Hargeysa(ANN)Fadhi aan caadi ahayn oo loogu baaqay Golaha Dhexe ee Xisbiga tallada haya ee KULMIYE ayaa la filayaa in maalinta  Axada ee beri uu ka dhaco  Huteelka Maansoor ee Magaalada Hargeysa, kaas oo ka dhashay soo jeedin

Madaxweynaha Somaliland  Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) usoo jeediyay Hoggaanka xisbiga inay shirweynaha dib u dhigaan illaa 25-ka bisha December ee dabo-yaaqada sanadkan.

Qorshaha Fadhiga ayaa hore loogu heshiiyay in lagu sharciyeeyo dib u dhigista shirweynaha Xisbiga, taas oo muran iyo khilaaf soo noq noqday mudooyinkii u danbeeyay ka taagnaa, balse waxa soo baxaya cabsi laga qabo in qorshihii ajandaha fadhigaa aan caadiga ahayn ee heshiiska ay dhinacyadu ku ahaayeen wax iska bedelaan, taas oo qayb ka ah loolanka u dhexeeya kooxda awooda badan ee wadaadada doonaya inay la wareegaan hogaanka Xisbiga iyo Kornaylada mudada dheer usoo samrayay hogaaminta xisbiga iyo ka midha dhalintiisa.

Kulamo gooni gooni ah oo labada dhinac mid walba gaarkooda u lahaayeen ayaa socday ilaa xalay ilaa maanta, kuwaas oo qayb  ka ah loolanka labada dhinac, waxayna xoggo la xidhiidha arrimahaa oo shebekadda wararka ee araweelonews heshay tibaaxayaan in laysu ciidan urursanayo oo koox waliba dhinaceeda ugu jirto kaanbayn sidii ay isaga waabin lahayd haddii wax iska bedelaan qorshaha u qarsoon iyo wixii heshiiska lagu ahaa.
Tibaaxa shebekada araweelonews heshay ayaa sheegaya in dareen shaki ka dhashay kulamo hoose oo ay yeesheen Kooxda wasiiradda wadaadada awooda badan ee doonaysa inay hogaanka u qabtaan xisbiga oo taageero ka helaya xubno ku jira hogaanka xisbiga,isla markaana isticmaalaya dhaqaale badan kuwaas oo doonaya inay wax ka bedelaan qodobadii lagu heshiiyay ee sharciyaynta shirka Desemer loo balamay, isla markaana doonaya in madasha lasoo dhigo qodob hogaan cusub loogu dooranayo xisbiga, kaas oo ah midka ay ku taamayeen meel marintiisa ee loolanka ugu weyni ka taagnaa.

Kooxda ayaa qorshaynay in Wasiirka Maaliyadda Sh. C/ casiis Samaale loo doorto gudoomiyaha Xisbiga, isagaa markaa ka dib iska casli doona xilka Wasiirka maaliyada haddii ay kooxdiisa ku guukaysato meel marinta qorshaha u qarsoon.

Xoggaha laga helay kooxdaa ayaa tibaaxaya in ay si ajandaha qodobkaa aan looga sasin shaxdooda ku darsaday qodob odhanaya waa in mudada xilka hogaanka la kordhiyo oo la cusboonaysiiyo, maadaama  mudada xilkoodu kaga dhantahay  31March, soo jeedintaa oo fududaynay in shirka lugu fushado qorshaha qarsoon ee kooxdaa.

Hase yeeshee Hogaanka Xisbiga Kornaylada ayaa dhinacooda doonaya inay u babac dhigaan qorshe kasta oo ay kusoo hujuumaan kooxda wasiiradda xukuumadda ee wadadaada doonaya inay daaqada ka saaraan hogaanka xisbiga Kulmiye, waxayna xoggo shebekadda Araweelonews heshay sheegayaan inay dhinacooda kulamo iyo kaanabyn ku jireen hogaanka xisbigu 24 saacadood ee u danbeeyay, iyagoo doonaya inay ka taxadiraan in madasha la keeno wax ka baxsan qodobadii heshiiska lagu ahaa ee loo balamay meel marintooda iyo in laga ansixiyo shirkaa.

Ilaa hada si cad looma ogga in qodobka mudada hogaanka dib lagaga daray ajandaha iyo inuu yahay qorshahaasi mid hoosta lagu haystay. sidoo kale lama ogga in kooxda wasiiradda qorshahaa wata uu raali kaga yahay Madaxweyne Siilaanyo iyo in kale, balse waxa la ogyahay in ay kalsooni badan ka haystaan Madaxweynaha.

Dhinaca kale tibaaxaha arrimahaa la xidhiidha ayaa sheegaya in haddii uu meel maro qorshaha inqilaabka wasiiradda uu hogaaminayo C/ casiis Samaale xilkiisa Wasiirka Maaliyadda loo magcaabayo wasiir dawlaha hada ee wasaaradda Caddaani iyadoo sidoo kalena markaa kadib xil wasiir loo magcaabi doono Ismaaciil Aadan Cismaan Wasiirkii hore ee arrimaha gudaha xukuumaddii Daahir Rayaale, kaas oo aad u dhow xayndaabka xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, isla markaana ay suurta gal tahay inuu xulufo la yahay kooxda wadaadada awooda badan oo mayalka u haya xukuumadda Siilaanyo.

si kastaba ha ahaatee waxa jira dareen siyaasadeed oo la xidhiidha cabsi laga qabo in shirka ay hadheeyaan muran iyo gacan ka hadal haddii wax iska bedelaan wixii ay labada dhinac heshiiska ku ahaayeen, balse waxa la eegayaa sida ay wax u dhacaan iyo habka Madaxweyne Siilaanyo u maareeyo saacadaha soo socda arrimahaa iyo loolanka ka dhex aloosan labada kooxood ee wadaada iyo Kornaylada.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *