Jilib(ANN)Laba diyaaradood oo kuwa dagaalka ah ayaa maanta duqayn dhinaca cirka ah ku qaaday duleedka magaalada Jilib ee koonfurta Somalia, weerarka ayaa keenay khasaare dhimasho iyo dhaawac ah.  Qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa warbaahinta u sheegay in duqeynta diyaaradaha

 

oo lala beegsaday dad maato ah oo raashin loo qaybinayay ay sababtay inay ku nafwaayaan weerarkaa ku dhowaad 20 qof, halka tirada dadka  dhaawaca uu gaadhay 50 qof, kuwaas oo dhaawacooda loo qaaday dhinaca magaalada mareeray oo dhinaca galbeed kaga beegan Jilib, iyadoo cusbitaalka ku yaala mareeray oo ay gacanta ku hayso  Hay’adda MSF Holland.
Masuul u hadlay xarakada Al-shabaab ee ka taliya Jubooyinka iyo inta baddan Koonfurta Somalia ayaa sheegay inay  Diyaaradaha dagaalka Dalka Kenya oo weerarka fuliyay xasuuq u geysteen dad shacab ah oo maato ah, kuwaas oo sida uu sheegay raashin loo qaybinayay waqtigaa weerarka lagu fuliyay, isla markaana kasoo qaxay meelo kale.
Af-hayeen u hadlay Milateriga Kenya ayaa sheegay inay weerarka ku qaadeen fadhiisin uu sheegay inay Al-shabaab deegaanka Jilib, wuxuuna ku dooday inay dadkii weerarkaa ku dhintay iyo kuwa ku dhaawacmayba ay ahaayeen al-shabaab. Laakiin Sarkaal u hadlay xarakada Al-shabaab ayaa sheegay in aanay waxba ka jirin in weerarka lala doonayay fadhiisin ay ciidamadoodu ku lahaayeen goobtaa, balse uu ahaa mid si badheedh ah dadkaa maatada ah loola beegsaday, isagoo ku dooday in haddii ay ciidamada Kenya doonayaan al-shabaab ay isku hor fadhiyaan xadka oo ciidamadoodu isu muuqdaan.
Xildhibaan Maxamed Cumar Geedi ayaa Idaacada BBc-da u sheegay in la weeraray Saldhig ay Al-shabaab halkaa ku lahaayeen, basle ay ka baxeen meeshii. Kadibna ay diyaaraduhu duqeeyeen xeradaa qoxootiga, wuxuuna sheegay in khasaare dhimasho iyo dhaawacba ah uu gaadhay dadkaa qoxootiga ah eek u sugnaa halkaa, taas oo uu ku tilmaamay mid foolxun oo mashaqo ah.
Weerarka diyaaradaha dagaalka ee Kenya ka fuliyaan Somalia ayaa ah  kii labaad ee ay todobaadkan ka fuliyaan Jubooyinka, iyagoo maalmhii lasoo dhaafay weerar sidan oo kale ah oo dhinaca cirka ah ku qaaday duleedka magaalada Kismaanyo ee dekeda ah.
Ciidamada Kenya ayaa badhtamihii bishan soo galay gudaha Somalia, iyagoo ku doodaya inay ugaadhsanayaan Al-shabaab, balse kooxda Al-shabaab ayaa ku balanqaaday inay weeraro qaraxyo ah ka fulinayaan Nairobi haddii aanay Kenya ciidmadeeda kala bixin Somalia, waxayna todobaadkan ka fuliyeen gudaha narirobi dhawr qarax oo khasaare geystay.
Dawlada Kenya waxay ku sheegtay gelitaanka ciidamadeeda Somalia inay ogolaansho ka haysato dawladda taagta daran ee Somalia, balse masuuliyiinta dawladda ayaa ku kala qaybsamay arrintaa. Kadib markii madaxweyne Shariif ganafka ku dhuftay talaabada Milateri ee Kenya, halka raysal wasaare cabdi weli ku dooday inay talaabada dawladda Kenya tahay mid loo baahanyahay.
Dhinaca kale raysal wasaaraha dawladda taagta daran ee Somalia iyo wefdi uu hogaaminayo ayaa maanta u duulay dalka Kenya, isagoo socdaalka ku sheegay mid ay dawladda Kenya kaga wada hadlayaan faragelinta ciidamada Kenya ee Somalia oo muran ka dhex abuurtay masuuliyiinta sare ee dawladda taagta daran.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *