Buuhoodle(ANN)Dagaal dhawr saacadood socday ayaa galabta ka dhacay deegaanka Magaalada Buuhoodle, kaas oo u dhexeeyay Ciidammadda qaranka Somaliland ee jiida hore iyo koox malayshiyo nabaddiid ah oo ku dhuumaalaytasa deegaankaa.Dagaalka ayaa  qarxay galabta kadib

markii  ay maleeshiyadaasi soo weerartay mid ka mid ah fadhiisimada ciidanka qaranka Somaliland ee ku yaala duleedka Buuhoodle, iyadoo warar laga soo xigtay dadka deegaanka saraakiil milateriga Somalililand sheegayaan in malayshiyada khasaare xumi soo gaadhay, isla markaana ay ciidanka qaranka Somaliland dhirbaaxo xun ku dhifteen malayshiyadaa oo maalmihii lasoo dhaafay isku urursanayay deegaankaa, kuwaas oo sida ay warar laga helay dadka deegaanku sheegayaan inay qaarkood ka yimaadeen Koonfurta Somalia iyo gobolada dhexe.

Sidoo kale waxay warar laga soo xigtay dhinaca malayshiyadaa nabaddiidku sheegayaan in dhaawac dhawr iyo toban dhaawac malayshiyadaa oo la geeyay Cusbitaalka Buuhoodle, iyadoo tirada dhamashadoodna aan si rasmi ah loo ogayn, balse ay wararka laga helayo magaalada Buuhoodle sheegayaan in 25 ka mid ah malayshiyadaa la dilay, isla markaana laga gubay laba gaadhi oo kuwii ay wateen ee dagaalka ah.
Ciidanka Somaliland ayaa la sheegay in dhinaciisa khasaare sahlani soo gaadhay, iyadoo shan askari kaga dhinteen dagaalka, halka sideed  askari dhaawacyo kala duwani soo gaadheen
Xukuumadda Somaliland ayaa ka hadashay dagaalka maanta ka dhacay deegaanka Buuhoodle, waxayna eediisa dusha ka saartay kooxda Cali Khaliif oo ay ku sifeeyeen fidmawalayaal doonaya inay bulshada deegaankaa dab iyo colaad geliyaan.
Agaasimaha guud ee wasaaradda warfaafinta iyo wacyi-gelinta Somaliland Faysal Cali Sh. Maxamed, ayaa ka hadlay dagaalkii galabta ciidamadda qaranka iyo maleeshiyo nabad diid ah ku dhex maray deegaanka Sool-joogta oo ku yaala duleedka Magaalada Buuhoodle. Wuxuuna  sheegay inay ciidanka qaranku ay dhirbaaxo kulul ku dhufteen maleeshiyadii weerarka soo qaaday oo uu ku eedeeyay inay soo direen wax uu ugu yeedhay kooxdii fidmo waleyaasha ahaa ee shirkii fashilmay  ee  degmada Taleex ee gobolka Sool
Faysal Cali Sheekh waxa uu masuuliyada dagaalkaasi dusha ka saaray kooxdii abaabushay shirkii Taleex oo uu tilmaamay inay maanta gaadheen magaalada Buuhoodle.
Agaasimuhu wuxuu sheegay in ciidanka qaranku ay baacsadeen,  isla markaana dib u celiyeen maleeshiyadii weerarka soo qaaday oo uu carabka ku dhuftay in khasaare weyn loogu geystay dagaalkii galabta oo socday 3:30-kii galabnimo ilaa makhribkii caawa.
Agaasimaha guud waxa uu sheegay inaanay nabadgelyada iyo wada jirka dalka waxba u dhimi karin koox qurbo-joog ah oo doonaya inay qas geliyaan xasiloonida shacbigoodu ku naaloonayo, wuxuuna ciidanka qaranka ku bogaadiyay guusha ay ka soo hooyeen dagaalkaa oo sida sheegay ay ku difaacayeen qaranimadooda, isla markaana ku gudnayeen  waajibaadka culus ee ay dalkooda iyo dadkooda u hayaan.
.
Dagaalka ayaa ka dhashay sida ay wararka deegaanka aanu ka helay sheegayaan. Kadib markii xubno ka mid ah kooxdii shirka guuldaraystay ee la doonayay in lagu dhaawaco qaranimada Somaliland ee uu hogaamiyay Cali Khaliif Galaydh oo ku go’doonsanaa maalmihii u danbeeyay magaalada taleex, isla markaana isaga ninka keliya ee ay iskaga soo hadheen kooxdii qorshohoodu fashilamay ee gudida lixda Dr. Cali Ciise  iyo dhawr madaxdhaqameed oo aan ahayn kuwa awooda ku leh deegaanka Taleex laga saaray. Kadibna si dhuumasho ah ugu gudbeen dhinaca deegaankaa Buuhoodle, iyagoo doonaya inay la kulamaan maamulka kililka shanaad ee Ethiopia.
Hase yeeshee sida ay wararkaasi sheegeen Cali Khaliif iyo saaxiibkii Cali Ciise oo ay wheliyaan dhawr Oday dhamqameed oo doonayay inay soo galaan magaalada Buuhoodle ka hor inta aan dagaalku ka qarxin halkaa, waxay koox dumar iyo caruur ahi isugu soo baxeen si ay usoo dhoweeyaan. Laakiin sida ay shebekada Araweelonews u sheegeen dad ku sugan deegaanka Buuhoodle, waxa rasaas ku kala eriday haweenkaa iyo caruurtaa malayshiyada Saleebaan Xagla Toosiye oo isagu hore u sheegay inuu fashilmay shirkii Taleex, isla maraakana aanay jirin go’aamo kasoo baxay oo ay aqoonsanyihiin.
Waxayna tacshiiradaha rasaasta ahaa ee lagu kala kexeeyay dadkaa sababeen dhimasho hal qof oo haween ah iyo laba qof oo dhaawac soo gaadhay, taas oo keentay inay kooxda Galaydh dib uga faagato inay soo galaan Buuhoodle, balse warar kale ayaa sheegaya in markii dagaalku ka dhacay deegaanka buuhoodle galabta ay soo galeen habeenimadii, iyadoo Malayshiyo la socotay ka qayb qaadatay dagaalka.
Dhinaca kale xoggo iyo tibaaxo shebekada Araweelonews ka heshay Degmada Taleex ayaa sheegay in Prof. Galaydh iyo saaxiibkii Cali Ciise oo doonayay inay qoraal ay samaysteen oo ay ku sheegayaan inuu kasoo baxay shirkii fashilamay, kaas oo sida ay tibaaxaha iyo xiggahaasi u sheegeen Araweelonews ay  doonayeen inay ka seeexaan dhamaan garaadada deegaankaa, balse ay taasi u suurta geli weyday, iyadoo garaadada ugu mihiimsan deegaanku horeba u diideen qorshaha Galaydh iyo saaxiibkii, isla markaana markii malayshiyo kasoo horjeeda oo deegaanka Taleex ka saareen magaalada ay hore usii kaxaysteen dhawr ka mid ah garaadada deegaanka Sool iyo Buuhoodle, balse aan ahayn kuwii awooda ku lahaa deegaanka iyo bulshada halkaa, kuwaas oo magacyadooda lagu sheegay  Garaad Jaamac Garaad Cali, Ugaas Cabdilaahi Ciise, Yaxye, Garaad Saleebaan Buraale, Garaad Cabdisalaan Xasan, Garaad Maxamuud Cismaan. Iyadoo ay tibaaxahaasi sheegayaan inay Kooxda Galaydh dhinaca dalka Ethiopia ee ismaamulka Soomaalida u doonanayaan taageero iyo inay la shaqeeyaan, taas oo ugu gacanhaadiyay maamulaha kililka shanaad  Cabdi Maxamuud Cumar oo taageero u muujiyay kooxdaa uu wato Galaydh ee taageerada uga weyday qorshohooda bulshada deegaanka Sool iyo Buuhoodle.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *