Paris(ANN)Dowladda Faransiiska ayaa si kulul u cambaareysay dilalalka iyo weerarada joogtada ka noqday ee lagu qaado Saxafiyiinta Soomaaliyeed ee ka hawlgala  gudaha dalka Soomaaliya.

Afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Debadda ee dowladda Faransiiska oo lagu Magacaabo Flip Lalio, oo warbaahinta la hadalay kaddib kulan ballaadhan  oo looga hadlayay dhibaatada heysata Saxafiyiinta Adduunka ayaa sheegay in uu aad uga xunyahay weerarkii uu dhaawaca ka soo gaadhay u geeriyooday Alla ha naxariistee Wariye Max’ed Max’uud Tuur Yare oo ka mid ahaa howlwadeena fir- fircoon ee Shabakada Warbaahinta Shabelle iyo sidoo kale Alla ha naxariistee Weriye Marxuum Axmed Saaki Faarax oo ka hawl geli jiray todobaadkan lagu dilay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Mr. Flip Lalio waxa uu tilmaamay in wali aan wax laga qaban dhibaatada sii kordheysa ee lagu waxyeeleynayo dadka waxtarka  u leh  bulshada Soomaaliyeed gaar ahaan Saxafiyiinta u dhabar adeygaya howsha culus ee ay u hayaan Shacabka Soomaaliyeed ee Mudada fog la tiicayay dhibaatooyinka kala duwan.

Hadalka kasoo baxay dowladda Faransiiska ayaa kusoo beegmay xilli kooxo aan haybtooda la aqoonsan oo arxan laawayaal ah ay 21-kii bishaan ku weerareen Allaha Unaxariistee Wariye Max’ed Max’uud Tuuryare kaas oo sababay in dhaawacii ka soo gaaray weerarkaa inuu u geeriyoodo iyo sidoo kale Alla ha naxariistee Weriye Marxuum Axmed Saaki Faarax oo ka hawl geli jiray todobaadkan lagu dilay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *