Hargeysa(Araweelo News Network) Wasiirkii hore ee maaliyadda Eng. Maxamed Xaashi Cilmi, ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay caddaalad-daro uu sheegay in

 

ay hadhaysay Maxkamaddaha Somaliland. Sidoo kale waxa uu sheegay inuu jiro boob lagu hayo hantida maguurtada ah iyo dhulka danta guud, wuxuuna xusay in ay ka mid yihiin astaamahaasi kuwa burburiya xukunkasta oo digtaytarnimo ku shaqeeya.

Eng. Maxamed Xaashi, wuxuu sidaa ka sheegay hadal uu ka jeediyey xaflad loo sameeyey taageerayaal ku biiray xisbiga UCID, wuxuuna isagoo arrimahaa ka hadlaya yidhi, “Annigu waxaan qabaa baahida u weyn ee dalkani qabaa inay tahay caddaalad, baahi caddaaladdeed ayuu dalkani qabaa. Caddaaladdu waa ta nabadgelyada dhalisa, nabadgalyo iyo horumarna lama gaadho haddii aan caddaalladi jirin, horumarna la gaadhi maayo burburna laga baaqsan maayo haddii aan caddaalad jirin. Nin kasta oo digdaytar ah oo wax is mooda caddaalad-darada ayuun baa rida, aakhirkana waxa uu ku dambeeyaa baaba’ iyo burbur. Caddaalad-darrada Maxkamadaha iyo sida xaalku yahay waa mid aan loo dulqaadan karin. Madaxda xisbiga UCID waxaan u soo jeedinayaa inay iska ilaaliyaan ballanqaad aanay fulinayn,” ayuu yidhi Maxamed Xaashi Cilmi.

Waxa kaloo uu tilmaamay in kala sarayn dhinaca dhaqaalaha iyo hantida ah ka jirto Somaliland, dalkana labada dabaqadood ka samaysmeen, wuxuuna isagoo arrintaa sharaxaya yidhi, “Waxaynu u qaybsanay laba dabaqadood oo dhinaca dhaqaalaha ah. Midi waa dabaqad iskugu faanta intaas oo milyan ayaan haystaa iyo mid kale oo ah dabaqad aan dabka loo shidin, waanad ogtihiin oo dhallinyarada waxa haysta shaqo la’aan ballaadhan, waxaanay u baahan yihiin shaqo-abuur. Hooyada laga nixinayo ee la dhegaysiinayo ilamaheedii oo la jidh-dilayo maaha wax la dhayalsan karo, cid ka hadlaya oo xukuumada ah oo leh waxaas ayaan dhallinyarada u qabanaynaana ma jirto, waana nasiib-darooyinka jira ee dalka haysta.”

Eng. Maxamed Xaashi Cilmi, ayaa sidoo kale sheegay in boolida iyo boobka hantida ummadda la xalaashaday, waxaannu yidhi; “Nabadgalyada iyo caddaalladu waa lagama maarmaan, horumarkuna waa la mid. Haddii aad immika u fiirsataan inta wasiir guri dhisanaysa ama xildhibaan guri dhisanaysa waad arkaysaan inay innagu bilaabantay booli qaran oo la boobayo daarihii, dhulkii iyo wixii ummaddu lahayd, waana astaan xun oo dalkani aannu istaahilin. Dagaal iyo burbur ayeynu ka soo kabanay, waxaanay ahayd in shillin kasta oo aynu helno meel la galino. Busaarad inama hayso, dalkuna wuu innagu filan yahay haddii si wanaagsan wax loo qaybinayo.”

Sidoo kale waxa uu ka hadlay arrimaha doorashooyinka aan weli la cayimin iyo qaabka loo maamulo miisaaniyadda dalka, wuxuuna tilmaamay in miisaaniyadda loo qoondeeyo wasaaradda wax-soo-saarka ee dawladdu aad u kooban tahay, isagoo yidhi, “Miisaaniyada marka la qaybinayo wasaaradaha wax-soo-saarka leh ayey tahay in loo badiyo miisaaniyadda si ay wax-soo-saar u sameeyaan, mana dhici karto in 3% la siiyo beeraha, caafimaadka la siiyo 4%, tacliinta la siiyo 8%, waana wax aan waxba loogu qaban karin.”

Wasiirkii hore ee maaliyadda ayaa sidoo kale xusay in aanay xukuumadda madaxweyne Siilaanyo u muuqan inay dalka ka qabato doorashooyin xor iyo xallaal ah, isagoo tilmaamay in aan warbaahinta dawladdu maamusho laga oggolayn in siyaasiyiinta mucaaridka ah ka hadlaan, balse taas beddelkeeda laga caayo, lagana dhaleeceeyo masuuliyiinta mucaaridka ah.

Araweelo News Network
Somaliland Office
info@araweelonews.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *