Donal Pyne

Donal Pyne
Washington Arbacadii 24kii March waxa ka dhacay Congress-ka Maraykanka shir ay Guddi Hosaadka Arrimaha Dibedda ee Congress-ka ka yeelatay Siyaasadda Xukuumadda Maraykanaka ee Afrika (An Overview of US Policy on Africa ). doodaa waxa ka qaybqaatay Xoghayaha qaabilsan Afrika, Johnnie Carson iyo Earl Gas too ah Xoghayaha Maamulaha USAID iyo madax kale.

Hordhacii shirkaa oo Guddoomiye Donald Payne kaga hadlay ujeedada uu u qabtay shirkan dhagaysiga ah ayuu ku soo hadal qaaday inay ujeedadiisu tahay in Congress-ka wax ka ogaato siyaasadda Obama ee ku waajihan Afrika. Wuxuu ku nuuxnuusaday in ay Afrika oo hore u ahaan jirtay meel aan xukuumaddaha Maraykanku danayn inay maanta noqotay qaarad la aaminsan yahay inay leedahay istraatijyad balaadhan u leh dalka Maraykanka (dhaqaale iyo difaacba).

Wuxuu Donald Payne halkaa ka sheegay in “la wada ogsoon yahay dareenkiisa ku saabsan dalalka Nigeria, Sudan iyo Somalia, sidaa daraadeed waxaan ku soo koobaya hadalkayga saddex DAL (countries) oo kale oo ah Ethiopia, Somaliland iyo Djibouti”
Wuxuu ka dayriyey siyaasadda si xumaanaysa ee Ethiopia isaga oo soo hadal qaaday isku day ay Ethiopia samaysay inay joojiso (jam-garayso) barnaamijka Af-Axmaariga ee VOA oo uu Meles Zenawi ku tilmaamay idaacadaa Marykanka idaacadii Hutu-ga ee Radio Milles Collines. Wuxuu kale oo soo hadal qaaday in ka warwarsan yahay xaalada ay ku sugan tahay Ms Birkutun oo ku jirta xabsi oo uu sheegay inuu hore guddidiisu hore ula kulantay.

Dhinaca Somaliland wuxuu iyadana ka dayriyey sababta ay dawladda Somaliland gacanta ugu gelisay Ethiopia gabadh la yidhaado Bisharo oo ahayd qaxooti diwaangashan. Wuxuu yidhi “waxaan ka warqabnaa inay Washington ku sugan yahay wefti balaadhan oo ka socda Somaliland waxaanan rajaynayaa inaan halkan ka maqlo waxay xukuumadda ka qabto guud ahaan dalka Somaliland iyo khaas ahaana kiiska gabadhan”

“waxa kale oo aan ka warwarsanahay inaanay jirin mucaawino horumarineed oo aynu siino dalka Djibouti oo ah dal aad uga shaqaysa nabadaynta geeska afrika”

Dhinaca kale, Waxa shalay saacadu markay ahayd 11kii subaxnimo magaalo madaxda Maraykanka ee Washington DC kulan ku yeeshay, Xildhibaan Donald Payne, oo ah gudoomiyaha gudida Africa u qaabilsan ee barlamaanka Maraykanka, iyo xubno ka kala socda Jaaliyada Somaliland ee Washington DC iyo Jaaliyada Columbus Ohio. Kulankanu wuxu u dhacay si waji furan, waxaana laysku afgartay in Somaliland laga caawiyo dhinaca dhaqaalaha iyo nabadgelyada, isla markaana dadaal dheeraada la sooro sidii doorashada madaxwaynaha Somaliland ugu dhici lahayd sida ugu dhakhsaha badan.

Kulankaas xildhibaan Payne wuxu ku tilmaamay inuu muddo dheer Somaliland arimaheeda iyo horumarkeeda ka shaqaynayay, imikana uu diyaar u yahay inuu ka caawiyo dhinacyo badan. Ergada Jaaliyada Somalilandna waxay xildhibaan Payne ugu mahadnaqeen fursada uu siiyay inuu kula kulmo isaga oo ku dhex jira xaalada siyaasadeed ee barlamaanka Maraykanka oo xasaasiya wakhtigan xaadirka ah, waxaanay ka dalbadeen Xildhibaan Payne inuu ku dadaalo sidii Somaliland loogu samayn lahaa ilo dhaqaale oo shaqo u sameeya dhalinyarada Somaliland .

Waxa kulankanu uu ku soo beegmay iyada oo ay magaalada Washington ku sugan yihiin wafti balaadhan oo ka socota xukuumada Somaliland iyo labada gole ee barlamaanka iyo guurtida. Waftigaas oo kulamo la yeeshay Wasaarada arrimaha dibada ee dawlada Maraykanka laakiin aan wax kulan ah la yeelan cid ka socota barlamaanka Maraykanka.

Xubnaha Jaaliyada Somaliland ee kulanka ka qayb galay waxay kala ahaayeen:

(1) Xaashi Ismaaciil (2) Mahdi Gaboose (3) Ibraahin Raage
(4) Yusuf Cawaale  (5)Abdi Muuse Khaalid (6) Ali Ahmed Yusuf
(7) Abdiqani Ibrahim (8) Abdirahman Ibrahim (9) Yaasin Mire.

 

 

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *