guriga Mader houseHargeysa(Araweelo News Network)Maxkamadda Gobolka Hargeysa ayaa dhegeystay markii labaad saka Kiiska Dilkii foosha xumaa ee bishii hore lagu khaarajiyay Marxuumad Ruqiya Siciid Ayaanle oo ahayd Haweenay

 

Ganacsato ah, taas oo maydkeeda laga helay horaantii bishan guri ay deganaayeen qoyska loo haysto dilkaa fooshaxun oo ku yaal bariga magaalada Hargeysa.

Boqolaal Dadweynaha Magaalada Hargeysa ayaa soo buuxdhaafiyay hareeraha Maxkamadda,kuwaas oo qaarkood siteen boodhadh ay ku xardhan yihiin weedho lagu dalbanayo in go’aanka dacwadaa lasoo dedejiyo, isla markaana la waafajiyo cadaaladda, waxana la dhigay wadooyinka soo gala dhismaha Maxakamaddaha ciidamada Booliska Muna Cabdullaahi iyo  Lix qof oo ka mid ah qoyskeeda oo uu ku jiro Ninkeeda iyo laba qof oo kale ayaa  la horkeenay Maxkamadda gobolka Hargeysa, waxaana la dhegeystay markii labaad kiiskaa.

Taliyaha laanta dambi baadhista ee CID-da ayaa Maxkamadda horteeda ka akhriyay baadhitaan dheer oo ay ku sameeyeen kiiskan, waxaanu sheegay in heleen caddaymo muujinaya in gabadha eedaysanaha ah iyo afarta carruurta ah ee dhashay ay fuliyeen dilka Marxuumad Ruqiya Siciid Ayaanle. Dhegaysiga dacwadaasi oo socotay saacado ah.
Maxakamadda ayaa sidoo kale dhegeystay qaar ka mid ah Markhaatiyada kiiska iyo dhinaca kale qareeno u doodayay dadka loo haysto kiiskaa, waxaana dib loogu riixay dhegeysiga kiiskaa maalinta Sabtida fooda inagu soo haysa.
Maydka Marxuumadda ayaa laga helay guriga qoyska loo haysto dilaa kadib markii inta six un loo dilay lagu riday god laga qoday barxada gurigaa oo ay deganaayeen qoyskaasi, waxayna sheekada dilkaasi si weyn uga yaabisay bulshada Somaliland, iyadoo aad loola yaabay qaabka dilkan oo aan noociisu hore uga dhicin Somaliland, isla markaana yahay wax ku cusub bulshada.

Inaksta oo markii labaad Maxkamaddu bilawday dhegeysiga dacwada oo ah mid xaasaasi ah oo si weyn bulshadu ugu dhegtaagayaan, isla markaana aanay Maxkamaddu weli go’aan ka gaadhin dacwada kiiskaa oo dhegeysigeedu marayo markii labaad, haddana waxa jira xoggo la xidhiidha kiiskaa oo sheegaya in ay jiraan dad kiiska saamayn ku leh, ama ay galeen tuhuno la xidhiidha baadhista kiiskaa oo debeda joogaa, kuwaas oo hay’addaha amaanku indhaha ka lalinayaan.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *