somalimemo.netNew york(ANN)Duufaano waaweyn ayaa hafiyay Dalka mareykanka, kuwaas  oo saameyn ku yeeshay nolosha shacabka mareykanka. kadib markii ay duufaanka iyo dabaylaha xawaaraha ku soconayaa maalmo ka hor waxyeelo ka geysteen dalalka Cuba iyo Haiti.

Duufaanka ayaa  shalay Subixii iyo Caawa sii socota, ayaa sababay cabsi weyn,  waxaana  ka qaxay guryohooda  In ka badan 700.000 oo Qoys, kuwaas  oo ka  hayaamay Aqaladoodii,  iyadoo ay dadkaasi u qaxeen  Gobolo kale oo fog fog. sidoo kale   Dad lagu qiyaasay 54, Million oo American ah, ayaa laga cabsi qabaa inay ka qaxaan Magaalooyinka laga dhibaatadu iyo masiibooyinka duufaantu haleeshay, kuwaas oo ay ka mid yihiin  Caasimadda Maraykanka Washington DC, Newyork Iyo Philadelphia iyo Waliba Gobolada Bariga xiga ee Wabiga Michigan iyo Badda Ocean ay maraan, sida Maryland, Boston Atlanta.
somalimemo.net
Duufaanta (Hurricane Sandy), waxay inta badan   siddaa Biyo aad u xoog badan, Meelaha ugu daran ee laga Qaxay waa South Carolina iyo Cape May oo ka tirsan New Jersey una jirta magaalada New York City 200 oo KM. Shaqaalaha Dawlada iyo Caruurtii Iskuulaadka magaalooyiinka Washington iyo Philadelphia ayaa gebi ahaanba la fasaxay.

Wadooyinka ugu caansan dalka Mareeykanka ee isku xidha Gobolada dalkaas waa Buundooyinka lagu magacaabo Holland iyo Brooklyn-Battery waxayna xidhan yihiin maalintii labaad. Magaalada Newyork iyo Washington DC. Waxaa la xidhay dhammaan Gaadiidkii Dadweynuhu raaci jiray, sida  Basaska  iyo Tareennada, waxaana Xaafadaha Wabiyada iyo Badaha u dhow laga qaxiyey Dadweynihii ku noolaa.
In ka badan 7.400 oo duulimaadyo Diyaarado ka imaan lahaa dunida oo dhan iyo kuwii ka duuli lahaa dalka Maraykanka ayaa ilaa amar dambe dib loo dhigay. Xawaararaha Duufaanta Hurricane Sandy ayaa lagu qiyaasay  inay saacadii  ku socon karto 44-Km.
somalimemo.net
Waxaa ka socda dalka Maraykanka isku gurmasho, waa Gobalka Minnesota laga diray, Boqolaal ciidamada la dagaalama Dabka  kadib markii  dab kadhashay Korontada oo Biyaha dhexgashay, taas oo laga cabsi qabo inay sababto halis ah in Biyuhu noqdaan Koronto Dadka ku dhagta. Waxaa Xaafado badan laga jaray Laydhka baqdin laga qabo in Dab kadhasho,  ama Biyaha la isticmaalayo ay Koronto isku badalaan iyo kuwa lagu dhex soconayo.

Duqa magaalada New York ayaa iclaamiyay in lakala diray shaqaalaha xarunta Q.Midoobe sidoo kale wuxuu sheegay in qeybo badan oo magaalada katirsan ay ka jarmeen korontadii iyo biyihii kadib markii ay duufaantu ciladaysay adeegyadaasi, isla markaana laga baqay in khasaare intaa ka badan ka dhasho.

Magaalooyinka waaweyn ee dalka mareykanka, ayaa isu bedelay Bad, iyadoo ay kusoo caaryeen magaalooyinka Maraakiibta Bada maraysay iyo kuwo ku xidhnaa marsooyinka magaalooyinka qaarkood. sidoo kale waxa guryaha iyo shaaracyada Biyihu ka dhigeen bada lagu arkayaa  libaax badeed ay duufaantu soo qaaday oo wadooyinka yaal, waxaana suurta gal noqon weyday in dab damisku adeegsadaan baabuurta dab damiska, taas oo ku khasabtay inay doonyo ku dhexmaraan biyaha iyo dabka is haysta.
Warbaahinta aduunka ayaa qaarkood soo bandhigeen sawiro iyo muuqaalo muujinaya dabka holcaya iyo roobka dusha ka haya ee aan baqtiinayan dabka, taas oo la yaab noqotay.  waxaana jira burbur iyo khasaare  xoogan oo ka dhashay masiibadaa, kaas oo 27 sanadood kadib dhaqaalaha mareykanka ku habsaday.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *