ebolavirusAddi s-ababa(ANN) Firxadka Cudurka Ebola, ayaa markii u horaysay lagu arkay Dalka Ethiopia. Kadib markii qof aan magaciisa la shaacin oo ah Dublamaasi u dhashay

asal ahaan dalalka Galbeedka Afrika ee cudurku ku faafay lagu arkay xumadda Ebola, kaas oo la geeyay Cusbitaalka guud ee Addis-abab Saint Yared General Hospital.

Sidoo kale 3 qof oo la rumaysan yahay in ay qabaan Cudurka Ebola, ayaa lagu arkay Cusbitaalka Black lion hospital, balse shaqaalaha Cusbitaalada iyo dhakhaatiirta ka hawlgala, ayaa ka gaabsaday in ay jawaabo ka bixiyaan dadka looga shakiyay in qabaan Cudurka Ebola ee lagu arkay Cusbitaaladdaa.

Dhinaca kale Xukuumadda Dalka Ethiopia, ayaa ku gacansaydhay in ay jaaabo waafiya ka bixiso jiritaanka cudurkaa oo lagu arkay dalkeeda, waxayna dawlada Ethiopia hore ugu gacansaydhay warar Bilihii August iyo September ee lasoo dhaafay sheegayay in lagu arkay dalkeeda astaamaha dad qaba cudurka Ebola.

Wasiirka Caafimaadka Dalka Ethiopia Keseteberhan Admassu (MD), ayaa sheegay in in cudurka Ebola in aanu khatar ku ahayn Ethiopia. Sidaa awgeed aanay joojinayn diyaaradaha ka imanaya Galbeedka Afrika, balse waxa uu sheegay taa bedelkeeda in Dawladu masuul ka tahay in ay dalka ka ilaaliso cudurkaa.

Dawada Ethiopia, waxay ka mid tahay Dalalka Bariga Afrika ee gacansiga ugu badan la lahaa dalalka Galbeedka Afrika ee Cudurka Ebola ka dilaacay, waxayna Diyaaradeheedu weli sii wadaan duulimaadyo badan oo dhinaca galbeedka Afrika ah.

Cudurka Ebola oo dhawrkii bilood u danbeeyay dhibaato ku hayay dalalka Galbeedka Afrika, isla markaana sababay dhimashada kumanaan qof, ayaa dhawrkii todobaad ee u danbeeyay u tahriibay dhinaca Qaaradaha Yurub iyo Ameerika. Kadib markii uu ka talaabay Baddaha Pacific Ocean iyo Mediterranean.

Dalka Spain ayaa lagu arkay qofkii u horeeyay ee Cudurka Ebola, kadib Haweenay ka mid ah hawlwadeenada Caafimaadka oo lagu magcaabo Teresa Romero oo 44 jir ah, waxay ka mid ahayd koox mutadawaciin ah oo dalalka Galbeedka Afrika u tegey si ay u caawiyaan dhakhaatiir u dhashay Dalka Spain oo cudurka Ebola haleelay, iyagoo ku guda jira caawimo dhinaca Caafimaadka ah oo ay u fidinayeen kumanaan dad ah oo Cudurkaasi ku haleeyay Dalalka Galbeedka Afrika.

Toban Maalmood ka hor ayay Haweenaydan ku tagtay dalkeeda fasax, balse waxa haleelayay Cudurkaa oo ay u geeriyiitay, waxaana laga cabsi qabaa 6 qof oo uu ka mid yahay ninkeedu iyo ilaa 50 qof oo ka mid ah shaqaalaha Cusbitaalka Carlos 111 Hospital , kuwaas oo baadhitaano lagu wado, kadib markii looga shakiyay cudurka Ebola.

Raysal wasaaraha Dalka Spain Mariano Rajoy, ayaa sheegay in Cudurka Ebola uu yahay khatar weyn oo soo waajahday dunida, wuxuuna isagoo xidhan Galoofis, isla markaana wata gadhigiisa maanta Jimcihii booqday Cusbitaalka Madrid hospital, wuxuuna xusay in cudurkaa oo dalalka galbeedka Afrika ku dilay in ka badan 4, 000( Afar kun) oo qof, hadda u muuqdo mid usoo talaabay Dalalka Yurub.

Dalalka Woqooyiga iyo koonfurta Qaarada Ameerika iyo sidoo kale Dalka Australia, ayaa sidan oo kale lagu arkay Cudurka Ebola markii u horaysay, kaas oo u muuqda inuu hadda si tahriib ah uga taalabay Baddaha Pacific Ocean iyo Mediterranean iyo Atlantic Ocean, balse wararkii u danbeeyay ee dhinaca dalka Ethiopia ee lagu arkay cudurkaa, ayaa muujinaya inuu jiro firxad soo galay dhinaca bariga Afrika oo Virus-ka Ebola.

Araweelo News Network
Somaliland Office
info@araweelonews.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By Arraale M. Jama

Araweelo News Network is a Associated Online Agencies established and operated by Somali senior journalists Arraale M. Jama, Araweelo News Network is a one of the most popular Somali Media Online, created by the one of the senior Journalist and human rights activist Arraale Mohamoud Jama 2010. Araweelonews is an independent non-profit and is not affiliated with any political party or group. Its mission is to inform and to educate people of Somaliand and Somali community democracy, Human rights issue, Health $ Education and awareness. Editor-in-Chief, Arraale M. Jaama Freelance Journalist and Human Rights Activist. Contact E-mail; Info@araweelonews.com jaamac132@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *