DUBAI(ANN)Dawlada Imaraadka carabta ee (UAE), ayaa sheegtay in hogaamiyayaasha qaybaha Soomaalida ee dalkeeda ku kulmay 28 Jun 2012, saxeexeen baaq ay ku cadaynayaan midnimada Ummada Soomaaliyeed. sidaana waxa lagu baahiyay wakaalada wararka ee dalka Imaraadka

 

Carabta oo loo soo gaabiyo WAM.
wakaalada ayaa shegtay inay Madaxweynaha  dawlada ku meelgaadha ah ee TFG Sh. Shariif Axmed iyo Madaxweynaha jamhuuriyada Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ay saxeexeen baaqa dib u heshiisiineed oo lagu cadaynayo wadada iskaashiga dhinacyada Soomaalida.

Wakaalada oo soo xiganaysay  Wasiir Dawlaha Arrimaha debeda ee Imaraadka  Dr.  Anwar Mohammed Gargash oo wadahadalada Somaliland iyo Somalia ee ay dalkiisu martigeliyeen, waxa uu  sheegay inay dalkiisu kaalin mugleh ka cayaarayaan dib u heshiinta Soomaalida, isagoo yidhi, “Saxeexa baaqa hogaamiyayaasha Soomaalidu, wuxuu cadaynayaa midnimada Ummada Soomaaliyeed”
sidoo kale Dr. Anwar, wuxuu sheegay inay garab taagnaayeen saxeexa labada madaxweyne ee Somaliland iyo Somalia, madaxweynayaasha labada maamul ee  Galmudug iyo Puntland, isagoo Wasiir Dawlaha arrimaha debeda ee UAE, sheegay afarta hogaamiye ee Soomaaliyeed ay UAE, ku taageerayso dadka Soomaaliyeed dib u heshiisiinta iyo talaabada hore loo qaaday ee iskaashiga iyo wada xidhiidhka. sidaa awgeed loo baahanayahay inay ka wada shaqeeyaan sidii arrimohooda gudaha iyo kuwa dalkoosa u wada dhamaysan lahaayeen, taas oo  uu ku tilmaamay ta ay xiisaynayaan dadka Soomaalidu.

 

hadalka lagu baahiyay wakaalada wararka ee UAE, ayaa kusoo beegmay wax yar ka dib markii qoraal afar qodob ka kooban ay wadajir usoo wada saareen labada Madaxweyne ee Somaliland iyo Somalia, wuxuuna warkan ay wakaaladu faafisay, ka duwanyahay Dubai statement. iyadoo Wasiir dawlaha laga soo xiggtay warkan uu yahay masuulka dawlada Imaraadka u qaabilsanaa wadahadalada labad dhinac ee Somaliland iyo Somalia.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *