dhakhaatiirta Ebola Liberia

Hargeysa(Araweelo News Network)Dalalka Bariga iyo Badhatmaha Afrika ayaa si weyn uga walaacsan inuu kusoo fido cudurka dilaaga ah ee EBOLA, kaasoo ay la xarbiyayaan

 

wadamada galbeedka Afrika tan iyo horaantii Febeury 2014. Kadib markii dalka Sierre Leone lagu arkay cudurkaa oo galaaftay nolosha dad badan, isla markaana tirooyin kale la geeyay goobo lagu karantiimeeyo oo lagu daweeyo.

Hase yeeshee Virus Ebola, ayaa ku fiday oo u gudbay dalalka Liberia, Guinea iyo Nageria oo lagu arkay cudurkaa oo ay ilaa hada u dhinteen 729, tan iyo bilawgii sanadkan, isla markaana ay tiro lagu qiyaasay 1, 200 la ildaran yihiin sida ay sheegtay Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan caafimadka ee WHO.

 

Dawlada Maraykanka ayaa sheegtay in ay shqaalaha ka jooga dalalkaa ee ciiwinayay dadka uu haleelay cudurku kala baxayso marka la xaqiijiyo in ay ka fayaw yihiin cudurka Ebola.

Talaabada Maraykanku ku go’aansaday inuu kala baxo shaqaalihiisa, ayaa ka danbaysay. Kadib markii Laba dhakhtar oo ka mid ahaa 340, isugu jira dhakhaatiir iyo kaaliyayaal caafimaad oo u dhashay Maraykanka oo ka socda ( US Peace Corps volunteers) oo u gudbay dalalka Leberia, Sierra Leone iyo Guinea ay geeriyoodeen, mid kalena uu haleelay cudurka Ebolo, kuwaas oo gurmad u tegey halka si ay dadka uu haleelay Cudurku u daaweeyaan.

102 ka mid ah ayaa ku sugan Guinea, 108, joogaan dalka Liberia, halka 130 kalena joogaan Sierra Leone, waxaana la muujinayaa in xaalada ay kahatar tahay, iyadoo lala tacaalayo sidii loo xakamayn lahaa cudurka.

Cudurka ayaa lagu arkay dhinaca Dalka Naigeria oo Virus-ka Ebolo usoo gudbay Jimcihii todobaadkii hore, iyadoo dalka Liberia haweenayda Madaxweynaha ka ah ay dadweynaha kala hadashay warbaahinta. Kadib markii dadweyne cadhaysan oo diidanaa in goob caafimaad oo karantiimo ah loo sameeyo dadka qaba cudurka, waxayna dadka u sheegtay in meel looga soo wada jeesto sidii goobo amaan ah loogu samayn lahaa dadka qaba cudurka si aanu bulshada ugu fidin, waxaana gebi ahaanba la fasaxay dugsiyada waxbarashada iyo Jaamacaddaha dalka si loo yareeyo khatarta cudurka.

Dhinaca kale waxa laga cabsi qabaa in Cudurku u gudbo dallka xataa ka baxsan qaarada Afrika ee aan xuduudka la lahayn dalalka galbeedka Afrika, kuwaas oo la hakiyay duulimaadyada wadamo badan oo diyaaradahoodu isaga gooshi jireen dalalka masiibadani ku habsatay.

Sidoo kale dalalka Bariga Afrika Ethiopia, Kenya Sudan iyo wadamada Badhtamaha Afrika ayaa ka walaacsan in cudurka Ebola soo raaco diyaaradaha iyo rakaabka isaga soo gudbaya wadamadaa, balse waxa la xidhay xuduudaha ay wadamo badan la wadaagaan dalalka ilaa hada cudurka Ebola isaga gudbay. Laakiin waxa la rumausanyahay in kahatarta xuduuduhu weli ay taagantahay, waxaana dalal badan durba miijiyeen taxadir dheeraad ah oo la xidhiidha duulimaadyada diyaaradaha iyo rakaabka ka imanaya wadamada galbeedka Afrika.

Cudurka EBola oo ah Virus aan dawo lahayn, waxa markii ugu horaysay lagu arkay dalka Sierra Leone 1976, iyadoo lagu arkay dad degan Webiga Ebolo, kuwaas oo u dhintay cudurkaa oo la rumaysanyahay in ay ka qaadeen Fiidmeerta iyo Daayeerka oo ay cununaan dadka ku dhaqan hareeraha Webiga Ebola.

Balse khatarta waqtigan ee Cudurkaa ayaa horaantii sanadkan lagu arkay dalka Sierra Leone oo ku yaal galbeedka Afrika, isla markaana dhinaca Woqooyi ka kulaalaya Badweynat Atlantic Ocean oo ay xuduud wadaagaan dalalka Liberia iyo Guinea, kuwaas oo cudurka Ebola usoo gudbay, iyadoo si weyn looga casbsiqabo inuu u gudbo dalalka qaarada Afrika iyo kuwo dunida kale ku yaal.

info@araweelonews.com
Hargeysa Somaliland.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *