Djibouti (ANN) Dawladda Jabuuti ayaa xabsiga dhigtay daraasiin dad ah, isla markaana ciidamada amaanka ayaa baadi goobaya qaar ka mid ah dadkaa oo qayb ka ahaa mudaharaad boqolaal dad ahi  isugu soo baxeen  Jimcihii toddobaadkan  oo ay ku dalbanayeen inuu xilka ka degmo Madaxweyne

 

Ismaaciil Cumar Geelle oo markii saddexaad u sharraxan doorashada Madaxtooyada dalkaa.

Dadweyne boqolaal ah ayaa maalinimadii Jimcihii toddobaadkan isugu soo baxay badhtamaha magaalada Jabuuti,  iyagoo ku mudaharaadaya Madaxweynaha dalkaa u taliya Ismaaciil Cumar Geelle. Kuwaas  oo dalbanayey inuu xilka iskaga dego, iyagoo  sitay boodhadh ay ku qoran yihiin halku dhegyo ka dhan ah madaxweynaha Jabuuti sida ka muuqata canjalad maqal iyo muuqaal oo xalay lagu faafiyey shabakadda wararka ee Oodweynenews.com.
Dhinaca kale Dad ku sugan magaalada Jabuuti ayaa xalay Jamhuuriya khadka telefoonka ugu xaqiijiyey inay  ciidammada ammaanku labadii maalmood ee u dambeeyey magaalada ka ugaadhsanayeen dad lagu eedeeyey inay ka mid ahaayeen kuwa mudaharaadka sameeyey, kuwaas oo xabsiga loo taxaabay qaarkood, halka ay ciidamadu weli raadinayaan kooxo kale oo ka mid ah dadkaa.

Ma jirto war rasmi ah oo caddaynaya tirada dadka la sheegay in xidhxidhay, iyada oo warbaahinta adduunka iyo idaacadda afka Soomaaliga ku hadlabaa ka gaabsadeen inay ka waramaan mudaharaadka ka dhacay Jabuuti, balse sida warku sheegayo waxa la qabqabtay dad fara badan oo loo aanaynayo inay qayb ka ahaayeen mudaharaadkaa.

Mudaharaadka oo lala  xidhiidhinayo  inuu qayb ka ahaa kacdoonnada ka dhanka ah hoggaamiyayaasha dunida Carabta ee talada dalalkooda ku raagay, balse aanay warbaahinta dunidu si fiican usoo bandhigin, ayaa waxa shabakadda internetka ee Youtube lagu baahiyey muuqaal  kooban oo muujinaya mudaharaad dadweyne fara badan oo reer Jabuuti ahi isugu soo baxeen , kaas oo  ka dhan ah xilka Madaxweyne Geelle, waxaannay dadweynahaasi ku dhawaaqayeen erayo ay ka mid yihiin ‘Ha dhaco,’ isla markaana waxay siteen boodhadh ku qoran luuqada Faransiiska oo ay ku dalbanayeen in Madaxweynahoodu xukunka ka dego.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail info@araweelonews.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *