faysal1Hargeysa(Araweelo News Network)Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Feysal Cali Waraabe ayaa qirtay in  uu hambalyeeyey Codayntii shalay ka dhacday Baarlamaanka Somaliland ee lagu inqilaabay ku xigeenada

 

shirgudoonka golahaa, isla markaana ku taliyay in lagu xejiyo Mooshin ka dhan ah Madaxweyne Siilaanyo, balse waxa uu sheegay in aanu warbaahinta ugu tala gelin hadalkaa.

Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka UCID Faysal Cali Waraabe, waxa uu sheegay in markii codayntu dhamaatay ay sheeko dhexmartay isaga iyo Xildhibaan Cali Mareexaan oo uu yidhi, “waan idinku hanbalyaynayaa, waa in Siilaanyana Mooshin Maamuus ka xayuubin ah lagu qaadaa, hase yeeshee waxa uu ka gubtay in sheekadaa oo sida uu ku dooday ahayd sheeko Telefoonka ku dhex martay markii Golaha laga soo dareeray Xildhibaan Cali Mareexaan oo ay kaftamayeen war laga dhigay oo warbaahinta loo gudbiyay.

Feysal Cali Waraabe oo la hadlay markaa kadib Wargeyska Waaheen, wuxuu yidhi,“ horta Dib danbe Telefoonba looga wadahadli maayo, sababtoo ah shalay markii Golaha laga soo dareeray waxaan si kaftan ah ula hadlay Cali Mareexaan oo aan ku idhi maanta uun buu Golihii Gole noqday oo wixii loo doortay uu ka soo baxay, hadana anigoo la sii kaftamaya ayaan u raaciyey Siilaanyana waa in Mooshin xilka qaadis ah loogu daraa, intaas baan idhi. May jirin saxaafad aan la hadlay iyo wax aan ugu talogalay warbaahinta, dee intii haddii uu war ka dhigay diba loola kaftami maayo” ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe.
info@araweelonews.com

jaamac132@gmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *