diyaarada fadhiisatyLaascaanood(Araweelo News Network)Diyaarad kuwa xamuulka qaada ah ayaa fadhiisatay maanta barqadii Madaarka Magaalada Laascaanood oo mudo ku siman dhawr iyo toban sanood aan dhabihiisa

 

diyaarad fadhiisato, waxaana ka dhashay dareen diyaarada iyo waxay siday.
Hase yeeshee Wasaaradda Duulista Hawadda iyo Gadiidka Cirka Somaliland ayaa faahfaahin ka bixisay Diyaarada oo ay sheegeen in ay siday badeecado ganacsi, iyadoo maanta fadhiisatay Madaarka magaalada  Laascaanood oo mudo xidhnaa.
War saxaafadeed oo uu maanta soo saaray Afhayeenka Wasaaradda Duulista Hawada Gaadiidka iyo Cirka  Somaliland Saddaam Maxamed Axmed, ayaa lagu yidhi sidan:-
“ Wasaaradda Duulista Hawadda iyo Gadiidka Cirka  Jamhuuriyada Somaliland waxa ay shaacinaysaa in maanta Madaarka Magaalo madaxda Gobolka Sool ee Laascaanood ay caga dhigatay diyaarad siday Alaabo ganacsi.
Madaarka Laascaanood oo aanay wax Diyaarad ahi adeegsan mudo dheer, sababo la xidhiidha isaga oo aan mudo waxa dayac tir ah lagu samayn, waxa dhawaan dayac tir ku samaysay Wasaaradda Duulista iyo Hawada Somaliland oo la kaashanaysa Ganacsade deegaanka ah, arrintaasi oo suurta galisay inay maanta Madaarka Laascaanood caga dhigato  diyaarad ay leedahay shirkadda Sky ward Airlines.
Diyaaradan oo ka timi  dalka Kenya oo ah nooca loo yaqaan (Fokker 50), ayaa siday Qaad dhan 6 tan (Lix Tan), waxana sida qorshuhu yahay ay Todobaadkii Madaarka imdan doonta muddo laba cisho ah.’ Ayaa lagu yidhi qoraalka Wasaaradda Duulista iyo Hawada Somaliland.
Waxa kale oo lagu xusay in Wasaaradda Duulista Hawadda iyo Gadiidka Cirka Somaliland ay muddo waday dib habayn lagu sameynayo  garoomada diyaaraddaha ee dalka, iyada oo ujeedadeedu tahay in la xoojiyo is ku xidhnaanta dalka, isu socodka bulshada, iyo kobcinta dhaqaaalha Somaliland, isla markana Duulimaadyada  ka bilaabmay Madaarka Laascaanood ay fure u noqon doonaan kor u qaadista ganacsiga iyo kobcinta dhaqaalaha Gobolka Sool oo Xukuumadda Somaliland ay horumarintiisa  mudnaan gaar ah siinayso. Sida uu ku sheegay qoraalka Mr. Sadaam oo ah Afhayeenka Wasaaradda Duulista iyo Hawada Somaliland.
Dhinaca kale waxa jira warar sheegaya in ay suurta galtahay in ay socdaalada diyaaradaa ka faa’idaystaan kooxaha nabadiidka ah ee cadawga Somaliland, kuwaas oo fursad u helikara in ay dhinaca Magaalada Muqdisho, Kismaayo iyo dhinaca Kenya oo socdaalka iyo duulimaadyadu diyaaradu la xidhiidho ay kaga soo qaataan hub iyo waxyaabo la mid ah, iyagoo doonaya in ay amaanka gobolka waxyeelaan.
Qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa u sheegay shebekadda Araweelo news in maamulka gobolku wax badan kala socon wixii ay siday Diyaaradu, isla markaana madaarka Laascaanood aanu ahayn mid duulimaadyada ay ka bilawday diyaaradu lala socon karo waxa laga dejinayo, taas oo firsad siin karta cadawga Somaliland iyo kooxaha kasoo horjeeda Somaliland ee dhufayska ka dhigta Muqdisho, Kismaayo iyo Nairobi. Sidaa awgeed waxay qaar ka mid ah dadka deegaanka oo ka gaabsaday in magacooda la xuso usoo jeediyeen Hay’addaha amaanka Somaliland in ay arrintaa indhaha ku hayaan.
ifo@araweelonews.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *