Hargeysa(ANN) Ciidanka Booliska Somaliland ayaa gacanta ku dhigay Hub xaddi badan oo nooca loo yaqaan Hoobiyaha, miinooyin  iyo qalab kale oo laga helay guri ku yaal magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal.

Taliyaha Ciidanka Booliska ee Somaliland C/llaahi Fadal Iimaan oo uu Weheliyo Taliyaha Qaybta Miinada ee Ciidanka Booliska Cumar C/llaahi Qaasaali ayaa maanta saxaafada ugu soo bandhigay magaalada Hargeysa hubkaa oo ka koban Laba Boqol oo qoryaha loo yaqaan Hoobiyaha iyo miinooyin.

Taliyaha Ciidanka Booliska oo Warbaahinta ugu Waramayay Xarunta Taliska Guud ee Ciidanka Booliska ee Caasimada Hargaysa, waxa uu  sheegay  in soo qabashada Hubkaa ay kaalin weyn ku lahaayeen dadkii lahaa guriga hubka  la dhigay,oo ku soo wargaliyay Ciidanka Booliska in hubkaasi yaalo Gurigooda, isagoo u mahad celiyay dadkii lahaa gurigaa.
C/llaahi Fadal waxa  uu ka codsaday Shacabka Somaliland inay Ciidamada la yeeshaan wada shaqayn,  isla markaana ay la soo socodsiiyaan wax kasta oo nabadgalyada wadanka wax u dhimaya si loo sugo amaanka dalka.
Hubka ay Boolisku soo bandhigeen ayaa la sheegin halka uu ka yimi iyo cidii lahayd ee ku ururstay gurigaa. sidoo kale lama garanayo inuu Hubkan oo ah nooca ay inta badan Al-shabaab u adeegsato duqaynta yahay mid laga keenay dhinaca wadamada Yaman iyo Ereteria oo hubku ugu yimaado si qarsoodi ah iyo in uu Somaliland kasoo galay dhinaca Somalia ee Muqdisho oo uu ka mid yahay hubkii ay kooxda Al-shabaab qaateen markii ay dhowaan ka baxeen magaalooyin ka mid ah Koonfurta Somalia.
Dhinaca kale maaha markii ugu horaysay ee ay Ciidanka Booliska Somaliland qabtaan hub sidan oo kale, iyagoo aan sharaxaad ka bixin dadkii hubkaa watay halka ay mareen, ujeedada laga lahaa iyo halka uu dalka kasoo galay, balse sheekada kusoo ururiya waxa door ka qaatay dadkii guriga lahaa. 
Si kastaba ha ahaatee hubka ay sheegeen inay ka heleen magaalada Boorama ayaa muujinaya khatar weyn oo dalka Somaliland kusoo maqan, isla markaana ay cabsideedu taagantahay mar haddii aan gacanta lagu dhigin cidii wadatay hubkaa, waxayna arrimahani kusoo beegmeen laba maalmood ka dib markii deegaanka Guumays ee dhinaca duleedka gobolka Sool ay ciidanka qaranka Somaliland ku qabteen afar nin oo mid yahay ajaanib u dhashay dalka Pakistaan kuwaas oo la qabtay hub ay siteen iyo gaadhigii ay wateenba, iyadoo la rumaysanyahay inay ka mid yihiin kooxda Al-shabaab ee kasoo furxanay koonfurta Somalia.

 

Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *