Hargeysa,(ANN) “Waxa aan xasuusinaynaa inay lagama maarmaan tahay musharixiintii tartamay, taageerayaasha xisbiyadda iyo dhammaan shacbi-waynaha Somaliland ee qiimaha leh in la taageero loona hogaansamo natiijada iyo go’aanka ay ka soo saaraan gudiga doorashooyinka qaranku tartankii loo tartamay hogaaminta dalka..” sidaa waxa lagu sheegay baaq ay maanta soo saareen cullimada waaweyn ee dalka oo galabta baaq ay ku saxeexanyihiin in ka badan labaatan xubnood ka soo saareen magaalada Hargeysa.

 

 

 

Baaqa  ay Soo saareen  doo hammaystirani waxa uu u qornaa sidan:

 

 

 “Mahad ILAAHAY ayaa leh, nabad iyo naxariisna Nebigeena suubaan korkiisa ha ahaato, intaa ka dib haddii aanu nahay culimada reer Somaliland anaga oo ka duulayna maslaxada dadka iyo dalka iyo nabadgalyada la haysto iyadoo la filayo in dhawaan haddii Alle ka dhigo ay soo bixi doonto natiijadii doorashada ee dhawaan loo codeeyay sidaa daraadeed, sidaa daraadeed waxa aan halkan ka soo jeedinaynaa dardaarankan iyo talooyinkan hoos ku qoran.

 

In ILAAHAY laga cabsado looguna mahad-naqo sidii wanaagsanayd, quruxda badnayd, kalsoonida iyo nabadgalyada lahayd ee ay inoogu dhacday  doorashadii Madaxtooyadu ee qabsoontay 26 june 2010.

In shacbigu mar-walba ilaashado nabadgalyada iyo xasiloonida dalka isla-markaana ka foojignaado wax alla wixii waxyeeli kara ama dhaawici kara nimcadda nabadgalyo ee Alle inagu galadaystay.

Waxa aan xasuusinaynaa iyi lagama maarmaan tahay musharixiintii xisbiyadda tartamay, taageerayaasha xisbiyadda iyo dhammaan shacbi-waynaha Somaliland ee qiimaha leh in la taageero loona hogaansamo natiijada iyo go’aanka ay ka soo saaraan gudiga doorashooyinka qaranku tartankii loo tartamay hogaaminta dalka.

Waxaanu u soo jeedinaynaa tageerayaasha axsaabta iyo guud ahaan shacbiga Somaliland inay ka feejignaadaan kana dheeraadaan banaanbaxyada iyo xafladaha wax u dhimi kara nabadgalyada, xasiloonida iyo anshaxa guud.

Waxaanu ku amaanaynaa gudida dooorashooyinka Qaranka iyo hay’adaha amniga ee kala duwan sida hawl-karnimada ah ee ay uga shaqeeyeen sugida amaanka, sidoo kale waxaanu ku soo adkaynaynaa inay halkaa ka sii wadaan muujiyaana dhexdhexaadnimo  mar walba.”

 

 

ü      Sheekh Yuusuf Maxamed (Hargeysa).

 

ü      Sheekh Maxamed Aaden Muxumed (Hargeysa)

 

ü      Sheekh Maxamed Daahir Dhawal (Boorama).

 

ü      Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed (Hargeysa).

 

ü      Sheekh Cabdilaahi Baashe (Burco).

 

ü      Sheekh Cabdilaahi Cabdi Cali (Hargeysa).

 

ü      Sheekh Maxamed Cali Geedi (Hargeysa).

 

ü      Sheekh Cawil Faatax (Ceerigaabo).

 

ü      Sheekh Maxamed Ibraahim Yuusuf (Wajaale).

 

ü      Sheekh Yuusuf Cabdi Cawad (Burco).

 

ü      Sheekh Cabdilaahi Cabdi Cali (Makaawi) (Gabilay).

 

ü      Sheekh Axmed sheekh Jibriil (Boorama).

 

ü      Sheekh Saleebaan Siciid Cali (Berbera).

 

ü      Sheekh Maxamed Macalin Cabdi Carab (Hargeysa)

 

ü      Sheekh Xasan Cabdisalaan Sheekh Cali (Hargeysa).

 

ü      Sheekh Cabdilaahi Sheekh Cali Jawhar (Boorama).

 

ü      Sheekh Maxamed Cali Gadhle (Hargeysa)

 

ü      Sheekh Ismaaciil Cabdilaahi Jaamac (Hargeysa).

 

ü      Sheekh Maxamed Shukri (Burco)

 

ü      Sheekh Cabdiraxmaan Axmed Aw Cabdi (Hargeysa)

 

ü      Sheekh Cabdiqaadir Xaaji Jaamac (Hargeysa)

 

ü      Sheekh Cumar Faarax Cabdilaahi (Gabilay)

 

ü      Sheekh Faysal Cali Faarax (Burco)

 

ü      Sheekh Mustafe Aaden (Burco)

 

ü      Sheekh Cali Aaden Nuur (Boorama)

 

ü      Sheekh Xasan Daheeye (Boorama)

 

ü      Sheekh Cabdiraxmaan Axmed Bulaale (Sheekh).

 

ü      Sheekh Cumar Faarax Cabdilaahi (Gabilay).

 

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 

Araweelonews Hargeysa Office                  

E-mail; Info@araweelonews.com/ jaamac132@gmail.com shalcaw2@hotmail.com .

 

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *