ALt "Gunter Bischoss"Gunter Bischoss

Hargeysa(ANN)Waxa shalay mar labaad dugsiga tababarka Mandheera ka furantay geeddi socodka labaad ee dhagaysiga dacwadda lagu soo oogay eedaysane Mr. Guntar Bischoss, oo u dhashay dalka Jarmalka kuna eedaysan inuu falal dhaqan xumo ah ku sameeyay gabdho reer Somaliland

 

ah iyo haweenay la eedaysan oo reer Somaliland ah.
Dacwaddan oo uu Garsoore ka yahay Md. Cabdirashiid Duraan, oo ka mid ah garsoorayaasha maxkamadda gobalka Hargeysa, ayaa dugsiga tababarka ka furantay 9:50 barqanimo ee shalay, iyadoo aad loo adkeeyay ammaanka guud ahaan xarunta dugsiga, waxaanay socotay lix saacadood iyadoo laba jeer loo baxay nasasho iyo salaadii duhur. Waxaana goob joog ka ahaa Weriyayaal ka socday Wargeyska Geeska Afrika oo ahaa saxaafadda keliya ee madashaas goob jooga ka ahayd, xubno ka socday hay’adaha xuquuqal Insaanka, qareenada eedaysanayaasha difaacayay, culimo ka socotay Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta, xeer ilaalinta dacwadda soo oogtay, markhaatiyaashii iyo dad kale oo kooban, waxaanay dacwadu ku bilaabantay jawi deggen.

 

Bilowgii Dhagaysiga
Garsoore Cabdirashiid Duraan, oo intii dhagaysiga dacwadu socotay ku waday jawi degenaansho ay ka muuqatay ayaa ku dhawaaqay inay maxkamadu furantahay. Waxaana hadalka ugu hor galay xeer ilaalinta oo laga sugayay inay keento hormadii labaad ee markhaatiyaasha iyo wixii cadaymo ah ee ay hayaan. Waxaanay soo qadimeen oo markhaatiyadooda ugu horeeyay taliyaha ciidamada CID-da Md. Daahir Muuse Abraar, oo dhaar ka dib ka sheekeeyay waxyaabihii uu baadhay iyo xogtii uu ka helay. Daahir, waxa uu ka waramay sidii uu dhukumentiga ku qabtay iyo halkii ay baadhistu la gashay. Waxa ku xigay nin dhallinyaro ah oo isna ku jiray markhaatiyada ay xeer ilaalintu goobta keentay. Xeer ilaalintu waxa ay labada eedaysane ku soo oogtay dacwad salkeedu ku fadhiyay saddex qodob oo kala ah, dhiirigelin macsiyeed, sinno iyo ka ganacsi sawiro fawaaxish ah.
Sawiradii
Xeer ilaalintu waxa ay madasha keeneen 17 sawir oo isugu jiray kuwo waraaqo xaashiyo ah lagu daabacay iyo kuwo kale oo ku jiray cajalad (Flash Disc). Sawiradaas waxa ay xeer ilaalintu ku dooday inuu qaaday Mr. Gunter, kuwaas oo ay faahfaahin dheeraad ah ka bixiyeen. Sawiradaas daabacan iyo kuwa kale ee cajalada ku jiray waxa la tusay si ay markhaati uga noqdaan hay’adaha xuquuqal insaanka, Wargeyska Geeska Afrika iyo culimada. Sawirada waxa kale oo ku jiray hablo dhallinyaro ah oo aanay ciidamada ammaanku ilaa hadda ku guulaysan inay gacanta ku dhigaan.
Tan iyo markii ay soo ban baxday dacwadda loo haysto eedaysanahan Jarmalka ah iyo haweenayadan kale, waxa suuqyada kala duwan ee Hargeysa la isla dhex marayay muuqaalo duuban oo la sheegayo inay yihiin kuwan ay hay’adaha ammaanku soo qabteen. Laakiin sawirada shalay waxay ahaayeen kuwo ka fog muuqaalada suuqa la isla dhex marayo, mana jiro haba yaraate sawir ka mid ah kuwa eedaysanayaashan loo haysto oo suuqyada dalka u soo baxay, marka laga reebo kuwa hay’adaha ammaanku gacanta ku hayaan oo aad looga taxadiray inay faafaan.
Muuqaalkii Iyo Doodda Eedaysanayaasha
Labada eedaysane ee Mr. Gunter iyo haweenayda, ayaa maxkamadda dhex fadhiyay. Mr. Gunter oo ku labisnaa shaadh iyo surwaal kaaki ahi, waxa dareenkiisa laga akhrisan karayay fikir iyo faallo dheer oo uu mararka qaar naftiisa la galayay. Inta badan waxa uu dacwadda ku dhammaystay aamusnaan iyo foorar isagoo mararka qaar madaxa gacanta saarayay hoosna u fooraray. Waxa uu ka jawaabayay su’aalaha la weydiiyo oo uu ka turjumayay mid ka mid ah qareenadiisu. Dushiisa waxa ka muuqatay caafimaad qab, marka laga reebo ilkaha oo uu maxkamadda u sheegay inay xanuunayaan. Mr. Gunter, oo hore loo sheegi jiray inuu qaatay diinta Islaamka, waxa uu shalay maxkamadda horteeda ka cadeeyay inuu yahay nin Kiristaan ah.  Haweenayda la eedaysan oo ah gabadh dhallinyaro ah oo ku jirta da’ihii soddomaadka, waa haweenay laf xoogan leh, joog iyo jismina u dhalatay, waxaanu dareenkeedu ahaa mid aad u deggen, hadalkeedu ma badnayn, waxase ay ka jawaabaysay su’aalaha la weydiiyo oo ay sharax dheer raacinaysay. Labada eedaysane waxa ay sheegeen inaanay garanayn sawiradan goorta laga qaaday iyo sida looga qaaday, marka laga reebo  haweenayda oo sheegtay inay garanayso mid ka mid ah sawirada oo ay kula jirto eedaysanahan jarmalka ah oo ay ugu yeedhaysay Cabdifataax iyo wiil yar oo ay iyadu dashay. Waxaanay sida ay ku dooday ay samaynta iyo isu gaynta sawiradan ku eedaysay mid ka mid ah markhaatiyaasha dambiga ku cadaynayay oo ay eedaymo kala duwan u jeedisay.
Qareenada Difaacayay
Labada qareen ee difaacayay labada eedaysane ee u kala dhashay Somaliland iyo Jarmalka, ayaa iyaguna gudo galay difaacoodii, waxaanay labadaas qareen oo hadalka iska daba maray ay waxba kama jiraan ka soo qaadeen markhaatiyaashii iyo sawiradii kala duwanaa ee la soo bandhigay. Labada qareen waxa ay ku doodeen in marka koowaad ay sawiradu yihiin kuwo macmal ah oo la isu geegeeyay, waxaanay codsadeen inay maxkamadda horkeenaan qof khabiir ku ah sida sawirada la isugu geegeeyo si uu u cadeeyo inay yihiin kuwo la sameeyay iyo inay yihiin kuwo rasmi ah. Laakiin mar uu garsooruhu ka codsaday inay doonayaan inay maxkamadu keento khabiir madaxbanaan iyo inay iyagu mid keensanayaan, waxa ay ku adkaysteen inay iyagu doonayaan inay soo kaxaystaan nin waxyaabahan khabiir ku ah, inkastoo ay gunaanadkii dacwadda ka noqdeen dalabkan.
Waxa kale oo ay labada qareen deedefeeyeen dhammaan xubnihii markhaatiyasha ahaa iyagoo qaar ka mid ah ku sifeeyay inaanay markhaati geli karin, qaarna ku tilmaamay inaanay keenin wax cad oo muujinaya inay labada eedaysane dambigan galeen. Sidaas daraadeed waxa ay maxkamadda ka codsadeen inaanay waxba ka soo qaadin markhaatiyada iyo sawirada ay xeer ilaalintu keentay oo ay qabaan inay yihiin kuwo macmal ah. Waxa kale oo ay macmal ku tilmaameen warqad meher ah oo uu maxkamadda u keenay nin sheegay inuu gabadhan eedaysanaha ah qabay, gabadhuna ay sheegtay inay wakhti hore ninkaas kala tageen.
Xeer ilaalinta
Xubnaha xeer ilaalinta ayaa iyaguna ugu dambayn maxkamadda ka codsaday in labada eedaysane lagu fuliyo wixii ciqaab ah ee ay ku mutaysan karaan dhukumentiyada la soo bandhigay. Waxaanay codsadeen in eedaysanaha jarmalka ah marka uu xukunkiisa dhammaysto dalka laga masaafuriyo, iyagoo tiriyay qodobo ay adeegsadeen oo ku jira xeerka ciqaabta guud.
Codsigii Eedaysane Gunter
Garsooraha maxkamadda ayaa eedaysanaha Jarmalka ah weydiiyay codsiga uu doonayo inuu maxkamadda ka dalbado, maadaama oo ay shalay ahayd maalintii ugu dambaysay ee dhagaysiga dacwadda, fadhiga saddexaadna  go’aanka lagu dhawaaqi doono.
Mr. Gunter, waxa uu maxkamadda ka codsaday in da’diisa oo ugu diiwaangashan 60 jir lagu bedelo inuu yahay 72 jir, kaas oo laga diiday, sidoo kale waxa uu codsaday inay maxkamadu xukunkiisa ku salayso sharciga, haddii wax dhimani jiraana ay baadhis qoto dheer ku samayso.
Codsigii Gabadha
Haweenaydan eedaysanaha ah, ayaa ugu dambayn inta ay si deggen u istaagtay, waxa ay maxkamadda ka codsatay in la cafiyo, maadaama oo ay tahay hooyo dalkeeda iyo wiilkeeda jecel oo muwaadinad ah.
Gunaanad
Maxkamadda ayaa marka laga reebo hadalo kul-kulul oo ay mararka qaar xeer ilaalinta iyo qareenadu is dhaafsanayeen waxay ku xidhantay jawi deggen, waxaanay labada dhinac u mahad celiyeen garsoore Cabdirashiid Duraan oo sida ka muuqatay wakhti iyo dedaal u huray inuu shalay soo gunaanado wejiga hore ee dacwadan. Mr. Gunter, oo maxkamadda ka dib uu Wargeyska Geeska Afrika, weydiiyay sida uu u arko geedi socodka maxkamadda ayaa ku jawaabay inuu si caadi ah u arko, “Waa caadi.” ayuu yidhi.
Si kastaba ha ahate garsooraha dacwadan, ayaa la filayaa inuu muddeeyo maxkamadda saddexaad oo uu kaga dhawaaqi doono go’aanka uu ka gaadhay dacwadan oo xaasaasi ah.

Source: Wargeyska Geeska Afrika

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *