Hargeysa (ANN) Masuuliyiinta Xisbiga  UDUB  ayaa galabta markii u horaysay ka hadlay hawshii codbixinta doorashada madaxtooyada ee dalka ka dhacday 26 jun, taas oo ay ku doodeen in goobaha qaar lagaga shubtay codbixintii doorashada. Sidaa awgeed ay xubnaha komishanka qaranka u gudbiyeen cabashooyin iyo dacwado la xidhiidha arrimahaa.

 

 

 

 

 

Sidaana waxay ku sheegeen Shir jaraaid oo ay galabta ku qabteen xarunta xisbiga UDU bee Magaalada hargeysa, kaas oo xogahayaha guud ee xisbiga Jaamac Yaasiin Faarax u akhriyay saxaafada, waxa uu ku xusay cabashadooda, iyadoo ay hawlwadeeno kale goob joog ka haayeen.,

 Sidoo kale  War-saxaafadeedka xisbiga UDUB ee xiligan ayaa u muuqda mid muujinaya wararka sheeagaya inay guuldaro weyni soo waajahday xisbigaa, isla markaana ay isu diyaarinayaan wixii ka danbeeya dhawaaqa natiijada inay noqdaan xisbi mucaarid ah. oo uu ku saxeexanyahay Xoghayaha Guud, , ayaa waxa ka muuqata hanjabaad ay u direen Komishanka Qaranku inay soo saaraan natiijo illaa cabashadooda laysla meel-dhigayo, wuxuuna qoraalka warsaxaafadeedku u qornaa sidan;-

 “Sidaad la wada socotaan Doorasho ayaa dalka ka dhacday, taas oo si nabadgalyo ah inoogu qabsoontay ilaahay baana mahada leh iyo shacbiga S/land. 

 

waxaase jira dhacdooyin badan oo ku xeeran oo ay ka mid tahay ku shubasho caam ah  taas oo ka dhacday gobolada  M.jeex degamadiisa Gabilay gobolka Togdheer qaybtiisa bari iyo buhoodle ,Sanaag dagmooyinka Ceel afweyn iyo Gar’adag gobalka sool degmadiisa caynabo iyo  goobo ka mida degmooyinka caasimada hargaysa 26juun iyo Axmed dhagax.

 

Annaga oo taas ka duulayna, waxaanu u gudbinay dacwadahaa kala duwan  komishanka doorashooyinka qaranka.

Hadaba Waxaanu soo   jeedinaynaa   in sida xeerku  qeexayo  aanay  soo saarin natiijo hor dhac ah ilaa inta wax laga qabanayo dhacdooyinka  aanu kor ku soo sheegnay ee aanu  qoraaka ugu gudbinay komishanka doorashooyinka qaranka.

 

Ugu danbayntii  Waxaanu ka digaynaa oo nuxurka warsaxaafadeed kani yahay  in KDQ aanu soo saarin natiijo hor dhaca ah inta khilaafkaa laga heshiinayo taas oo abuuri karta duruufo siyaasadeed oo horleh iyo mid nabadgalyo xumo keeni karta Wixii  ka yimaadana iyagu masuul ka yihiin.” Ayaa lagu yidhi War-saxaafadeedkan.  

 

Inkasta oo ay saraakiisha UDUB ku andooceen in mucaaridku kaga shubtay doorashadii meelaha qaarkood, hadana mudadii ololuhu socday waxa jirey cambaaraymmo iyo digniino fara badan oo ka imanayay meello kala duwan, gaar ahaan Gudida Anshaxa iyo Ilaalinta Habsami-u-socodka hawlaha Doorashada Madaxtooyadda, kuwaasoo si cad u tilmaamay tallaabooyin ay qaadeen masuulliyiinta xukuumadda iyo xisbiga UDUB oo wada jiraa,  iyagoo si badheedha u adeegsanayay  gaadiidka dawladda, dhaqaalaha ka soo baxa goobaha muhiimka ah sida dekedda Berbera iyo qayb ka mid ah warbaahinta xukuumadda sida telefiishanka qaranka oo si badheedha u baal-maray Xeerkii Anshaxa saxaafadda, islamarkaana ka dhega-adaygay digniino faro badan oo la siiyey mudadii ololuhu socday.

Sidoo kale, intii lagu gudojirey codbixinta doorashada waxa soo ifbaxay faddeexado iyo iskudayo masuulliyiin sar sare oo ka tirsan xisbiga UDUB ay ku damacsanaayeen inay ku carqaladeeyaan goobaha ay codbixintu ka socotay, oo goobaha qaarkood lagu arkay masuulliiyiin xambaarsan malaayiin lacaga oo ay doonayeen inay dadka codka kaga iibsadaan, islamarkaana ciidanka booliska, ayaa si cadaana loogu adeegsaday cabudhinta codbixiyayaasha iyo hawlwadeenada meelo badan. Taasoo sababtay in ciidanka qaranku la wareegaan ilaalinta ammaanka goobaha codbixinta.

 iyadoo aany shaqaalaha dawladu mushahar qaadan muddo saddex billood ah, islamarkaana qaar badan oo ka tirsan shaqaaluhu ay mudadii ololaha inay cabasho ka muujiyeen lacagtoodii, taasoo ay qaar ka mid ahi xuseen in lagu galay ololaha.

Si kastaba ha ahaatee  war-saxaafadeedka ka soo baxay xisbiga UDUB oo lagu soo beegay xili waxyari ka hadhsan yihiin inay komishanka doorashooyinka qaranku soo saaraan natiijada codbixinta doorashada madaxtooyada ayaa u muuqda mid loo fasiran karo inuu durba xisbiga UDUB oo ahaa xisbul xaakimkii ka tilanayay dalka sideedii sanandood ee u danbeeyay  waqtigan isu diyaarinayo inuu noqdo mucaarid, maadaama ay ku andacoonayaan in xisbiga mucaaridka ee Kulmiye kaga shubtay codbixintii doorashada meelaha qaar. Sidaa awgeed aanay komishanku soo saarin natiijada codbixintaa ilaa laga heshiinayo cabashadooda.

Balse waxa suurta gal ah in ujeedada warsaxaafadeedka xisbiga UDUB ee xiligani horseed u yahay qorshayaal qarsoon oo  ka dhan ah nabadgelyada iyo amaanka qaranka, isla markaana la doonayo in lagu abuuro muran, maadaama ay ka muuqdaan weedho loo fasiran karo inay yihiin hanjabaado lagu cabsi gelinayo komishanka guud ee qaranka oo si weyn shacbigu kalsooni  ugu qabaan.

 

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 

Araweelonews Hargeysa Office                  

E-mail; Info@araweelonews.com/ jaamac132@gmail.com/ shalcaw2@hotmail.com

 

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *