabadgelyo u soo gurmanay oo dadkayaga u soo gurmanay, ma aha inaanu ka noqonay madax banaanidayadii iyo gooni isu taagayagii oo aanu nahay qaran xor ah oo u soo halgamay qaranimadooda maantana aanu halkii taagan nahay sidaasna aanu ku wadayno illaa aanu aqoonsi iyo ictiraaf ka helo adduunyadda, waxaan leeyahay dadweynaha Somaliland yaan la idin bah dilin, yaan been la idiin sheegin ee aynu gacmaha is qabsano aan wada jirno oo xoriyadeenii iyo ictiraafkeenii sidii aynu u wada dooni jirnay gudo iyo dibadba  aan u wadno.”
Madaxweynaha Somaliland waxa uu sheegay in Guddoomiyaha xisbiga UCID uu Taliskii Siyaad Barre u basaasi jiray dhalinyaradii UFO, waxaanu tilmaamay in ummaddu ay nacday oo ay sanka ka qabsatay isagoo arrintaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Waxaan doonayaa inaan ka hadlo arrimaha  xisbiyada mucaaridka ah ee UDUB iyo UCID, Faysal Cali Waraabe gaar ahaan  hadalada beryahan ka soo yeedhayay ee ka soo burqanayay iyadoo uu caado u leeyahay badiba marka uu dhibaatooyin dhex galo ee dhex dabaasho ee uu masuuliyadiisa iyo xilkiisa ka soo bixi waayo  iyadoo taariikhdiisa oo dhan la ogaa  oo la ogaa wixii uu UFO ku sameeyay berigii la ogaa ee sida uu wax u basaasi jiray la ogaa ayuu haddana maalin walba aflagaado iyo cayda ummadda uu la soo taagan yahay wax la qaadan karo ma aha. Taariikhda Faysaloow waxaad ka heshay ummadda  taageerooyinkii aad ka heshay ee aad codka kaga heshay ee aad ku wada dhacday ee ummaddu ku diiday ee sanka kaa qabsatay ee aad qabyaalad ku hadashay ee Hargeysa anigaa leh aad tidhi oo ummaddu kugu diiday oo uf ku tidhi waad ogayd.taariikhda halka aad ka gashayna waa la ogaa ninkii lahaa koonfur baan tagayaa adiga ayuu ahaa. Maalin walba halkaasi ayaad ka hadlaysaa  oo aad intaasi aflagaado iyo xumaan wadaa taasina wax lagaa qaadanayo ma aha wax lagaa aqbalayana ma aha.”
Madaxweyne Siilanyo oo hadalkiisa sii watay wuxuu yidhi “Waxaan leeyahay Cali Waran Cadde, Ina Sulub iyo qoladan UDUB  ee iyaguna aflagaadada maalin walba la taagan waxa weeye walaalayaal idinka doorashadii ayaanu idinka adkaanay ummadda muddo badan ayaad horjoogteen, ummaddu way iska kiin garatay oo iska kiin aragtay waxaad tihiin iyo waxaad qabtaanba. Sidaasi ayaanu waliba asxaan idiin samaynay runta marka la doonayo oo aanu idin saamaxnay oo idin ilaalinay oo aanu is nidhi yaan dalka Somaliland isku xidhnaantiisa  iyo walaalnimadiisa iyo wada jirkiisa oo aanu musuqmaasuqaad samayseen iyo boobka aad hantida ummadda aanu idinku saamaxnay dadka waxaad ku akhriyaysaan wax ay idinka dhagaysanayaan ma jirto. Shacbiga Somaliland waxaan leeyahay shacbiga Somaliland-noow ha dhegaysanina.”
Madaxweynuhu waxa uu sheegay inaanu Wakiilka Xoghayaha guud ee qaramada midoobay u qaabilsan Somaliland/Somalia aanu wax Somaliland ku lid ahi ka soo yeedhin waxaanu yidhi  “Mahiga ayaa la inagu diray waad aragteen Mahiga waxa laga soo qoray. Mahiga aflagaadada loo geysanayo waad maqlayseen. waa nin jimciyada quruumaha ka dhaxaysa u shaqeeya,  waana nin xil gaar ah leh. Shirarka uu ka hadlay wax Somaliland ku lid ah muu odhan. Been iyo inamo isku sawiray oo dadkii ka markhaati kacay la ogaa oo haddii imika aad eegto oo aad gasho website-yada iyo wixii ay ku hadleen  ee la caayayo oo la leeyahay reer Somaliland buu u shaqeeyaa.”
“Markaa waxaan leeyahay ummadda reer Somaliland yaan been, xasad iyo hinaase yaan lagu hagin oo yaan been loo sheegin oo aan jidkiina la idinka luminin,”ayuu yidhi Madaxweyne Axmed Siilaanyo.
Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo ka hadlayay Deeqaha waxbarashada wax uu yidhi “Turkigu waxa uu ina siiyay Schoolarships (deeqaha waxbarasho) oo ardaydeenii aynu dhoofinay  oo aynu u dirnay si ay  wax u soo bartaan, waxaanay ku dhoofeen baasaboor Somaliland ah. Meesha laga qaadayo iyo jidka laga qaadayaa waa wax aan ahayn wax aanaan si gooniya u eegayn.” Ayuu yidhi Madaxweyne Siilaanyo oo xalay saqdii dhexe  warbaahinta la hadlay, balse aanay saxaafada madaxa banaani goob joog ka ahayn ee cod ahaan loogu qaybiyay.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *