London (ANN/Tehran Times)- Diblomaasi muddo dheer ku dhex jiray siyaasadda wadanka Ingiriiska, isla markaana hadda ka mid ah dadka ugu horreeya ee u ololeeya xuquuqda bani’aadamka oo lagu magacaabo Mr. Peter Tatchel, ayaa daboolka ka qaaday in dalalka Jarmalka iyo Sweden oo ku

yaal qaaradda Yurub ay xilligan ku sii dhawaanayaan sidii ay aqoonsi diblomaasiyadeed ugu fidin lahaayeen Jamhuuriyadda Somaliland.

Diblomaasigan u dhashan Ingiriiska oo ilaa 1981 ku dhex jiray siyaasadda, kana tirsan xisbiga Liberel-ka, ayaa maqaal uu ku baahiyey shalay wargeyska Tehran Times ku sheegay in waddamada Sweden iyo Jarmalku ku sii dhawaanayaan aqoonsi diblomaasiyadeed oo ay u fidiyaan Somaliland, balse waxa uu xusay in Ingiriisku aannu weli arrintaasi u dhaqaaqin, isagoo sheegay in Somaliland laga horjoogsaday inay ku biirto ururka Barwaaqo-sooranka, tallaabadaas oo uu ku tilmaamay mid bixinaysa farriin khaldan.

“Dawladaha Jarlamka iyo Sweden ayaa ku soo dhawaanaya inay Somaliland u fidiyaan aqoonsi diblomaasiyadeed, balse Ingiriisku arrintaasi kuma jiro. Somaliland waxay doonaysay inay ku biirto ururka Barwaaqo-sooranka, laakiin ilaa hadda waa loo diidan yahay, arrintaasi oo bixinaysa farriin khaldan.

Waxa loo baahan yahay in Ingiriisku mawqifkiisa beddelo, waanna in aynu dabada ka riixno sidii Ururka Barwaaqo-sooranka (Commonwealh) iyo Midowga Yurub ugu aqoonsan lahaayeen Somaliland inay tahay waddan madaxbannaan, waana in laga ololeeyo Midowga Afrika, Ururka Jaamacadda Carabta iyo Qaramada Midoobay sidii loo aqoonsan lahaa Somaliland.

Kaalmada la kordhiyey ee Ingiriiska iyo Midowga Yurub u fidiyaan Somaliland, waxay qaadan doontaa muddo badan sidii loo kaabi lahaa dhaqaalaha Somaliland, isla markaana wax looga qaban lahaa faqiirnimada, shaqo la’aanta, daryeelka caafimaadka, waxbarashadda iyo guriyeynta, sidii arrinta Somaliland wax looga qaban lahaana adigay ayey kuu taal ra’iisal-wasaaraha Ingiriiskoow Mr. Gordon Brown,” ayuu siyaasiga Ingiriiska ah ku yidhi qoraalkiisa.

Mr. Peter Tatchell waxa uu qoraalkiisa si qoto dheer ugaga hadlay horumarka ballaadhan ee Somaliland ka gaadhay dhinacyada nabadgelyada, dimuqraadiyadda, xoriyadda iyo marxaladihii kala duwanaa ee Somaliland soo martay muddooyinkii kala dambeeyey, isaga oo dhinaca kalena sheegay in Soomaaliya oo Somaliland ka go’day tahay goob dagaalo hoy u noqdeen oo habayaraatee aanu ka jirin wax nidaam iyo kala dambayn ah.

“Somaliland oo dedaalkaas samaysay ilaa hada wax aqoonsi ah kamay helin beesha caalamka, halka Qaramada Midoobay iyo caalamkuba dareenkooda isugu wada geeyeen dagaalada sokeeye ee Soomaaliya ka socda, balse horumarka Somaliland ka gaadhay dhismaha nabadgelyada iyo deganaansha waxa uu noqday mid aan looga mahadniqin, laguna abaalmarin.

Markaa iyada ururka Jaamacadda Carabta iyo Midawga Afrika khiyaamo kula kaceen Somaliland, hadana weli kelideed bay taagan tahay, markaa miyaanay ahayn in la gaadhay xilligii dalalka reer galbeedku Somaliland u fidin lahaayeen aqoonsi, isla markaana ku taageeri lahaayeen horumarka iyo guulaha ay gaadhay?” ayuu hadalkiisa ku soo afmeeray Mr. Peter Tatchell.
Araweelonews MObile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *