calanka Somaliland shirkii istanbul ka dhexmuuqdaWada Hadalada soo taxnaa tan iyo markii beesha Caalamku kasoo saartay war-murtiyeedkii shirweynihii arrimaha Soomaalida ee lagu qabtay xarunta Chevening ee Duleedka London bishii Juun 2012, kaas oo

lagu qeexay  in ay bilaabaan wada-hadal labada dawladood ee Somaliland iyo Somalia ayaa shalay lagusoo geba-gebeeyay Istanbul wejigii shanaad.
Wada-hadalada u danbeeyay oo ahaa wareegii shanaad oo ay labada dhinac warmurtiyeed ay wadajir usoo saareen waxay  ku shaaciyeen in ay ku heshiyeen sagaal qodob oo xanbaarsan nuxurka waxyaabaha ergooyinka labada dawladood ee Somaliland iyo Somalia wakiilka uga ah wada-hadaladu ku heshiiyeen iyo in ay sii socdaan wada-hadaladu.

Wareega shanaad ee wada-hadalada ayaa la filayay in ay galaan qodob si weyn loogu dhegtaagayay oo ku qotoma nuxur ahaan dhinac walba siyaasiyan mawqifkiisa ku waajahan mustaqbalka labada dhinac, balse sida ka muuqata war-murtiyeedka ay labada dhinac wadajirka usoo saareen oo ay ku saxeexan yihiin labada wasiir ee hogaaminayay dhinacyada oo kala ah Wasiirka Arrimaha Debeda Iyo Iskaashiga Somaliland  Maxamed Biixi Yoonis iyo ku simaha Wasiirka Arrimaha Gudaha Somalia Cabdikariim Xuseen Guuleed waxa dib loo riixay qodobkaa oo u muuqda midka soo afjaraya in ay sii socdaan wada-hadaladu.

Hase yeeshee waxa jira qodob si weyn Bulshada Somaliland ugu dhegtaagtay oo lagu soo qaaday dooda, isla markaana lagu muujiyay war-murtiyeedka labada dhinac wadajirka usoo saareen, kaas oo ka hadlaya xasuuqii, Bur-burkii iyo tacadiyadii Taliskii Milateriga ahaa kula kacay shacbiga Somaliland xiliggii sideetanaadkii.

In kasta oo qodobkaasi aanu ahayn mid ku cusb doodaha fagaarayaasha siyaasada Somaliland marka laga hadlayo qadiyada Madaxbanaanida iyo jiritaanka Somaliland ee ay kula garnaqsanay dunida, balse hada meesha ka saaraya is diidsiintii  siyaasiyiinta iyo xukuumada Somalia dhegaha ka lalinayeen dhibaatada xasuuqa loo geystay bulshada Somaliland, wixii had aka danbeeyan ay  si dhab ah u ayideen in xasuuqii iyo tacadigii  loo geystay shacbiga Somaliland qirayaan oo ay hada wixii ka danbeeya markhaati ka noqonayaan.

Marka dib loo eego wadahadalada soo taxnaa tan iyo Jun 2012 oo ay labada dhinac oo ka duulaya qodobka Lixaad ee baaqii Chevening London Beesha caalamu kasoo saartay Jun 2012, kaas oo ahaa  qodob si weyn wax uga bedelay fekerkii siyaasiyiinta Somalia aaminsanaayeen ee ku dhisnaa inkiraada, isla markaana taa bedelkeeda Somaliland u muujiyay rajo iyo yidiilo weyn  oo si cad u iftiiminaya in markii u horaysay Beesha Caalamku si waadax ah u fahamto qadiyada Madaxbanaanida Somaliland, isla maraakana ku baaqeen wada-hadalka maraya wareegii shanaad ee labada dhinac iyagoo siman oo ah laba dawladood isoo horfadhiistaan kadibna war-murtiyeed soo wada saaraan.

Mar walba oo wada-hadala labada dhinac furmaan waxa sumad u ah, iyadoo laga duulayo baaqii beesha caalamka ee ahaa in Somaliland iyo Somalia ka wada hadlaan xidhiidhka mustaqbalkooda, iyadoo beesha caalamku balanqaaday wixii farsamo iyo taageero ah in ay la garabtaagan tahay.

Waxa muuqata in hadda wixii ka danbeeya ay wada-hadalada labada dhinac u gudbayaan meel adag oo ay khasab noqonay in loo eego dhinaca sharciyada caalamiga ah iyo qaanuunka dawliga ah ee dunida, taas oo ugu danbaynta ay suurta gal tahay in dib loogu celiyo dawladaha hormoodka u ahaa soo jeedinta qorshaha wada-hadalka, kuwaas oo u asteeyay in ay ka socdaan dalka Turkiga oo goob joog keliya ka ah iyo inuu wixii ay u baahdaan dhinaca farsamada ka caawiyo.

In kasta oo ay jiraan  qaar ka mid ah siyaasiyiinta dhinaca Somaliland  oo ka digaya, ama ka shakiqaba dhexdhexaadnimada dalka Turkiga, taas oo ay u daliishanyaan  waxyaabo la xidhiidha taariikhda dalkaa iyo xaaladihiisa siyaasadeed, balse dooda sidaa ah ayaa u muuqata mid aan ku taagnayn dhidibo adag, maadaama aanay xukuumadda Somaliland iyo Ergada ay u wakiilatay wada hadaladu aanay muujin wax cabasho ah oo la xidhiidha dhexdhexaadnimada dawlada Turkiga  iyo doorka uu ku leeyahay wada hadalka labada dhinac oo aan cadayn, balse wasiirka Arrimaha debeda Somaliland carabka ku dhiftay in la cadeeyo hada wixii ka danbeeya doorka dawlda Turkiga ee wada hadalada labada dhinac.

Marka  si guud loo eego wada-hadalada iyo marxaladihii ay soo mareen, waxa muuqata in dhinaca Somalia ay wadahadalu kusoo beegmaan xili kala guur ah oo dawlada Somalia ee aan cagaha adag ku taagnayn isbedelo ku imanayeen, tusaale ahaan ilaa 2012 ee beesha caalamku ku baaqday wada-hadalkaa waxa dhamaad ahaa mudadii dawlada Sheekh Shariif, waqtigana waxay kusoo beegmeen xili dawladii hore baarlamaanka Somalia kala noqday kalsoonidii kadibna dawlad cusub lasoo dhisay, taas oo muujinay in dhinaca dawlada Somalia isbedelada siyaasadeed ee ka dhacaya carqalad dhinaca fulinta go’aamada iyo heshiishyada kasoo baxa wada-hadala beesha caalamku jeexday ku yeeshaan.

Dhinaca Somaliland wada-hadalada waxa wada xukuumaddii horseedka u ahayd oo furtay albaab siyaasadeed oo guul u horseedikara qadiyada madax-banaanida Somaliland iyo aqoonsiga ay beesha caalamka ka raadinaysay dhawr iyo labaatanka sanadood, waxayna u muuqataa in waqtigan xaadirka ah si weyn ay wax isaga bedeleen dedaalka ay Somaliland ku doonayso in ay qadiyadeeda qaangaadhay dhacsiiso beesha caalamka, isla markaana walaalohooda Somalia garwaaqsadaan rabitaanka shacbiga Somaliland oo ay ugu danbaynta noqdaan laba dal oo go’aan ka gaadha mustaqbalka iyo xidhiidhkoodu nooca oo nooqonayo.

Xiligan wada-hadalada u danbeeyay dhinaca Somaliland waxa hogaaminayay wasiirka Arrimaha debeda Somaliland iyo Iskaashiga caalamiga ah Maxamed Biixi Yoonis oo ku cusub saaxada siyaasada Somaliland, balse miisaan weyn leh marka loo eego arrimaha wada-hadalada noocan oo kale iyo qaabka loo waajahayo.

Si kastaba ha ahaatee waxa muuqata in wada-hadalada Somaliland iyo Somalia ee bilawga ah oo maraya wareegii shanaad ay  dhinaca Somaliland usoo hooyeen guul siyaasadeed oo horseed u noqon karta in la gaadho ujeedada iyo bartilmaameedka yoolka wada-hadalka oo Bulshada Somaliland ku rajaweyntahay in laga soo hooyo guul midha dhal ah.

By. Arraale M Jaama Freelance  Journalist and Human Rights activist.
jaamac132@gmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By Arraale M. Jama

Araweelo News Network is a Associated Online Agencies established and operated by Somali senior journalists Arraale M. Jama, Araweelo News Network is a one of the most popular Somali Media Online, created by the one of the senior Journalist and human rights activist Arraale Mohamoud Jama 2010. Araweelonews is an independent non-profit and is not affiliated with any political party or group. Its mission is to inform and to educate people of Somaliand and Somali community democracy, Human rights issue, Health $ Education and awareness. Editor-in-Chief, Arraale M. Jaama Freelance Journalist and Human Rights Activist. Contact E-mail; Info@araweelonews.com jaamac132@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *