gaadiidka dawlada Turkigu 2
Hargeysa(Araweelo News Network)Dawladda Turkiga, ayaa xukuumadda Somaliland ku wareejisay deeq aan buurnayn, balse ay baahi u qabto Somaliland, waxayna deeqda dawlada Turkigu ku caawisay

 

Somaliland oo ah gaadiid isugu jira kuwa gurmadka degdegga ah (Ambalaasyo) iyo basas kala duwan oo hawlaha adeegyada bulshada wax ka taraya.

gaadiidka dawlada Turkigu1
Saraakiil ka socday dalka Turkiga, ayaa Wasiirka Madaxtooyada Somaliland ku wareejiyey maanta gaadiidka gurkadka degdegga ah oo tiradoodu dhan tahay 5 gaadhi, laba Baabuur oo nooca loo yaqaan V8 ah iyo gaadhi bas caasi ah, kuwaasoo lagu soo bandhigay maanta xarunta madaxtooayda.

Goobta lagula kala wareegay gaadiidkaas, waxa ku sugnaa Wasiirka Waxbarashadda marwo Samsam Cabdi Aadan, Wasiirul-dawlaha Madaxtooyada Maxamed Muuse Abees, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Xasan Cabdi Madar, Xoghayah gaarka ah ee Madaxweynaha Cali Axmed Cali iyo Agaasimaha Gaadiidka Madaxtooyada Abshir Xasan Xaashi

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *